Wesley Sniejder: Fariin Ayaan U Dhiibay Mourinho Markii Uu Inoogu Yimid Turkey Shalayto. | Laacib.net
Home » Champions League » Wesley Sniejder: Fariin Ayaan U Dhiibay Mourinho Markii Uu Inoogu Yimid Turkey Shalayto.

Wesley Sniejder: Fariin Ayaan U Dhiibay Mourinho Markii Uu Inoogu Yimid Turkey Shalayto.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 18-03-13 2:59 PM

1363593121_extras_noticia_foton_7_1

Kubadsameeyaha kooxda Turkiga Galatasaray Wesley Sneijder ayaa sheegay inuu shalayto kulan la qaatay Jose Mourinho oo daawanayay ciyaartii Galatasaray ay ka badisay Kayserispor, madaama Real iyo Gala ay isku wajihi doonaan wareega 8da Champions League.

“Inaan mar kale arko Mourinho wax weyn ayay aheyd. Waqti fiican ayaa isla soo qaadanay sida inaan ku guuleysany finalkii Champions League ee Bayern Munich. Waqti dheer fursad uma helin inaan arko, waana ku faraxsanahay inaan hada arkay.” ayuu yiri Sneijder sida ay qortay jariirada Marca

“Waxaan u dhiibay fariin ah: Is jir” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Isagoo ka hadlayay qaab ciyaareedkiisa haatan ee kooxdiisa cusub ee Galatasaray, waxa uu yiri:

“Waan ku faraxsanahay qaab ciyaareedkeyga; mar walba waan ka sii fiicnaanayaa sidii hore. Haatan waxaan aadayaa xulka qaranka oo aan kabtan ka ahay kuna faraxsanay inaan ku laabto. Qaab ciyaareedkeyga waxaa saameyn ku yeelatay mudadii aan ciyaaraha ka fadhiyay.

“Wax dhib ah uma arko inaan goolal dhalineynin, Wesley-ga runta ah waxa uu ku soo laabanayaa sidiisii hore” ayuu hadalkiisa ku koobay.

Tababare Fatih Terim ayaa isna sidoo kale sameeyay booqasho la mid ah tan Jose Mourinho isagoo Bernabeu ku daawaday kulankii ay Real Madrid isbuucaan ka badiyeen Real Mallorca.

20 Responses to Wesley Sniejder: Fariin Ayaan U Dhiibay Mourinho Markii Uu Inoogu Yimid Turkey Shalayto.

  1. Cadaani Reply

    19-March-2013 at 11:32 pm

    Real waa team abood leh mana dhici karto inay sandkan champiokaan seekto

  2. qabiirka sportiga Reply

    19-March-2013 at 10:14 pm

    waryaaya idinka wad iska hadleysin cayaarta lugta hore galastray ayaa 2:1 ku badineyso lugta dambe real 3:0 aya real ay ku badine

  3. Mahbub nani Reply

    19-March-2013 at 9:55 am

    Naadiga madrid wey guleysaneysaa sanadkana real aya leh championka

  4. Nordin Amrabat Reply

    19-March-2013 at 7:15 am

    Hayaay Ronaldo na wu dhaawacmay 1bil garoomada wu kamaqnaanayaa Yaana Celinaayana Burak Yilmaz 2, Selçuk İnan (freekick) aabaha bilisyada wadankan Turkeyga

  5. mustavxidig Reply

    19-March-2013 at 4:28 am

    sxb real hadii ay wax tareyso semi finalka ha iskeento sanadkii hore cml wadada ayaan ku mari lahaa waa barcelona fun kkkkkkkk sxb real refreega ha soo gadato si uu u saacido kkkkkkkk

  6. Cabdirisaaq Reply

    18-March-2013 at 11:16 pm

    Galatasaray ha u qaadan dhayal dhayda ayay kaa lisaysaa wale khabiirkii championska ayaa cayaaraya didier drogba vivaaaa former plyer of chelsea

  7. saahil Reply

    18-March-2013 at 10:39 pm

    casharki dortamund u dhiga real wesley koley real garoonkeeda ayaad koob ku qaaday hadana ku dil iyada hayeey drogba na wuu joogaa kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  8. Axmed Reply

    18-March-2013 at 6:33 pm

    Iskoorka adunkan ku dhiga rael 8 galastarayo 0 kkkkkkkk viva c/ronaldo di mariyo ozil karim bazim xavi olosow morikh eziyaan kaka cade

  9. Axmed Reply

    18-March-2013 at 6:27 pm

    Kkkkkkkkkk rael waxa cashir udhigi weyse barclona iyo mn u kkkkkkk galstarayow iyo adonkan darogba iyo daminkan isneyjar waxan ku dhigo firsada

  10. Mahad yare Reply

    18-March-2013 at 5:37 pm

    Fikir ahaanteeyda real waa lagagubaa drmgbana waxa uu ka dhalin doonaa 3 gool

  11. Caaqil cade Reply

    18-March-2013 at 4:54 pm

    marka ciyaarta waa cad iyo madoow hadana glatasary sidii lamooday maahan altintop snider drogba iyo rag kale oo xaagan ayey wataan lama dhayalsan karo kooxdaas.

  12. mustafe Reply

    18-March-2013 at 4:43 pm

    Waad iska hadasheen sxbayaal real waa ay ku daysay takale hadii aad moodayso inay jilicsanthay cashar ayaa la idiin dhigi

  13. Zaak Reply

    18-March-2013 at 4:40 pm

    Waxaan taageersanahay galasataray viva h.altintop

  14. Adan hazard&ozel Reply

    18-March-2013 at 4:18 pm

    inkasta o ayjogan lacibin sida digba blse kama badin karan koxda ugufican hatan real

  15. Ozil Reply

    18-March-2013 at 3:36 pm

    Galasty waa kox weyn lakin walaga si weyn yahay
    fast game
    realmadrid 3
    galasty 1
    secod game
    galastry 2
    realmadrid 4

  16. sharkman Reply

    18-March-2013 at 3:33 pm

    real waa lag yaabin doonaa xiligii guuldaradeeda ayaa la joogaaa..kkkkk
    waayo shantii ciyaarood mar ayaa si xun loo garaaca waxan qabaa anigu….
    Inay real hadhayso..
    Real madrid 2: galatasery 2

  17. Mc.diyaarada Reply

    18-March-2013 at 3:33 pm

    Asc asxabta sharafta leh e wabka iyo dhamaan asxabta kale then hadaan ka hadlo fekerkeyga waxaan isleeyahay in ey tahay kubada cad iyo madow ana la dhihi karin wey badineysaa real oo kalastaray hareyso then an ka war sugno natiijada ciyaartaas kaasi waa fikirkeyga bye see u next time my asxabteyda

  18. Waasha Reply

    18-March-2013 at 3:20 pm

    Real madrid 5 drogba 0

  19. dhalo1 Reply

    18-March-2013 at 3:19 pm

    Galsateray waxa u joga halyeygii chalsea marka ha fududeysan viva glsty

  20. Ahmed abukar muuse Reply

    18-March-2013 at 3:09 pm

    Galsaterayl waa koox lkn isma dhayahi real madrid ayey ka badineysa lkn waxa an ognahay in an ka soo baxeno warega4realmadrid waa kii tobadan oo an qadi lahen

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>