Home » Horyaalada » England » Tababaraha Ajax De Boer Oo U Dhaw In Uu Noqdo Badelka Mancini Ee Kooxda Man City.

Tababaraha Ajax De Boer Oo U Dhaw In Uu Noqdo Badelka Mancini Ee Kooxda Man City.

Waxaa Qoray:

Taariikh: 31-March-2013

952270-15663136-640-360

Wargeyska Daily Mirror ayaa qoraya in tababaraha Ajax Amsterdam Frank de Boer uu yahay tababaraha u dhaw in uu badalo xagaaga dambe macalinka Man City ee Roberto Mancini .

Warar ayaa tilmaamaya in Mancini uu ka tagayo City dhamaadka xilli ciyaareedkaan ka dib markii kooxdiisa ay si fudud uga hareen Champion-ka isla markaana ku guul dareystay in kooxdiisa xilli ciyaareedkaan hogaanka xajistaan .

Tababaraha Ajax ayaa haatan niyad jabsan isaga oo u arka kooxdiisa Ajex koox u nugul in ay iska iibayaan ciyaartooyda taasina ay keeneyso in kooxda uu ka huleelo , iyadoo uu kooxdaas uu qabtay sanadkii 2010-ka .

Xidigaha sanadihii ugu dambeeyay ka soo tagay Ajex ayaa haatan bartilmaameed u noqday kooxaha ugu weyn qaarada yurub waxaan ka mid ah Luis Suarez .

Wargeyskaan ayaa ku adkeysnaya in Man City ka go`an tahay in  kooxda keeneen Frank de Boer inkstoo tababarahaan Man City ku cel celiyay in uusan ka socon kooxda uuna kula joogo hishiis weli uu waqti ka harsan yahay .