Angel Di Maria Oo Ka Maqnaanaya Kulanka El Clasico Ee Barcelona Ee Sabtida. | Laacib.net
Home » Horyaalada » Spain » Angel Di Maria Oo Ka Maqnaanaya Kulanka El Clasico Ee Barcelona Ee Sabtida.

Angel Di Maria Oo Ka Maqnaanaya Kulanka El Clasico Ee Barcelona Ee Sabtida.

Waxaa Qoray: Osman Fantastik
Twitter: Taariikh: 28-02-13 10:13 AM

Angel-Di-Maria5632541Gudiga garsoorka ee ururka kubada cagta dalka Spain ayaa ganaax hal ciyaar ah dul dhigay laacibka qadka dhexe ee kooxda Real Madrid  Angel Di Maria ka dib markii laga eryay kulankii sabtidii hore  ee ay la yeesheen kooxda Deportiva la coruna .

Ganaaxaan ayaa Angel Di Maria ku qasbeeysa in uu ka maqnaando kulanka adag ee ay lala yeehiin  Barcelona sabtida kulankaasi oo ka dhacaya garoonka Santiago Bernabéu ee Real Madrid.

Di Maria ayaa si weyn ula qabsaday kulankii Cope Del Rey ee Barcelona kaga badiyeen sedexda gool iyo hal  iyadoo uu si weyn u mashquuliyay daafacyada Barcelona taas oo fursad weyn siiyay xidiga kooxda ee Ronaldo .

Real ayaa isku dayday in ay laalaan roosadii la siiyay laacibkaasi  iyaga oo racfaan ka qaadanaya balse uma suura galin , waxaana la tibaaxayaa in Real Madrid ay dareemi doonaan maqnaashaha laacibkaasi Di Maria .

Osman Fantastik

Follow Me:
Facebook

24 Responses to Angel Di Maria Oo Ka Maqnaanaya Kulanka El Clasico Ee Barcelona Ee Sabtida.

  1. nuur garcia Reply

    01-March-2013 at 11:35 am

    Di maria inu ka naqnado kulankan okale waa arin xun dimaria waa laacibka kaliya ee muujiyo kulumada adag geesinimo dheeraad ah waad aagteen sida mustaqbalka uga dheelay oo labo cad noqon rabayo puyol kkkkkkkkkkkk wale intaas aya ku xasuusan doonaa kkkk

  2. saacid abdullahi gedi Reply

    28-February-2013 at 8:57 pm

    waleee in dhahaa istirtaan reer real madrid ma hilmaanteen gurigiina 1-3 in barca indinku garaacday iyo champion idinka qaaadaay waleee florentino prez taas weli madaxiisa kama go in oo xitaa cope delray idinku garaacday sanadkii hore walee play station ayaa bilaaban doona viva barca taariiqda xasuusta mase habeen hore banooni fiirsi bilaawdeen fadlan youtubka gala ka fiirsada kulamadii championka la idinka reebaaya iyo copel del raay iyo horyaalka sanadkii hore 1- 3 bernabea la idinkaga badiyay

  3. ozil Reply

    28-February-2013 at 8:13 pm

    ani ahaan aad aan ika xumahay maqnaashaha ankel demaria taasoo keeneesa tabid latabidoono waayo waa ciyaariyahanka kali eey morino kuxisaab tamo kulamada adak taasoo uumuujiyo waxqabad kiisa waayo waaninka mash quuliya daafaca bace oon kacabsiiya in uu siiyo kubodo macaan ronaldo

  4. Aqabinho Reply

    28-February-2013 at 7:41 pm

    Real di maria la’aan barca makabadinkartaaa??????????????

  5. Cumer Reply

    28-February-2013 at 6:34 pm

    Waxaan suga oo kalia kulanka man utd iyo ryal ayaan suga ispin ciyaar mataalo lkn eglan ayaan kusuga ryl madrid

  6. Salman Reply

    28-February-2013 at 2:16 pm

    Xidigast qaliga ah waa la tabi doona lakiin maqnashadisa barca badbado u noqon maysa

  7. Nixra Reply

    28-February-2013 at 1:56 pm

    Di maria k.k.k.k. Si dhaqsa leh u sonoqo

  8. daweye deeq daweye Reply

    28-February-2013 at 1:53 pm

    Sh***********T A di maria waan ka xunahey maq naan shahiisa dhabti lkn dhib malahan Ozil10 VarAne 2 G7 wiil ayaaba usoo baxey brc varane2 yooow yoooOow yooooow macalin iga dheh kuwaan iga aa musii ciyaalka qeylo eyba nagu dileene di maria sorry mar labaad in aad messi dhulka dhigto aan rabey sh******t hala madir will win in shaa allah

  9. Nixra Reply

    28-February-2013 at 1:53 pm

    Di maria wad so noqonta

  10. C/laahi muqtaar Reply

    28-February-2013 at 1:50 pm

    Real way tabi donta dimaria

  11. barkhad abdi ismaacil Reply

    28-February-2013 at 1:37 pm

    Di maria inu laacibyahay habenki dhowayd muu cadayn ee hore ayuu noo tusay wuxuyahay iyo kaalinta uu ku fadhiyo imikana odhan maayno di maria ayaa nagag maqan ee waxanu lenahay halku fadhiyo ayaanu kaga farxindoona oo u nagula dabaaldegi doona maxaa yeelay waxa jooga inanki 90ka kun ee taagere aamusiyay ee cr7 guul ayaanu rajaynayna insha allah 2:0 ayaanu u xambarin doona viva ozil.kaka.cr7.khadira.ramoz.pepe and special 1

  12. Safio Reply

    28-February-2013 at 12:51 pm

    Lagama marmo di maria wad arkeyseen habeenkii siduu dhulka ugu jiiday puyol kkk dimaria malagama marmo runti aad ayuu habeenkii u mashquuliyey xaqiiqdii

  13. indhacade kismaayo Reply

    28-February-2013 at 12:23 pm

    waan ka xumahay maqnaan shaha ciyaariyahan Angel Di Maria waxaana midaas ay jaanis unoqan kartaa barca laakiin xiriirka ma aheeyn ineeydiidaan racfaanka waayo real un dan uma ahaan laheeyn ee ciyaarta ayaa xamaasad zaa’id ah lahaan laheeyd haduu dheeli lahaa ciyaariyahan Angel sorry sxn viva real fans

  14. jack rodwell Reply

    28-February-2013 at 12:09 pm

    run ahanti di maria waninka real madrid hada wada asaga iyo ozil. Waxa kuficnan lahayd rosadan ronaldo wayo ronaldo di maria la antis waxba kama ahan naadiga wan arki dona kulanka sabtida viva ac milan and real madrid

  15. siiso Reply

    28-February-2013 at 11:51 am

    waxaa aad u fiiicnayd in Angel Di Maria la daayo waayo real madrid waxa uu ka hayaa boos adag sidaa daraadeed hadii ay suuro gal noqon waydo kaka ayaan booskaa ka ciyarsiinaynaa waana sida aan rabo kaka in uu ciyaaro qaybkana cid ogi ma jirto allahu aclam

  16. shiiqoow Reply

    28-February-2013 at 11:47 am

    da maria laka ma marmo

  17. C/casiis haaji Reply

    28-February-2013 at 11:43 am

    Hala tebo ama yaan latabin sabtida waxan u taagadhahay in aan aarsano viv barca 4 ever

  18. muhanad Reply

    28-February-2013 at 11:40 am

    nin culus wayae ninka naga maqnaan doona lkn rree reaal madrid waxbana adiin shegayaa anaga waxa aan haysana macalin aad u wanaagsan marka barca sida aan awalba u kufsanay ayaan ukufsan donaa

  19. Super king shaam Reply

    28-February-2013 at 11:29 am

    Waa caadi waxa joga kaka o carcar ah maxa yelay hadu safto kulankaan o ay guul garaan waa markisi ugu dambeyso ou binji galo rechardo kaka wa lacib

  20. Nuurb10 Reply

    28-February-2013 at 11:12 am

    Dimarea walatabi donaa run ahaanti balse waxa jogo Eisean and kaka boskisa xita callijon wa buxi kara dhan walba ayow kaciyaraa

  21. Suldan nuur Reply

    28-February-2013 at 10:45 am

    Real adbay u tabi donan di maria lkn waxpa uma aragno hadi real nahay waxa buxinaya boski laciinta kursiga keydka ah

  22. MUDU Reply

    28-February-2013 at 10:44 am

    Waa war aynu ku faxi doono hadeynu nahay fans of Barcelona

  23. abdi kadir cadde Reply

    28-February-2013 at 10:42 am

    Waxaa ladheelsiinaa modric lana tabi maaayo realmadrid 2 barcelona 1

  24. ank2die4 Reply

    28-February-2013 at 10:21 am

    waa cadi waa cadi la tibi maaayo

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>