Roberto Mancini Oo Badelka Samir Nasri Ka Doonaya Kooxda Roma . | Laacib.net
Home » Horyaalada » England » Roberto Mancini Oo Badelka Samir Nasri Ka Doonaya Kooxda Roma .

Roberto Mancini Oo Badelka Samir Nasri Ka Doonaya Kooxda Roma .

Waxaa Qoray: Osman Fantastik
Twitter: Taariikh: 15-03-13 3:08 PM

city

Saxaafadda Faransiiska ayaa laga soo xiganayaa in tababaraha Man City Roberto Mancini uu dadaal kama dambeys ah ugu jiro sidii kooxda uu u keeni lahaa xiddiga qadka dhexe ee kooxda Roma Miralem Pjanic si ay xagaaga dambe ugu buuxiyaan booska Nasri oo heer ciyaareedkiisa hoos uu u dhacay .

Samir Nasri ayaa si weyn loola xariirinayaa in uu ku laabanayo horyaalka Faransiiska gaar ahaan kooxda PSG kuwaasi oo shaaciyay in ay diyaar la yihiin aduun lacageed oo gaaraya 20 milyan oo gini si ay u helaan saxiixa laacibkaasi .

Waxaa lagu waramayaa in City ay diyaar la yihiin aduun dhan 25 milyan oo euro si ay helaan saxiixa Miralem Pjanic , iyadoo la tibaaxayo in Roma ay ku adkeysan doonto in aysan fasaxi doonin laacibkaasi maadama heer ciyaareed wanaagsan uu soo bandhigayo.

Osman Fantastik

Follow Me:
Facebook

8 Responses to Roberto Mancini Oo Badelka Samir Nasri Ka Doonaya Kooxda Roma .

  1. Mohamed bishaar Reply

    15-March-2013 at 8:48 pm

    Kkk badelka samir xetaa hadad kented messi mahe donted.

  2. Ustaad najaad Reply

    15-March-2013 at 7:04 pm

    Aqyarey wad salamantihin lkn sxbkey ramsey waxan ushegilaha cayda lafteda waxay ubahantahay ujedo dadka lacayayo wukaladaranyahay inad caydo bahda lacib.net wa waxan la.aqbali karin

  3. Maslah maska Reply

    15-March-2013 at 6:35 pm

    S.narsi wa cayaryahan weyn una leh qibrata kubata cagta.tababaraha mancini mahan in u dharka kadhigo laacibka weyn.

  4. ajaaaaaaaja man united Reply

    15-March-2013 at 5:44 pm

    SCW AQYAARTA DHAMAAN RAMSEY SXB CAAYDA LAFTIRKEEDA WAXAY LEEDAHAY UJEEDO IYO IN AAD ARAGTO WAX KUGU KALIFO MAQAALKAAN WAAN WADA AQRINAY WAXAAN WAX KA SHEEGNANA WAA WAYNAYEE MAXAAD ARAGTAY?
    HA IS DHIHIN MAXAA LAGAA QAADAA COMPUTARKAAGA AAD GADAAL FADHIDAA
    ALE KA BAQ WALAAL QOFAAN WAXBA KAA SAMEEN HA U BAREERIN INAA CAAYSO
    IGANA RAALI NOQO HADAAN KUGU XAD GUDBAY

  5. cumarvali Reply

    15-March-2013 at 4:45 pm

    waa fursad loo baahan yahay in lagagaga faaideysto ciyaaryahanadeena

  6. ramsey Reply

    15-March-2013 at 4:00 pm

    laacib.net benta isga daafa sxb yaalow idenga dan been ayaa go noshin hoyadiin wasa lacaab.net

    • Caska Reply

      15-March-2013 at 9:16 pm

      Kkk marka horaba waxaad remsey ulabaxday ayaad qabtaa waa remsey marna waa ba gaal marna kubad mayaqaan takale waxaad tahay badaw waxaana cadayna qofka wax garanaya waxba macaayee wixii qaldan ayuu yidhaahdaa waxaas halasaxo

  7. mahad*casri Reply

    15-March-2013 at 3:52 pm

    nasri wali waa ciyaaryahan heer saro ah ma aqaano sababta oo u baxayo

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>