
Weeraryahanka Barcelona David Villa ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay isfahamka ka dhaxeeya isaga iyo Lionel Messi ka dib markii kooxdiisa ay xalay 3-1 kaga badisay Rayo Vallecano.
Labada nin ayaa lagu xamanayay in xiriirkooda uusan fiicneyn, laakiin si fiican ayay iskula qabsadeen kulankii xalay iyadoo midkasta uu midka kale u abuuray fursad gooldhalin.
“Seddex gool waxa ay ahaayeen kuwa aniga iyo Messi inoo dhaxeeyay. Waan ku faraxsanahay inaan si toos ah uga qeyb qaatay goolashiisa.” ayuu 31 jirkaan u sheegay Canal+.
Sii hayaha xilka tababaraha Barcelona Jordi Roura ayaa isna hadalkiisa raaciyay in labada ciyaaryahan uu xiriir fiican ka dhaxeeyo, inkastoo lagu xamanayay in qilaaf uu ka dhex jiro mudooyinkii u danbeysay.
“Dadka inta badan waa ay ka hadlayeen arintaan, laakiin waxa ay igula muuqataa wax aan micno laheyn” ayuu 45 jirkaan u sheegay suxufiyiinta.
“Xilligaan la joogo xiriirkooda waa sidii uu mar walba ahaa mid fiican. Ma arko wax isbedel ah.”
Mr hadrd
19-March-2013 at 7:20 am
Waa wax fcn hadey is fahmen D.vill iyo l.messi wa guul ay gaartay fc barcelona
Ahmednour sh. Kalif
18-March-2013 at 10:44 pm
Kkkkk good haday is fahmeen labada laacib waa guul usoo hooyatey barca villa beenji in laga dhigo ma aha haday haysaa wadada guusha alla yaa kari intaa khilaafka ayaa lagaga roonaaye yaa qaban hadda takale fubrigas hada kahor mahaysanin booskiisii maxa yeelay viila waa weerar baala saa darteed boos oomahayno cidduu beenji ugali eekale ha ugalo sida xavi etc….
Lama yaqaan
18-March-2013 at 5:26 pm
Viva real Madrid champion waxaa 10 ka dhiganaysa real
Lama yaqaan
18-March-2013 at 5:23 pm
Viva real Madrid
abdihakiim
18-March-2013 at 4:29 pm
asc runtii waa si fiican hadii ay hishiiyeen championka barca ayaa leh
qadar
18-March-2013 at 3:41 pm
villa iyo messi waa labo laacibiin oo isfahansan
Waasha
18-March-2013 at 1:54 pm
Ani waxe ilatahay messi aya qaladan maxa yelay vila baas ma siyo asi ayu raba inuu gol dhaliyo sxb yaal dhuuni messi viva real madrim
Cabdi man united
18-March-2013 at 1:49 pm
Fifa rooney man united hanoolaato
Cabdi man united
18-March-2013 at 1:33 pm
Waxaan udigaa dadka umaleeyo inee yihiin 2 koox ee spain sida brc iy real inee ugu awood badanyihiin taasi waa qalad intee lugu hilmaamay kooxda sanadka ee manchester united
ugaaska
18-March-2013 at 1:28 pm
D Villa ma ahan in uu isku dhajiyo Barca oo bench la galinaayo asagoo ka laacibsan Messi ee Arsenal aa u baahanee ha iska aado oo ha raaco sxbkiis V Valdes spain waxa joogto Ream madrid oo boqoro ah oo 5 days home and away ku garaaceyso viva Ronaldo , Mascud mustaf Ozil , Karim Benzema even Rafael Varane and Luka Modric
ASAD
18-March-2013 at 12:36 pm
REAL MADRID WAA NAADIYAASHA UGU FICAN SANAD IYADA QAADAYSAA CHAMPIONKA
farax pato
18-March-2013 at 12:27 pm
Wa arin farxad uleh shcbka barca madama ay shcbka kali ay dhihi jiren wa ay is khilaf san yihin ad ayey ugu tahay farxad shcbka barca vill wa lcib kamida lcibinta barca lakin waxan jclan laha fabregas in banjiga dib inloga saro wa codsi kayimi shcbka barca
yaaska
18-March-2013 at 12:25 pm
Asc aqayarta all villa iyo misse wa isku koox side isku nici karaan viiiva messi and villa and barcelona