Chelsea Oo 20 Milyan Euro Duldhigtay Madaxa Goolhayaheeda Da’da Yar Thibaut Courtois. | Laacib.net
Home » Horyaalada » England » Chelsea Oo 20 Milyan Euro Duldhigtay Madaxa Goolhayaheeda Da’da Yar Thibaut Courtois.

Chelsea Oo 20 Milyan Euro Duldhigtay Madaxa Goolhayaheeda Da’da Yar Thibaut Courtois.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 18-03-13 6:08 PM

courtois-training490ai_2

Chelsea ayaa 20 milyan euro duldhigtay madaxa goolhayaheeda da’da yar Thibaut Courtois, iyadoo ay soo xoogeysanayaan wararka la xiriirinaya inuu si joogta ah uga mid noqdo Atletico Madrid.

Da’ yarkaan ayaa labadii xilli ciyaareed ee u danbeysay si amaah ah ugu ciyaarayay Atletico Madrid, waxaana tan iyo intii uu qanciyay taageerayaasha Vincente Calderon soo baxayay in wadahadalo mustaqbalkiisa xilli ciyaareedka soo socda ku saabsan ay dhexmarayaan Chelsea iyo Atletico.

Kooxda Madrid ka dhisan ayaa lagu soo waramayay inay ku dhowdahay inay ceshato 21 jirkaan, kaasoo weli aan u ciyaarin kooxda milkiyadiisa iska leh ee Chelsea tan iyo markii uu kaga soo biiray Genk.

Si kastaba, jariirada Daily Star ayaa soo jeedinaysa in weli ay Atletico riixeyso heshiis joogta ah oo ay kula wareegto goolhayaha reer Belgium.

Jariirada Britian ka soo baxda ayaa ku warameysa in Blues ay dalabka Atltico Madrid kaga jawaabtay 20 milyan euro oo u dhigan 17 milyan ginni, taasoo ah lacag aysan awoodin kooxda reer Spain.

7 Responses to Chelsea Oo 20 Milyan Euro Duldhigtay Madaxa Goolhayaheeda Da’da Yar Thibaut Courtois.

  1. Ramos afgooye Reply

    19-March-2013 at 10:47 am

    Gool hayaha hada amaahda ugu joga a.madrid thibut courtois ayna milkiliyada u ledahay chelsea waxan rabna in an ku badalano falcoa lacagna u raacino haday dhiban 20millin euro waxan ugu dareyna lacag kale waxan kala waregeyna falcoa mida uu abromovic damac san yahay aya tas ah guuuuul the blues chelsea/real madrid

  2. Caska Reply

    18-March-2013 at 10:23 pm

    K k k waayaabe ayaa chalsea ama Rugby boys wax ka iibsanaya wali taariikhda lagumahayo ciyaartoy the rugbys kasooxay lacag hagaagssan lasiis tahay wartan waa laga quustaye illaa ToRRes ayaa 10 m jooga

    • Cadde Taageere Chelsea Reply

      19-March-2013 at 12:37 am

      caska afka kuhadleyso adaa leh saad rabto waad uhadli kartaa sxb lakin waxaad ogaataa anaga hadaan nahay reer chelsea lacag waxbo nalama ahan oo ciyaar yahanka dadka buun buuniyo minihin lacagtaan rabnana waan kusoo gadanaa balse markuu baxaayo ama lagadayo qiimo naguma fadhiso magaraty…….. tan kale mahadsanidiin bahda lacib.net barnaamijyada aad nasiisaaan mahadsanidiin mar labaad…

  3. ciilow bashiir Reply

    18-March-2013 at 9:14 pm

    Viva chealsea mida kale waa imanaa koolleperka da’da yar viva all sopportrs of chealsea and all players and managers eden hazard iyo asaga ayaa isku wadan ah kolkeperka isna fahmi doona viva chealsea

  4. abdallah izi Reply

    18-March-2013 at 6:58 pm

    WAA SAX SXB WAXAN IBNEYNO ABA ISKA YAR HADII LOO

    EEGO MUSTAQBALKA ISKA ILOOBA NIMANKAN SO BAXAHAY

    SHELSEA AYA U BAHAN VIVA HAZARD AN OSCAR LACIBIINTA DADA YAR

  5. mohamed bishaar Reply

    18-March-2013 at 6:48 pm

    in ladul dhigo la cagtaan okale wa lugu sax sanyahay lkn wa in u kasoo kaxesta falcao

  6. hazard Reply

    18-March-2013 at 6:22 pm

    wa ninki badali laha peter cech thibuat courtios marka kaliya waxan ku fasaxeyna falcoa inay hishiska ka mid dhigan courtios wa goal haye mustaqbal leh runti ciyartoyda ay chelsea lcgta yar kaso bixisay ay ku faa’iday waxa ka mid ah goal hayehan azplceuta peter cech laftirkisa 8 milion ayu in00ku fadhiya it’s n0t iib keeperkan

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>