Xidiga kooxda Juventus Arturo Vidal ayaa albaabada ka xertay kooxha doonaya in ay la wareegaan oo ay ugu horeyso kooxda Bayern Munich isaga oo tibaaxay in uu doonayo in sanado badan uu sii joogo kooxda Juventus.
Xidigaan u dhashay dalka Chile ayaa xertay funaanada Juventus sanadkii 2011-ka iyadoo aduun lacageed oo gaaraya 11 milyan oo euro uga yimid kooxda Bayer Leverkusen , waxaana si weyn laacibka isha uga haya oo xiisenaya kooxaha Real Madrid , PSG iyo Bayern Munich oo aad u baadi goobeysa.
Isaga oo u waramayay wargeyska Corriere della Sera ayuu Vidal yiri ” Juventus waa kooxda ugu weyn ee Talyaaniga waxaan doonayaa in aan in badan sii xernaado funaanada Juve oo aan koobab badan kula guuleysto”.
Mar uu ka hadlayay kulanka kooxda Napoli ayuu ka yiri ” Waxa ay noqoneysa ciyaar furan oo wel wel wadata , runtii waa kulan adag balse Juve waxa ka go`an guul, dhanka kale Napoli wax ay haystaan ciyaartooy halis ah oo ugu horeeyo Cavani waa in aan taxadar yeelanaa “.
qumeyni
28-February-2013 at 1:38 pm
waa ciyaaryahan dad nimo leh aduunkaan waxaa fiican in aad waligaa joogtit kooxda aad magaca ku yeelatay juve nah waa koox aad iyo aad tariiq aduunka ka soo sameysay hadanah wacdaro mujineysa vidal waxaan ku rajeynaa in aad juve kula guuleysato koobab badan
guuleed
28-February-2013 at 1:11 pm
vidal waan ku farax sanahay hadalka aad u quurtay kooxda iyo iyo tageeraheeda lkn aniga waxaan kugu boorin lahaa in ay san jirin koox ka fiican juve oo aad hormar ku gaari karto waxaa tahay libax
Guuled
28-February-2013 at 11:01 am
Vidal sxb waa runtaa waxaa kalo iga dardaaran ah in aysan jirin koox ka fiican juve oo aad guul ku gaari kartit the king of juve
amiir
28-February-2013 at 2:17 am
WAA sax hadalka vidal taxadar ilaa iyo guusha ugu dambeyso
Sihaam juventiny
27-February-2013 at 11:50 pm
Grazie boqor vidal marka hore majirto koox ka fiican juve oo lagu biiro juventus waa boqoradii hore ee reer yurub waxaan arkay oo aan dawaday vidal oo wareysi siinayay barnaamish ay qabtaan tvga juve oo ay suaalo lagu weydiinayay mid kamid ah tageerayasha xag jirada ee reer juve ayaa wey diiyay vidal adunka waxuu isku badalay lacag ee maka tagi doonta juve markaas ayuu qoslay boqor arture waxuuna ku jawaabay hadey ma mulka juve iga aqbalayaan waxaan saxiixi lahaa 30 sano marka vidal waa dhiiga juventus
M.shukri del biero
27-February-2013 at 11:30 pm
Arturo wa dhiiga juve ma ahan cado qate wa mashinka koxda wana kugulesane sxb chambion niyada wanag usheg k.k.k
noradin
27-February-2013 at 4:42 pm
Rah waa kaa
Anisa 4ever man utd
27-February-2013 at 4:18 pm
Juventus wa kox wen wana u ku saxan yahay tas inkasto bayern ay halis tahay viva welbeck and clevery
c.x.h
27-February-2013 at 4:17 pm
yesssssssssssssssss ARTURO VIDAL PADRO WE LOVE U nadigana meel ma igu socotid waxana ku rijenaa guuuuuuuuuuuuuuuuuuuul