UEFA Oo Dacwad Ku Soo Oogtay Inter Milan Oo La Xiriira Cunsuriyadii Lagu Sameeyay Adebayor. | Laacib.net
Home » Africa » UEFA Oo Dacwad Ku Soo Oogtay Inter Milan Oo La Xiriira Cunsuriyadii Lagu Sameeyay Adebayor.

UEFA Oo Dacwad Ku Soo Oogtay Inter Milan Oo La Xiriira Cunsuriyadii Lagu Sameeyay Adebayor.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 18-03-13 5:29 PM

973215-15914547-640-360

UEFA ayaa dacwad ku soo oogtay Inter Milan oo la xiriirta cunsuriyadii ay ku kaceen taageerayaashooda kulankii Europa League ee Tottenham isbuucii hore.

Taageerayaasha Inter ayaa cunsurinimo kula kacay weeraryahanka Spurs Emmanuel Adebayor iyo ciyaartoyda kale ee madowga ah iyagoo u dhawaaqayay sida daanyeerkii, waxaan UEFA ay warbixin ka heshay ergeygooda u qaabilsan ciyaaraha ee la dagaalama cunsuriyada.

Kooxda Talyaaniga ah ayaa sidoo kale lagu dhaleeceeyay in taageerayaashooda ay waxlo ku soo tuureen garoonka, waxaana kiiskaan la qaban doonaa 19ka bisha April.

Tababaraha Tottenham Andre Villas-Boas ayaa ciyaartaas ka dib ku baaqay in xiriirka kubada cagta Yurub ay talaabo qaadaan oo lagula dagaalamayo faquuqa.

2 Responses to UEFA Oo Dacwad Ku Soo Oogtay Inter Milan Oo La Xiriira Cunsuriyadii Lagu Sameeyay Adebayor.

  1. saacid Reply

    19-March-2013 at 4:56 pm

    Waxan qaba in talabo laga qado dadka cunsusiyada wado

  2. Caska Reply

    18-March-2013 at 10:36 pm

    Waa sax arinkaasi waayo inter arrinkaas waycaadaysatay anigu waxaan dhihilahaa hal ciyaar bilaa taageerayaal halgu ganaaxo oo ciyaaraha uafe da ah

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>