Kooxo Carbeed Oo Si Weyn Ugu Loolamaya Saxiixa Kabtan John Terry . | Laacib.net
Home » Horyaalada » England » Kooxo Carbeed Oo Si Weyn Ugu Loolamaya Saxiixa Kabtan John Terry .

Kooxo Carbeed Oo Si Weyn Ugu Loolamaya Saxiixa Kabtan John Terry .

Waxaa Qoray: Osman Fantastik
Twitter: Taariikh: 17-03-13 2:56 PM

chelsea 24v

Wargeyska Daily Miror ayaa laga soo xiganayaa in kooxo dhowr ah ay si weyn u xiiseynayaan in ay hishiis la gaaraan kabtanka kooxda Chelsea ee Joh Terry, kaasi oo dhawaan kursiuga keydka galay tan iyo markii uu ka soo kacay dhaawaca.

Wargeyska ayaa tilmaamayaa in kooxo dhowr ah oo Imaaraadka Carabta ah ayaa si weyn uga war sugayaan go`aanka John terry , waxa ayna dadaal ugu jiraan sidii ay heli lahaayeen saxiixiisa .

Daily Miror ayaa ka soo xiganeysa ilo wareedyo uusan shaacin in qoyska Terry ay si joogto ah ay ugu laa-laabanayaan Dubai taasina waxa ay xoojineysaa fursadda ah in uu ku biiro horyaalka Imaaraadka Carabta .

Kooxaha ugu weyn Imaaradaka Carabta ee kala ah Alcayn , Alnasri iyo Aljazeera ayaa si weyn u xiiseyanaya saxiixa kabtan John Terry .

John Terry ayuu hishiiskiisa haatan ee Chelsea waxa uu dhamaanayaa xagaaga 2014-ka, mana muuqato wadahadalo hishiis cusbooneysiin ah oo ku aadan laacibkaasi 32-sano jirka ah .

Waxaa xusid mudan in madaxa shirkada dhanka ciyaaraha ee Aljazeera Sheekh Mansuur Zaayid uu isku dayay sanadkii 2009-kii in John Terry ku biiriyo kooxda Man city .

Terry ayaa dhawaan beeniyay in wax qilaaf ah uu kala dhaxeeyo tababaraha kooxda oo la tilmaamayay in ay isku dhacsanaayeen  .

Osman Fantastik

Follow Me:
Facebook

9 Responses to Kooxo Carbeed Oo Si Weyn Ugu Loolamaya Saxiixa Kabtan John Terry .

  1. Ramos afgooye Reply

    18-March-2013 at 11:29 am

    Captain John terry maka taki dono chelsea ila inta uu ciyaraha ka farisanayo xita hadu ciyaraha ka faristo wuxu noqon dona coachka chelsea the blues

  2. Osman Reply

    18-March-2013 at 12:00 am

    Cabtan john terry meela uma socdo wuu joogayaa ilaa gaba gaba da xirfadiisa ciyaareed

  3. Dr\awil Reply

    17-March-2013 at 5:21 pm

    Captain john terry meel uma socdo tababaraha ha tago

  4. fey dzёko Reply

    17-March-2013 at 5:09 pm

    not for sale captain j.terry !!!

    iska ilowa tas abtiyaloOw

  5. axmed ayanle Reply

    17-March-2013 at 4:51 pm

    terry abo meel uma socdo carabta muxuka dooni ciyaalka iska yaan la idinla yaabi

  6. Royal man Reply

    17-March-2013 at 4:29 pm

    kkk John Terry uma socdo imaradka wuxu haysta koox adag oo uu kuqanac sanyahay

  7. Hassan Reply

    17-March-2013 at 4:17 pm

    Kaptain johnterry waa uu ku dhamaysanayaa chelsea mustaqbalkiiisa ciyaareed meela uma socdo captain leader legend

  8. mahad*casri Reply

    17-March-2013 at 4:06 pm

    i’am no.1 city fans

  9. mahad*casri Reply

    17-March-2013 at 4:05 pm

    john terry iska bax boos kuuma yaalo chelsea .2009 maxaa man city u imaan weysay sacadan waxaa ahaa laheyd line up viva man city .i’m no.1 city fans

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>