Home » Africa » Taribo West Oo Ka Jawaab Celiyay Eedeymihii Ku Aadanaa Inuu Been Ka Sheegay Da’diisa Markii Uu Ciyaarayay.

Taribo West Oo Ka Jawaab Celiyay Eedeymihii Ku Aadanaa Inuu Been Ka Sheegay Da’diisa Markii Uu Ciyaarayay.

Waxaa Qoray:

Taariikh: 04-April-2013

196882hp2

Daafacii hore ee Nigeria Taribo West ayaa shaaca ka qaaday inay la yaab ku noqotay sheegashada ah inuu been ka sheegay da’diisa markii uu ciyaarayay.

Daafaca dhexe oo lagu yaqaano daafacashadiisa adag iyo timihiisa indhoqabadka leh ayaa la sheegay inuu 12 sanno ka weyn yahay da’da uu si rasmi ah u jiro sida uu shaaciyay madaxweynihii hore ee kooxda Partizan Belgrade.

Si kastaba, ciyaaryahankii hore ee Partizan iyo Inter Milan ayaa la yaabay eedeymahaas, isagoo sheegay inay aheyd in kooxda ay arintaan ka hadasho markii u ciyaarayay.

“Xaqiiqdii ma aqaano waxa ay ka hadlayaan, waana sababta aysan u jirin wax aan ka iraahdo” ayuu Taribo West oo haatan sheegta inuu 39 jir yahay u sheegay The Punch.

“Laakiin waxaa isweydiin mudan inay arimahaan ka hadlayaan 10 sanno ka dib markii aan ka tagay. Maxaa arintaan looga hadli waayay markii aan joogay? Waa maxay sababta looga hadlayo ka dib markii aan ciyaaraha ka fariistay.”

Isagoo ka hadlayay hadalkii Zecevic ee ahaa inuu 40 jir ahaa markii uu kooxda Partizan ugu soo biiray 28 sanno jir , waxa uu Taribo West sidoo kale u sheegay Tribunesport oo Nigeria ka soo baxa:

“Ma ahan aabaheey, walaalkeey ama qaraabadeyda. Suxufiyiinta waxa ay aheyd inay weydiiyaan halka uu ka helay warkaan.

“Waxaan rikoorkeyga saxda ah ku heysta horyaalka sarre ee kooxda Obanta United tan iyo 1990meeyadii iyo wixii ka danbeeyay, waxaana isticmaalayay da’deyda runta ah.”