Anderson Oo Doonaya In Uu Ka Huleelo United, Waxa Uu Wajiga Saarayaa Horyaalka Portugal. | Laacib.net
Home » Horyaalada » England » Anderson Oo Doonaya In Uu Ka Huleelo United, Waxa Uu Wajiga Saarayaa Horyaalka Portugal.

Anderson Oo Doonaya In Uu Ka Huleelo United, Waxa Uu Wajiga Saarayaa Horyaalka Portugal.

Waxaa Qoray: Osman Fantastik
Twitter: Taariikh: 18-03-13 8:46 AM

235391hp2

Ilo wareedyo ay qorayaan wargeysyada Ingiriiska ayaa sheegaya in xiddiga qadka dhexe ee kooxda Man United Anderson uu u diyaar garoobayo in dhamaadka xilli ciyaareedkaan ka huleelo kooxda Man United .

Anderson ayaa lagu waramayaa in uu si weyn u dareemayo niyad jab xoogan maadaama uu waayay fursad habeysan oo uu kooxda kula ciyaaro, waxa uuna marti u noqday kursiga badelka .

Laacibkaasi 24 -sano jirka ah ayaa dadaal uga jira in uu helo ka qeyb gal wanaagsan , iyadoo Sir Alex xilli ciyaareedkaan uu laacibkaan safay kulamo yar .

Wargeyska Mirror ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa sheegaya in Anderson uu u laabanayo horyaalka Portugal halkaas oo uu ka soo ciyaaray illaa iyo sanadkii 2007-da ka hor inta uusan United 18- milyan oo gini uga imaan kooxda Fc Porto .

Waxaa xusida mudan in Anderson xilli ciyaareedkaan uu u saftay United 21- kulan dhamaan tartamada ay ku jiraan taasi oo keentay in uu qaado niyad jab .

Osman Fantastik

Follow Me:
Facebook

15 Responses to Anderson Oo Doonaya In Uu Ka Huleelo United, Waxa Uu Wajiga Saarayaa Horyaalka Portugal.

  1. Cabdixakiin Reply

    19-March-2013 at 2:14 pm

    ANderson waa laacib lkn dhibka haysta ayaa wuxuu yahay inuu ku jiro kursiga kaydka lkn samir lahaw ayaan lee yahay waad kabixi kursiga kaydka waanad u qalantaa ciyaar tooyada best tiga ah waxaa tahay laacib lkn u samir koox daada unite ma helaysid koox ka fiicn

  2. da ud hassen gobal Reply

    19-March-2013 at 11:57 am

    anderson waa laacib lakin towbaraha aya jacel odayaash da.tiisa okale ah iyo dabaalada valincia iyo youn madhelsiyo lacibinta sida anderson nani kagawa chacherto waa inay katagan odiga duqoway

  3. van. PERSIE Reply

    18-March-2013 at 3:14 pm

    anderson meelna umasocdo !!!!

    viva anderson !!

  4. carrick Reply

    18-March-2013 at 3:03 pm

    Anderson waxaa haboon in Uu sii joogo naadiga lkn nasiib daro kooxda waxaa. Tababare u ah hitler 2 qofka uudoona ayuu safaa kuu doonana keed ayuu geliyaa isagoo Aan eegin tayada Uu leeyahay

  5. Munasar amoore Reply

    18-March-2013 at 1:39 pm

    Anderson waa laacib waana ciyariyahan kaso bixika booskiisa walaw ayku haysta laacibiinkale lkn waa uu uga firfircoonyahay hadii uu katago ma u arko dhibaato maxa yelay waxa katagay laacibiin isag ka wanagsan

  6. Cabba v.persie Reply

    18-March-2013 at 1:35 pm

    Anderson waa laacib waana ciyariyahan kaso bixika booskiisa walaw ayku haysta laacibiinkale lkn waa uu uga firfircoonyahay hadii uu katago ma u arko dhibaato maxa yelay waxa katagay laacibiin isag ka wanagsan

  7. c.qaadir Galeer Reply

    18-March-2013 at 12:33 pm

    anderson waa laacib muhim u ah kooxda man utd inoo sii joogo ayaa no fican Haka tagin kooxda Booskadane udagalan Viva Tom Cleverley And Danny Welbeck

  8. sahro Reply

    18-March-2013 at 9:56 am

    enderson waa mashiinkeena khadka dhexe hanaga tagin sxb

  9. ugaaska Reply

    18-March-2013 at 9:32 am

    Anderson lagama maarmo United waa ninka kaliya ee Chelsea ku argagax galiyo true pass aadna u dheereeyo dhex ilaa weerar kala dhantaalo nasiib xumase Sir Alex dooqiisa ma noqon laacibiin kalena waa joogaan marka dulqaad hala haado Nani oo keydka kula jireyba tartiib uu uga soo baxey ee ha isa soo bandhigo asna Viva Anderson , Nani , V Persie , kagawa and don’t forget the best player of Old traforrd Weyne Rooney

  10. Walcot Reply

    18-March-2013 at 9:29 am

    Man unt waa mel agu coryamiyo lacibinta andarson waa lacib ween van persie wadada andarson maray aya kuhotal k.k.k.k.k

    • Caska Reply

      18-March-2013 at 11:58 am

      Yaa waxaad moodaa inaa tahay qof sportiga kahurada maskaxada kuhay united tahay koox soo saarta ciyaartoy tayo leh

  11. albocha Reply

    18-March-2013 at 9:21 am

    anderso waa calibka man united the speed of man united marka inu man united katago ma aha viva man united

  12. alibocha Reply

    18-March-2013 at 9:19 am

    anderson iz the best midfild p.scholes wutagi raba marka anderson inu man u katago maficni viva man u

  13. albocha Reply

    18-March-2013 at 9:15 am

    anderso waa calibka man united the speed of portugal marka inu man united katago ma aha viva man united

  14. Van persie Reply

    18-March-2013 at 8:50 am

    Andarson waa laacib andarson haka tagin united waa koxdaada jog mel ka fiican heli maysid viva united

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>