Paris Saint-Germain Oo Racfaan Ka Qaadatay Ganaaxa Zlatan Ibrahimovic Ee Champions League. | Laacib.net
Home » Champions League » Paris Saint-Germain Oo Racfaan Ka Qaadatay Ganaaxa Zlatan Ibrahimovic Ee Champions League.

Paris Saint-Germain Oo Racfaan Ka Qaadatay Ganaaxa Zlatan Ibrahimovic Ee Champions League.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Taariikh: 18-03-13 11:08 PM

263147hp2

Uefa ayaa ku dhawaaqday inay dhageysan doonto racfaanka ay PSG ka qaadatay ganaaxa Champions League ee Zlatan Ibrahimovic 26ka bishaan.

Weeraryahanka ayaa casaan la siiyay lugtii hore ee wareega 16ka ee Valencia ay la yeesheen 12kii Febraayo, iyadoo kooxda hogaanka u heysa ay ciyaartaas ku badisay 2-1.

Ibrahimovic ayaana lagu soo rogay ganaax labo kulan ah, isagoo maqnaa kulankii lugta labaad ee Los Che, waxaana PSG ay haatan dooneysaa in gudida UEFA ee dhanka dishibiliinka inay meesha ka saaraan ganaaxa kale ee haray.

Hadii Uefa ay diido racfaankaan, xiddiga reer Sweden waxa uu maqnaan doonaa kulanka lugta hore ee wareega 8da ee ay kooxdiisa hore Barcelona kula ciyaarayaan Parc de Princes 2da bisha April.

Ka dib marka ay ka fariistaan codsiga PSG, UEFA ayaa go’aansan doonta hadii ganaaxa u haray laga saamixi doono, ama in dib loo dhigi doono ganaaxiisa ama in loo kordhin doono.

13 Responses to Paris Saint-Germain Oo Racfaan Ka Qaadatay Ganaaxa Zlatan Ibrahimovic Ee Champions League.

  1. Xavi Reply

    22-March-2013 at 12:15 pm

    Waruntaaa doqonwalba wuxuu doono ha iska soo qooro layskuma haysto barca way gulaysaneysaa

  2. mukhtar Reply

    21-March-2013 at 10:15 pm

    Barcelona waa koox adag oo marwalba ku tala jirta in ay badiyaan waayo
    ficil ayey wadaa gool ayaan u rajaynayaa Barcelona good luck

  3. Zalatan Reply

    21-March-2013 at 8:59 am

    Waxaan la yaabsanahay dadka taageera barca lkn mala yaabni kuwa PSG maxa yeelay laacibka haduu kuu qaado champion waa la fasaxa lkn ayada wey ku dhagan tahay

  4. hadhagale-abdo Reply

    20-March-2013 at 6:14 pm

    bahashu england ka dhaliyey ayu ka dhalin ibra

  5. Nasri Alba Reply

    19-March-2013 at 6:05 pm

    War Ibra isago AC MILAN jogo sanadki hore so maaha kuwi an ka badinay 2da jeer.

    Ibra ha ciyaro, wax u qadi karo ma jirto

  6. Yahye Reply

    19-March-2013 at 6:05 pm

    Mar tagera milan hadana psg viva barca

  7. ozill Reply

    19-March-2013 at 5:58 pm

    asc akhayarta laacib.net oodhan waan salmaya salankabacdi hadii aan kadhibto fikirkayga ibra waa laacib jira oo aan ladafirikarin wuxuujiray iyadoo messi la aqoon hadana wuxuu kamidyahay lacibinta ugawaawayn aduunyada marka waxan urajaynaynaa fifa inay ogalaato racfanka si uu dhagaha ugajafo barca

  8. Ramos afgooye Reply

    19-March-2013 at 10:14 am

    Ibra wa xidig an amin sanahay inu ku tuman karo kooxdisi hore ee barca waxan qaba uefa iney ka cafiyan si gooxdisa dhiigisa u siyo 2kulan ee home iyo away barca lala ciyari dono thnks guul psG

  9. Bushaale Reply

    19-March-2013 at 8:19 am

    Soo laabashada ibrahimovich caqabat ayeey kunoqon doontaa fifa waxaan karajenaa ineesan cafis ufidan intii horay loogu ciqaabay in lamarsiiyo lagana badan lagana yareenin thanks fifa

  10. Abdinasir Reply

    19-March-2013 at 7:24 am

    Sxb laacib.net ma ahan geel jire waa kan so qora kubada cagta wixii ugu dambeeya ee kadhaca sportiga laacib.net waa mid aad xageena ugu qeyma badan marka canug messi so qortay ma ahan sharafta laacib.net inu waxka sheego ama geel jire ooku tilmaamo viva laacib.net for ever

  11. mudane50 Reply

    19-March-2013 at 4:53 am

    hadan fikirkeyga kadhibto fcbarcelona waysobaxaysaa waayo waa koox awood iyo farsamo badan tusaale umabahna mida 1 wixi lagu dhigey ac milan waad ujeyday 2 kooxda dhanwalbo wey kadhameystirantahay 3 werar yahano caan ah ayaa u jogo dhanwalbo kula ciyaari karo marka PSG indhahoda aya macalin uah guul barcelona

  12. Messssssssssi Reply

    19-March-2013 at 4:19 am

    geel jire walbo waxuu rabo iska so qoraaa viva barca

  13. Maslax Reply

    18-March-2013 at 11:34 pm

    Kordhis micnahiis ganaaxa cml waa laga qadaaa zlatan ibra waa xidig weyn barcelona dhaga huu ka tumaa uefa lacag ayuu iska siinaa illeen cash ayu haystaaa bashaal ibraahiim saladhaan waa magaciisi hore waa gii carabta

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>