
Rio Ferdinand ayaa isaga baxay xulka England ee la ciyaaraya San Marino iyo Montenegro isbuuca soo socda ee isreebreebka koobka adduunka.
Daafaca Manchester United ayaa la kulmay xalayto tababare Roy Hodgson isagoo qaatay go’aan ah inuusan u ciyaarin xulka England waqti xaadirkaan, islamarkaana ku micneeyay in tababarka loo qorsheeyay ee taam ahaanshihiisa la xiriira inuusan u saamaxeynin.
Jadwalka tababare ee Ferdinand ayaa u ogolaaneynin inuu ciyaaro labadaas kulan, laakiin daafaca ayaa sheegay inuu doonayo in loo texgeliyo xulka England inuu u ciyaaro mustaqbalka.
Tababare Sir Alex Ferguson ayaa jimcihii hore sheegay in laga yaabo in Rio uusan u ciyaarin England ka hor inta uusan hadalkiisa bedelin ka dib kulankii ay ka badiyeen Reading isagoo sheegay markaas inuu Ferdinando aqbali doono dib u soo yeeristiisii xulka England.
Ferdinand ayaase haatan xaqiijiyay inuusan u ciyaari doonin xulka England labada kulan ee soo socota iyadoo kulankiisii ugu danbeeyay ee 81aad uu u ciyaaray bishii June ee 2011.
Ferdinand ayaa laga soo tagay koobkii Euro 2012 taasoo uu ciyaaryahanka aad uga carooday madaama tababare Roy Hodgson uu ka doortay Terry kaasoo xilligaas ku eedeysnaa inuu cunsurinimo kula kacay Rio walalkiisa Anton, taasoo markii danbe keentay in Terry uu isaga fariistay ciyaaraha caalamiga.
mukhtaar c ronaldo
19-March-2013 at 1:51 pm
Anigoah tageraha rio ferdinand iyo cr7 wuukusaxsaxsanyahay fekerkaauqatey maxayelay waxalagarebay euro2012 iyado cunsurinimo logulakacy walalkisa kayar markahogson hakaxeysto kuu kadoortay noocalaacal
Mahbub nani
19-March-2013 at 10:04 am
Waa rayi saxan rio inuu diido qaranka
Zakariye
19-March-2013 at 9:10 am
Rio sax waxad tahay laacib wad ku saxantahay viva van persie & weyn rooney young nani chicharito welbeck vidic evans evra rafael schools carick de gea evra valancia calevarlly rio fardinend viva man united viva sir alex ferguson
van. PERSIE
19-March-2013 at 12:55 am
anigu qarranka ingriiska matageeroo …. aad ban u necebahay xulka england ….. laakiin kooxdayda abid waa manufc !!!
viva manufc
cadde
18-March-2013 at 9:45 pm
maxay ciyaartooyda Man utd u nicib yihii qaranka hada ka horna waxaa saanoo kale u diiday Pual Scholes oo dhahay marabo qaranka
galaydh
18-March-2013 at 8:55 pm
wuu gabobay hada qaranka boos kama helaayo iska fadhiiso dheh
Sacdiya
18-March-2013 at 8:04 pm
Fardinad wa nin rag aha asaga ookale aya fican nimaka somaliyed in aynoqdan gonkas oo kale in aya qatan
Sadam
18-March-2013 at 7:10 pm
Maskin ferdinand ferguson wu kuqalday wax xun samey ayu kudhahay waxana lawada ogyahay in qaranka uciyaristisa uu ciyaryahan walbo daneyo isla markana sharaf iyo sumcad uu karadsado ciyar yahan an qarankisa uciyaren ciyaryahan loma yaqan bal tababaraha man qaran hakugu daro sorry fursad ayad iska ciyartay lkn qaranka ayaga kafirsan dono so sorry askuliste
Sacdiya
18-March-2013 at 6:50 pm
Kkkk sas alaraba rio
omar
18-March-2013 at 5:56 pm
waxan amiin sanahay chalsae inaay tahay kooxa waan wayao niin kaa kooxdale ayaa ku ciyaraya
maxamed
18-March-2013 at 5:31 pm
Ferdinan waa saxan yahay
Zizu
18-March-2013 at 5:17 pm
Ferdinand wlh wadkusaxsantahay because euro 2012 terry oo cunsurnimo kulakacay ferdinand walaalkiis aya laciyaarsiiyey marku terry kafaristay maa loo yeeraa.”waa baahanahay bakhti looma cuno”
Danjire
18-March-2013 at 5:16 pm
Rio Good Man . Roy Hodgson badalka Rio magaalka ka raadso.. #GGMU
miiney axsan laacib
18-March-2013 at 4:56 pm
yes wd ku sxntahay shala kumaysan bahanen manata ayaya kubahanyihin ? Goankaga ayan tagersanahay ri