Heshiiskii Inter Milan Iyo John Crew Oo Burburay Ka Dib Markii Uu Tijaabada Caafimaadka Ku Dhacay. | Laacib.net
Home » Horyaalada » Italy » Heshiiskii Inter Milan Iyo John Crew Oo Burburay Ka Dib Markii Uu Tijaabada Caafimaadka Ku Dhacay.

Heshiiskii Inter Milan Iyo John Crew Oo Burburay Ka Dib Markii Uu Tijaabada Caafimaadka Ku Dhacay.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Taariikh: 27-02-13 8:27 PM

carew490ai_2

Inter ayaa si rasmi ah u burburisay heshiiskii ay kula wareegayeen John Crew ka dib markii uu ku dhacay tijaabada caafimaadka, madaama heerkiisa taam ahaanshaha uusan aheyn mid kooxda ay dooneyso.

Xiddiga reer Norway ayaa qarka u saarnaa inuu qandaraas waqti gaaban la galo Inter si uu u buuxiyo booska uu ka dhaawacan yahay Diego Milito.

Waxa uu diyaar u ahaa inuu si xor ah ugu biiro, laakiin iyadoo kulankiisii ugu danbeeyay uu 8 bilood ka hor u ciyaaray West Ham, waxa uu u baahan yahay inuu taam ahaamshihiisa ku soo laabto ilaa bisha May.

“F.C. Internazionale waxa ay uga mahadcelineysaa weeraryahanka reer Norway John Crew dadaalkiisa.” ayaa lagu yiri warbixin ay kooxda soo saartay.

“Si kastaba, heerka taam ahaanshihiisa ayaa qasbaya inuu qaato muddo dheer tababar gaar ah, taasoo aan haqabtireynin baahida kooxda.”

Carew ayaa 15 maalmood oo tijaabo ah u mari lahaa Inter, laakiin wax tababar ah xitaa lama uusan qaadan ciyaartoyda Nerazzurri.

5 Responses to Heshiiskii Inter Milan Iyo John Crew Oo Burburay Ka Dib Markii Uu Tijaabada Caafimaadka Ku Dhacay.

  1. maxamed xasan Reply

    03-March-2013 at 9:43 am

    aniga fekerkayga way saxsantahay in ciyaartoy ay garoomada ugu dambaysay 8bilood kahor in ayidhaadhdo dib ha isku soo celiyo
    laakiin waxaan aad uga xumahay sida ay hadalka udhigtay kooxda inter
    oo ah wax lagu tilmaami karo fadeexad iyo aflagaado sababtoo ciyaartoyga iyada ayaa marka hore dalabtay

  2. Mahad Guliye Reply

    28-February-2013 at 1:25 pm

    Aad pan ugu xumahay sharafta dhulka lagala galay

  3. Suudi fantastic Reply

    28-February-2013 at 10:53 am

    Kulan ka dhacyo garonka f.c arjantiin kuna wada hardamyo f.c gacmadeska iyo f.c. Arjantin ma ii hir gali kartaa bro

  4. Suudi fantastic Reply

    28-February-2013 at 10:49 am

    Ok bro magarayo ronaldo iyo messi 5sano o hada dhiman

  5. Koosaar Reply

    28-February-2013 at 12:09 am

    Inter wa kox xun maxa yelay lacib jecladay dhinacoda ma ehen inay tidan oo sida ufadexeyan sory crow

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>