Home » Horyaalada » France » Thierry Henry: Zlatan Ibrahimovic Waa Laacib Cajaa’ib Leh.

Thierry Henry: Zlatan Ibrahimovic Waa Laacib Cajaa’ib Leh.

Waxaa Qoray:

Taariikh: 27-February-2013

h

Thierry Henry ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain uu yahay laacib cajaa’ib leh.

Xiddigii hore ee kooxda Arsenal ayaa hal xilli ciyaareed waxa ay isla joogeen ciyaaryahanka reer Swede kooxda Barcelona waxana uu sheegay in Ibrahimovic uu leeyahay awood dabiici ah oo uu wax kaga bedelo ciyaarta.

“Ibrahimovic waa ciyaaryahan cajiib ah,” ayuu Henry u sheegay L’Equipe.

“Waa ciyaaryahan weyn, waxaan fiirinaa kulamada ciyaaryahanada safanaya balse waxaad ogaataa inay wax dhacayaan haddii uu kubbada qabsado.

“Waan la ciyaaraya,waan u qashuucay waana ciyaaryahan wanaagsan. Waxana la dhihi karaa wuu ka duwan yahay waxa dadka ay ka aaminsan yihiin.”

Henry ayaa waxa uu dareensan yahay in imaanshaha David Beckham ee Ligue 1 uu wax ka bedeli doono horyaalka dalka Faransiiska.

“Waxaan daawaday ciyaartii ugu horeysey ee Beckham. Waana u wanaagsan tahay horyaalka Faransiiska. Qof walba wuu ka hadlayaa haddii aad fiirisid shabakadaha waxa ugu horeeya ee aad aragto waa horyaalka Faransiiska .”