Atlético Madrid Oo Weli Ka Quusan In Hernandez Ku Qanciyaan In Uu Ka Soo Tago Man United. | Laacib.net
Home » Horyaalada » Spain » Atlético Madrid Oo Weli Ka Quusan In Hernandez Ku Qanciyaan In Uu Ka Soo Tago Man United.

Atlético Madrid Oo Weli Ka Quusan In Hernandez Ku Qanciyaan In Uu Ka Soo Tago Man United.

Waxaa Qoray: Osman Fantastik
Twitter: Taariikh: 15-03-13 9:10 AM

Javier-Hernandez-

Naadiga Atlético Madrid ayaa dadaal ugu jira sidii ay ugu qancin lahaayeen weeraryahanka Man United ee Javier Hernandez in xilli ciyaareedka dambe uu ku biiro kooxdaas si looga bad baadiyo dhibaatada kursiga keydka oo uu ku jiro tan iyo bilaawga xilli ciyaareedkaan inkastoo uu si weyn ula qabsaday dhanka gool dhalinta xilliyada United u baahan tahay.

Sir Alex ayaa laacibkaan ka door bidaya  xiddiagaha kala ah Van Persie iyo Rooney xilli ciyaareedkaan in ay hogaamiyaan qadka weerarka , sidaas oo ay tahay magaca Rooney waxaa lala xariirinayaa kooxda PSG ama Barcelona ka dib kulankii Real iyo Man United oo qaab badel ah lagu soo giliyay .

Wargeyska Daily Express ayaa xaqiijinaya in naadiga Atlético Madrid aysan weli gacanta ka taagin wadahalada laacibkaasi oo xitaa sanadkii hore ay soo dalbadeen , waxa ayna baahidaan Atlético Madrid soo baxeysaa xilli laga yaabo in Falcoa kooxda ka huleelo, waxa ayna ku doonayaan £15m.

Wakiil ciyaareedka Hernandez ayaa bishii hore sheegay in Hernandez kaliya uu ka fikarayo xilli ciyaareedkiisa United isla markaana ka fikireyn wararka suuqa ku jira ,inkastoo loolan uu galay booska weerarka hadana lama joogo xiligii uu ingiriiska ka huleeli lahaa ayuu sii raaciyay.

Osman Fantastik

Follow Me:
Facebook

7 Responses to Atlético Madrid Oo Weli Ka Quusan In Hernandez Ku Qanciyaan In Uu Ka Soo Tago Man United.

  1. samatar Reply

    15-March-2013 at 10:11 pm

    Lucky boy will stay unated untill he become laggent like solshie, schooles& GIGGS

  2. xaad Reply

    15-March-2013 at 9:36 pm

    chicharito waa laacib muhiim oo lamo gadayo

  3. Khalid nuur baashe Reply

    15-March-2013 at 12:54 pm

    Chicharito beter than facou viva rooney and rvp viva man united viva chicharito

  4. abdi kadir cadde Reply

    15-March-2013 at 11:13 am

    Caqligaas day falcuo ayaad dhahdeen 60 milyan lucky boy na 15 harnandez harnnadez is the bes than falcou

  5. abdi kadir cadde Reply

    15-March-2013 at 11:08 am

    Viiva chicharito is the bes than falcuo

  6. abdi kadir cadde Reply

    15-March-2013 at 11:07 am

    Falcuo keen hadaad rabtaan lucky boy inkastoo aniga ahaanteyda harnaandez ayaa igala fiican falcuo haduu boos joogta hello viiiva chicharito

  7. Fiski Reply

    15-March-2013 at 9:51 am

    Atlantic madrid iska so dhiba falco si aad u heshan harnades

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>