Video: Mid Ka Mid Ah Taakaladii Ugu Xumaa Abid Oo Lagu Galay Xiddiga Reer Brazil Ronaldinho. | Laacib.net
Home » Latin America » Video: Mid Ka Mid Ah Taakaladii Ugu Xumaa Abid Oo Lagu Galay Xiddiga Reer Brazil Ronaldinho.

Video: Mid Ka Mid Ah Taakaladii Ugu Xumaa Abid Oo Lagu Galay Xiddiga Reer Brazil Ronaldinho.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 27-02-13 9:20 PM

article-2285223-18525A26000005DC-63_634x352

Ciyaaryahanka kooxda reer Argentina ee Arsenal Diego Braghieri ayaa mid ka mid taakaladii ugu xumaa ku sameeyay Ronaldinho kulan ka tirsanaa koobka Copa Libertadores oo dhacay shalayto.

Iyadoo ciyaarta ay labo daqiiqo ka harsan tahay, islamarkana uu ku jahwareersan yahay goolasha 5-2 ee kooxdiisa lagu hogaaminayo, daafaca Arsenal Braghieri ayaa taakal labada lugood ah laf dheerta ka saaray kubadsameeyaha kooxda Atletico Mineiro.

Ronaldinho ayaana ku dhawaa inuu jab soo gaaro, laakiin waa uu ka badbaaday, waxaana mid ka mid ah taageerayaasha muuqaalka soo geliyay You Tube uu ciwaan uga dhigay ‘Entrada criminal de Braghieri contra Ronaldinho’ (taasoo u dhiganta fal danbiyeed uu Bragheri kula kacay Ronaldinho).

Garsoore Martin Vazquez ayaana rigoore ka dhigay falkaas laakiin waxaa la yaab laheyd in garsooraha uusan bixin wax calaamad ah iskaba daa inuu ciyaaryahanka ka saaro garoonka.

Ronaldinho ayaa ku guuleystay inuu ka kaco islamarkaana uu u istaago rigoorada loo dhigay inkastoo uu birta ku dhuftay.

Ciyaarta ka dib, Ronaldinho ayaan wax carro ah u bandhigin ciyaaryahanka ka soo horjeeday, iyagoo isgacma qaaday.

Halkaan hoose ka daawa muuqaalka:

httpv://www.youtube.com/watch?v=wPXekQkmjRU

 

16 Responses to Video: Mid Ka Mid Ah Taakaladii Ugu Xumaa Abid Oo Lagu Galay Xiddiga Reer Brazil Ronaldinho.

  1. A14 Reply

    06-March-2013 at 6:56 am

    Kkkkkkkk sxbayal arsenal nurkeda wa arsenewingre o baxa,hadu jogo dad ba baxaya isaga kamuhimsan a14.

  2. Cazorla Reply

    02-March-2013 at 9:11 am

    Marka Hore Salaamad Marka Labaadna Reer Arsenal ee Ingiriiska hamoodina Inay Bilaa Indho Yihiin Way La Socdaan Arsenasha Argentina Wado shaqayna way Ka Dhaxaysaa Labada Naadi Thanks All Arsenal Waa Naadi Jira Wakhtigan adag ee ay Ku Jirto Way Ka Baxaysaa Waayo Maalina Adigaa Leh Maalina Kheyrkaa……….. Thanks All Mar Labaad

  3. Yarisow Reply

    02-March-2013 at 1:25 am

    Ogeysis arsenal waa koox ka dhisan argantina ha umaleynina mida england ka dhisan unlacky

  4. smart ahmed Reply

    01-March-2013 at 8:12 pm

    war hadaad waalataan barceloni kama hadhayso champion leagua ronaldinho ma fadhiisanayo ilaa inta uu ku soo noqanayo barcelona
    saaaaaaaxirul caaaalam
    lea messsia

  5. khadar godey Reply

    28-February-2013 at 4:44 pm

    ronaldinho waa laacib wuuna
    badbaaday

  6. Ishnaash cade Reply

    28-February-2013 at 11:53 am

    Hadaan kahadlo fikirkayga
    barcelona inaan kareebo champion
    aana qaadi doono koobka championka

    • Cali cade Reply

      04-March-2013 at 6:15 am

      Barcelona oo ka hartay championka wa messi oo fadhiistay

  7. Suudi fantastic Reply

    28-February-2013 at 11:01 am

    Runaldinho ha iska faristo marka kadib waa oday

  8. Mazacar Reply

    28-February-2013 at 7:39 am

    Sxb arsenal shan wa argentinian club mida kale in uu lugta kago an rabay gal gal dhalay

  9. Caaqil Cade Reply

    28-February-2013 at 4:43 am

    tani waa xaasid nimo muuqata waana lagu jabaa tanoo kale.

  10. Gunner Boy Reply

    27-February-2013 at 11:18 pm

    aboow saalx ronaldinho hadu taas ka badbaday wu nasib badanyahay inu iska fariisto wa odayga

  11. Yusuf.xubey Reply

    27-February-2013 at 10:54 pm

    Arsinaal inten uraacnaa.sxb yaal.lacib.sifcn no fahamsiya horyalga arjantin wax kama naqaano.dad badan o ani gamid ahay waxan uqaadanay koxda iglan gadhisan e arsinal

  12. Cabdi xaantiye Reply

    27-February-2013 at 10:29 pm

    Kkk kulaha winger noso celi war arsenal shad modey mahan wa nadi arjantina ka dhisan

  13. Arsene wenger Reply

    27-February-2013 at 10:16 pm

    Kkkkkkkkkkk waa waree kan noo soo celi arsene wenger

  14. saalimiin Reply

    27-February-2013 at 10:12 pm

    bisika waa khatar waa yaab iyo sida uu uga badbaaday isma lahan

  15. Podolski Reply

    27-February-2013 at 10:09 pm

    Waa uu badbaaday viva cr7 and jack wilshere

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>