Arjen Robben Oo Ka Caawiyay Bayern Munich Inay Dubato Dortmund Una Gudubto Semi-finalka German Cup. | Laacib.net
Home » Horyaalada » Germany » Arjen Robben Oo Ka Caawiyay Bayern Munich Inay Dubato Dortmund Una Gudubto Semi-finalka German Cup.

Arjen Robben Oo Ka Caawiyay Bayern Munich Inay Dubato Dortmund Una Gudubto Semi-finalka German Cup.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 28-02-13 12:38 AM

185713hp2

Bayern Munich ayaa sii nooleysay riyadeeda ku aadan inay seddex koob soo xerogeliyaan xilli ciyaareedkan iyagoo 1-0 ku dubtay kooxda difaacaneysa German Cup ee Borussia Dortmund islamarkaana xaqiijistay booskooda semi-finalka koobka.

Gool uu dhaliyay Arjen Robben wax yar ka hor dhamaadkii qeybta hore ee ciyaarta ayaa kala saartay labada kooxood, iyadoo goolhayaha Borussia Dortmund Roman Weidenfeller uu fursado badan oo dahabi ah ka badbaadiyay kooxda FC Hollywood.

Lakiin daqiiqadii 43aad ee ciyaarta ayaa shaki galay daafaca Marcel Schmelzer waxa ay u ogolaatay Philipp Lahm inuu quudiyo Robben kaasoo isna kubada shabaqa ku hubsaday.

Ciyaarta oo xamaasad laheyd ayaa Bayern Munich ay u dabaaldegtay si weyn, madaama mudooyinkii u danbeysay ay ku adkeyd inay ka talaabsadaan kooxda heysata horyaalka Bundesliga ee Borussia Dortmund.

Dhanka kale kooxda Freiburg ayaa iyadana ku gudubtay semi-finalka ka dib markii ay 3-2 kaga talaabsatay Mainz, halka Stuttgart ay iyadana 2-0 dirtay kooxda Bochum.

5 Responses to Arjen Robben Oo Ka Caawiyay Bayern Munich Inay Dubato Dortmund Una Gudubto Semi-finalka German Cup.

  1. C/laahi muqtaar Reply

    28-February-2013 at 1:34 pm

    Bayern muchin waxay kusocoto waa nasib waxaa cadeen u’ah kulanka xalay

  2. cubayd muuse Reply

    28-February-2013 at 11:54 am

    bayern a wood ayey uleedaya inay ku guuleysato cup kasta

  3. cubayd muuse Reply

    28-February-2013 at 11:53 am

    bayern a wood ayey u leedahay inay ku guuleysato cup kasta

  4. ali horseeeed Reply

    28-February-2013 at 11:32 am

    WOOOOOOOOOOOOOOW FANTASTIC TEAM WAX WALBA SANADKAAN BUYER BAA QAADAYSAAA TEAM HOR ISTAAGI KARAAA MA JIRO VIVA MUNICH

  5. fitax kidhale Reply

    28-February-2013 at 1:48 am

    I bashala baayer championka adinka qadayo

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>