Home » Horyaalada » England » Dennis Bergkamp Oo Ka Hadlay Sida Uu Ugu Faraxsan Yahay In Kooxda Arsenal Ay Taalo U Dhiseyso.

Dennis Bergkamp Oo Ka Hadlay Sida Uu Ugu Faraxsan Yahay In Kooxda Arsenal Ay Taalo U Dhiseyso.

Waxaa Qoray:

Taariikh: 28-February-2013

twitter1_1681460a

Taalada waxaa lagu xamanayaa inay sidaan noqon doonto.

Dennis Bergkamp ayaa ka hadlay sida uu faraxsan yahay ka dib markii Arsenal ay xaqiijisay inay taalo u dhiseyso xiddigii hore ee Holland, taaladaas oo la soo dhigi doono banaanka Emirates Stadium.

Taaladan oo weli uu haatan ku socdo dhsimo ayaa daaha laga qaadi doonaa ka hor bilowga xilli ciyaareedka soo socda.

Bergkamp, oo 120 gool u dhaliyay kooxda 11 xilli ciyaareed oo uu u saftay ayaa ku biiraya halyeeyada Gunners Tony Adams, Thierry Henry iyo Herbert Chapman kuwaasoo taalooyinkooda ay yaalaan banaanka guriga Arsenal.

Ninka reer Holland ayaa yiri: “Marka ugu horeysa, sharaf weyn ayay ii tahay inay arintaan dhaceyso. Waxa ay iga dhigeysaa qof aad u hanweyn. Qof walba waa ogyahay inaan jeclahay Arsenal, islamarkaana aan waqti fantastik ah ku soo qaatay kooxda.

‘Aniga iyo qoyskeygaba waxa ay u aheyd xilli muhim oo nolosheena ka mid ah. Waxaan sameyn doonaa wax walba oo ay igu qaadato inaan joogo marka la soo bandhigay taalada. Waxa ay ii noqon doontaa xilli muhim ii ah oo aan seegi doonin.”

article-2285574-18526507000005DC-266_634x422