
Daafaca Real Madrid Raphael Varane ayaa aaminsan in kooxdiisa ay garaaci karto koox kasta marka ay u ciyaaraan sida kulankii ay xalay 3-1 kaga badiyeen Barcelona ee Copa del Rey.
Kooxda heysata horyaalka Spain ayaa xaqiijisatay booskooda finalka koobka iyagoo ka talaabsaday Blaugrana, waxaana da’ yarka Faransiiska ah uu ku faraxsan yahay qaab ciyaareedka kooxdiisa.
“Waan faraxsanahay, marka aan sidaas u ciyaarno koox ahaan, waan ognahay inaan badin karno mar walba” ayuu ciyaaryahanka u sheegay website-ka kooxdiisa.
“Haatan waa inaan hore u soconaa oo aan ka fekernaa finalka iyo kulamada kale ee soo socda. Barcelona waa koox ay adag tahay in kubada laga difaacdo sababtoo ah waxa ay heystaan ciyaartoy aad u dheereeya, sidaasi darteed si isku xiran ayaan u ciyaarnay boosna uma aanan furin.”
19 jirkaan ayaa sidoo kale amaan badan ku helay qaab ciyaareedkiisa labada lug ee semi-finalka ee uu Barcelona ka horyimid, waxaana uu dareesan yahay in kulamada cadaadiska sarre inay faa’ido u tahay mustaqbalkiisa ciyaareed.
“Waxaan isku dayaa inaan horumar sameeyo oo aan wax barto, taas ayaana u fiican mustaqbalkeyga ciyaareed. Waxaan diyaar u ahay inaan ciyaaro oo aan caawiyo kooxda, waana waxa aan halkaan u joogo.”
Madrid ayaa mar kale la kulmeysa Barca sabtida kulan horyaalka ka tirsan oo ka dhacaya Santiago Bernabeu.
Ahmed hassan
01-March-2013 at 6:23 am
Real markan barca way fashilen barca awalba gel carur qaday ayey ahayen intay gaynayan wa melna 2 years ayey bod boden hada wa lo so tashtay messi curyan wa agon garonka wax u ka yahay malahan aniga ahan waxan is dhihi kara drugs ki aya laga dayey ila mudo si aysan fifa u ogan viva CR7
Omarium da silva
28-February-2013 at 2:49 pm
Messi qandhadi kuqabatay kadib ciyarti kudhamatay 3-1 mid kaweyn aya hadana ku qaban doonta ciyartan kale e iska hor imatinka real-madrid v/s barcenola
luis nani
28-February-2013 at 1:49 pm
kkkkkk ale maxaa la iska hadlaa messi maa qaban karo cunugaan yaab waye ciyarta man united iyo real aa lagu arkaa waxa uu yahayba nani iska celi dheh tan kale la isma xaquro man united aan taageeraa bes barcelona waa team adag real waligeeed saan aa loo saarnaanaa messi markii loo fiiriyo bele iyo maaradona uu ka fiican yahay aniga real in ey adag tahay waxa ogaanaa sabtiga marka ey badiso nasiib ey ku badisay bal kiina ku badiya messi xitaa maba dheelaayo -> man united viva rooney and nani
abukar axmed
28-February-2013 at 11:22 am
da yar mustaqbal leh waa tahay balse odayga qabo dhiigkarka inta aad la joogto aduun llama soconkarto taageero realna waxaqan idiin leeyahay barca kan ugu liita wax liitaaba ku jirinee ma gaaro real kan idiinku laacibsan barca waxaa ku sugan tirada ugu bada lacibiinta caalamka sida xavi inyesta misse guuldarana hadey ku dhacdo naadi walba ayeey ku dhacdaa vifa inyesta laacibnet waan idiin slmy by mahadsanidiin
ABDI
28-February-2013 at 10:16 am
dhib wayn ayay noo tahay guul daradaan lkn waxbaan ka baran doonaa oo waxbaan iska bedeli doonaa waxaana xisaabtan keenu ku wajahay hadda kulanka sabtiga markaas ayaana la arki doonaa waxa dhaca dhib maleh waa layska badiyaa
C/fitax sunni
28-February-2013 at 8:00 am
Buun buuniska badan wa u daran yahan real su’aasha ay way diisay barcelona jawaabteeda sabtiga aya lasiina waxba yay is buun buunin real ayada libaax jiifo sanka ka taabatay guul barca
Mahad lbn
28-February-2013 at 1:13 am
Los blancos(Real madrid) waliged eyada aya heysatay dunidan haddana eyada le heysane yacni kox latirsan karta ma la arki karo
Mohamedblck
27-February-2013 at 11:11 pm
Real aman uma bahna wanadika qarnika inta kadib wixi tagero brca kasotaga wa fashilmatay waxa fashilay alsharawi waxan ciqabay c7 curyan misi waqtikisa dimaria man of mach murinho teacher
axmed ronaldo
27-February-2013 at 9:39 pm
real haday caqli yeelatay oo waxay iska dhex qabatay 2dii fayras eekudhex jiray kooxdooda pepe iyo casilas
waxaan odhanlahaa real sidaa kuada waligiinba
varane waa laacib aad da,yarkaan rer france uu leeyahay future wacan
yaash
27-February-2013 at 9:35 pm
waa ku soo caan baxay walee wa laa cib soo baxay game walba adag wa la safaa……………………………hala madrid
Hargo
27-February-2013 at 9:34 pm
Realmadrid waa naadi wayn aad ayay u fahmi karta barcelona messi kubadiisa laaga oo laga ilaaliyo waa guuldarada barcelona iyo guusha real
maxamad
27-February-2013 at 9:22 pm
varane waa laacib booska ka qaadi kara pepe guul real
Boban ac mln
27-February-2013 at 9:11 pm
Hahaha cajib wa da’yar bartayna sida locayaro kulamada adag ougu weyn yahay elcalasico vivo varen wad waka fcntahay pepe baac
khadar(rooble)
27-February-2013 at 8:55 pm
kkkkkkkkk waykabadin doonaan barca inshaa allaah meesi taageere magacii habo’o
maxamed ilka case
27-February-2013 at 8:52 pm
varane waa laacib booska ka qaadi kara pepe guul real nnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnnn