
Weeraryahanka Paris St Germain Zlatan Ibrahimovic ayaa labo kulan oo ganaax ah waxaa ku soo rogtay caawa UEFA ka dib markii uu casaan qaatay kulankii lugta hore ee wareega 16ka Champions League.
Xiddiga reer Sweden ayaa casaan toos ah la siiyay dhamaadkii ciyaartii ay PSG 2-1 kaga badisay Valencia ka dib markii uu ku joogsaday Andres Guardado.
Ibrahimovic ayaana maqnaan doona kulanka lugta labaad ee Paris ka dhacaya 6da March iyo kulanka lugta hore ee wareega 8da hadii kooxda Faransiiska ay u soo gudubto.
UEFA ayaa sidoo kale diiday dacwadii Schalke 04 ee ku aadaneyn weeraryahanka Galatasaray Didier Drogba iyagoo ku andacoonayay in Drogba sharci ahaan aysan aheyn inuu ciyaaro kulankaas, iyagoo sheeganayay inaan si rasmi ah loo diiwaangelin.
“Ka dib markii ay arkeen dhamaan dukumiintiyada gudigeena dishibiliinka waxaan go’aansanay inaan diidno cabashadii ay sameysay Schalke” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay UEFA.
Nordin Amrabat
02-March-2013 at 8:24 am
Sanadkan Anagaa leh waxba yaysan Real Man untd, Bayern Munich isaso dhibin Drogbana inay Naadiyaasha Jarmalka ka cabsadaan wa xaq wayo wxy xasustan sidu sandki hore finalka oga qaaday Bayern Munich, Sneijder na wa joga Ciyaryahanki ogu ficna waregi kowad e groupyada championka ninki ogu ficna yacni BURAK YILMAZ o C.Ronaldo ay isku gool min todobo leyahin o an lacelin karina joga marka sxbayaalow koobkan yaa la isku daalin Galatasaray baa Lahee
c/raxman gaarane ahmed
01-March-2013 at 11:51 am
xidiga yaya toure ey wadaninimada wadagan e drogba iney shalke kacabsato dodna kakento inu cayaro wax dhib ah uma arko becouse wa lacib weyn qibrad maskax iyo farsamo inataba isku darsaday
moha
28-February-2013 at 11:35 pm
Viva didier darogba hahaha
khaalid
28-February-2013 at 2:41 am
asc dhamaan waa salaaman tihiin asxaabta iyo tageera yaasha arsenal mel walba oo ay jogaan sxb libaax labo maahan viva ibrahimovic ganaax waba kaaa dhibi maayo
mahir
28-February-2013 at 1:02 am
haha wa libaxenii hore mel walba ad jogto wan kutagerenaa mr. drogba champion ka adaleh real ayad kaqadi doontaa
ba
27-February-2013 at 11:59 pm
Viva didier darogba