Jamaahiirta Arsenal Oo Ku Baaqay In Kooxda Ay U Isticmaasho Suuqa £123m Ee U Taala Keyd Ahaan. | Laacib.net
Home » Horyaalada » England » Jamaahiirta Arsenal Oo Ku Baaqay In Kooxda Ay U Isticmaasho Suuqa £123m Ee U Taala Keyd Ahaan.

Jamaahiirta Arsenal Oo Ku Baaqay In Kooxda Ay U Isticmaasho Suuqa £123m Ee U Taala Keyd Ahaan.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 26-02-13 12:44 PM

249861hp2

Ururka ay ku mideysan yihiin taageerayaasha Arsenal ee Arsenal Supporters Trust (AST) ayaa ku baaqay in lacagta keydka u taala Arsenal ee kaashka ah in suuqa kala iibsiga lagu isticmaalo xagaaga ka dib markii Gunners ay ku dhawaaqday faa’ido muddo lix bilood ah.

Iyadoo Arsenal ay soo xareysay faa’ido gaareysa 17.8 milyan ginni oo muddo lix bilood ah oo ku ekeyd Novermber 2012, taasoo ku timid iibkii ay Robin van Persie ka iibiyeen Man United xagaagii, halka kooxda sidoo kale ay ku dhawaaqday in lacag kaash ah oo gaareysa 123 milyan ginni ay u taalo keydka, AST ayaana ku baaqday in lacagtaas dib loo geliyo kooxda oo lagu xoojiyo.

Afhayeen u hadlay AST ayaa yiri: “Lacagaha la soo bandhigay waa kuwa ay ku jiraan waxyaabo la yaab leh. Waxa ay soo bandhigeysaa mar kale in Arsenal ay faa’ido ka sameyso iibka ciyaartoydeyda ugu fiican, iyo in kooxda ay heysato lacag keyd ah oo balaaran.

“Taageerayaasha Arsenal ayaa gacan ka geystay dhaqaale wanaaga kooxda iyagoo bixinaya tikidhada ugu qaalisan kubada cagta adduunka. Xubaha AST waxa ay doonayaa in lacagtaas la isticmaalo oo kooxda lagu maalgeliyo.

“Natiijooyinka dhaqaale ee la soo bandhigay waxa ay muujinayaan in qiyaastii kooxda ay mushahar ku bxiiso sannadkii 150 milyan ginni. Laakiin go’aanada ciyaartoyda lagu maalgashanaya ma ahan kuwa keeni kara koox tartameysa.”

35 Responses to Jamaahiirta Arsenal Oo Ku Baaqay In Kooxda Ay U Isticmaasho Suuqa £123m Ee U Taala Keyd Ahaan.

  1. C.xakiin kk mm Reply

    03-March-2013 at 4:57 pm

    Arsenal waxan urajaynayaa inay guulaysato totanham marwalba shanteeda waa banaanka aniga galabta yaan shan loodhiibin ayaan isleeyahay ee 3 iyo 1 halooga badiyo walcott cazorla giroud

  2. Wiilo Reply

    01-March-2013 at 9:48 am

    Gusha wa jamahirta arsenal in sha alaah

  3. G.wilshare Reply

    28-February-2013 at 6:38 pm

    Wad salamatihiin dhamaan taageerayaasha arsenal runtii horay ayaa looyiri samraa sadkiisa helo sanadka sosocda team badan ayaan hoos kacabsiinaynaa sida man united and chalsea waraa jiridoone wiish kalee hayeeroo

  4. Boy fly arsenal Reply

    28-February-2013 at 6:23 pm

    Dhamaan wad salamantihiin asxaabta mida kale arsenal guul ayaan urajaynaa

  5. Mukhtar Reply

    28-February-2013 at 11:35 am

    Af umban haynaa hadan nahay taageerayaasha arsenal malakeeni kooxda rag sida henry pires reyes iyo kuwii kadenbeyeyba sida vanka febregaskaba nasri waan jeclahy kooxda lkn maamulkeedaan necbahay sxb sorry hadan wan sugayaa mar uun arsenal o barcelona ama madrid oo kale ah jw sxb

  6. Muhanad Reply

    27-February-2013 at 10:06 am

    ninkan udodayo chelsea sxp wax ad udoda mesha mayalan ragan marba tababaraha u ujogo teda kale waxa lacib idin joga team ay ujogan mlha preamer leage waxna kuma tartan marka idinka isdhisa tamkana waad kapaxesan kalinta awalpa totenham bd kagaden kalinta hadana ayga leh marka kapaxa qadka mel mahesane teda kale raga tagera chelsea kuli waa rag caseya kapaha mrka fans maskima ah ba idin tagere godob hakagalina plz

  7. khadar kozar Reply

    27-February-2013 at 8:57 am

    waar waxaan aaminsanahay in arsenal ay si toosa u fadhiisanayso booska 3aad waayo arsenal waxaa u hadhsan ciyaaro fudud halka chelsea iyo totenham ay sugayso ciyaaro aad u adag gaar ahaan kooxda loo yaqaano cagowenta ee chelsea laakiin kaalinta afaraad waxaa laga yaabaa inay gasho kooxda totenham balse booska 3aad waa lama taabtaan iyo kooxda arsenal sidaa ula socda cid kasta oo taageerta arsenal good byyyyyyyyyy

  8. Liibaan nuur indhooy Reply

    27-February-2013 at 1:44 am

    Viva arsenal

  9. Liibaan nuur indhooy Reply

    27-February-2013 at 1:42 am

    Arsenal gul an u rajeyna chelsea kalinta 4aad xata kuma ogoli sanadkan champion wad ka hare hada totenham aya 3ad ah arsenal boskedana wa lama tabtan marka adle waye

  10. Wiilo Reply

    26-February-2013 at 11:56 pm

    Waaw fartun fabrigas wa nunta hadalkaga arsenal qofkii wax kashega wajiibkisa wa sida shegtay viva tageraha sharaftale e arsenal

  11. Abokor sadiiq ibrahin mahdi Reply

    26-February-2013 at 11:30 pm

    waa wax lagu faano lkn ciyaartoyga aan keeno bariba wuu iibin ee maxan iska daalinaynaa akhyaartaay

  12. Fartunfabregas Reply

    26-February-2013 at 11:25 pm

    Asc dhamaan waxaan gaar ahaan u salamaayaa tageerayaasha arsenal ee sharafta badan ninkaan o kusoo qortay chelsea tv marka hore ha ku mashquulin arsenal tevez meel iska soo sar markaas lee la hdl dadka arsenal 4 ever viva arsenal fans

  13. taararbt Reply

    26-February-2013 at 9:53 pm

    viva arsenal viva taararbt waxay ubahantahay taarabt vvvviva vamlern

  14. Wiilo Reply

    26-February-2013 at 6:29 pm

    Qasem yare warunta hada wa sojesaday arsenal e yaka celindona kuwi ka cabsan jiray

  15. Samatar yare Reply

    26-February-2013 at 6:00 pm

    Kkkkkk waa wax aan ku faanaa in tak yeeriyaasha gunners ay xooga saraan

  16. jack cazorla Reply

    26-February-2013 at 5:02 pm

    salansare dhaman bahda laacib.net arsenal weysojedsatay eehala ogaado jack cazorla

  17. Qaslaan yare or guners Reply

    26-February-2013 at 4:46 pm

    Arsenal guul guul

  18. Arsenal 4ever Reply

    26-February-2013 at 4:13 pm

    War xishood yaraa ninki chalsea ayaan tageraa laso0 taagan kkk.k.jk.k.k.k.k.k.k liver iyo mn u arsnal ayaa adunka lagag yaqaaan ko0xaha yar waxaa lagu yaqaan groupyada ayey ku haraan sidi city iyo chalsea

  19. Arsenal 4ever Reply

    26-February-2013 at 4:09 pm

    Kkk war ciyalka chelsea tageraa waxa uga fcn iney GPR Tageeran ileen waa isku waqti 2005 ayaad dhalateen ka hor london arsenal ayaa ka tali jirtaye

  20. M/qani Reply

    26-February-2013 at 3:30 pm

    Waan ku faraxsanahay

  21. chelsea Tv and barce Tv Reply

    26-February-2013 at 2:26 pm

    war chelsea meel way gaartay l0ndon sharafteeda ayey shafka u garaacden faa’ido yaa helay doqon waxa helay kuwa k0xda iskaleh kii tagerayey maxu faa’iday i sheg nacasnimada daa inte wax ka faa’iden waxad ka faa’iden
    24m rvp 15m s0ng iyo waxi yar yar0od ah dee meshu wa ganacsi ada dhib qab0

  22. Wiilo Reply

    26-February-2013 at 2:22 pm

    Najiib waka qaday walaalkay mahad sanid

  23. chelsea Tv and barce Tv Reply

    26-February-2013 at 2:22 pm

    k0xaha kale hadi cup ay qadi wayan qasaaro aya ku dhace dhibtana waxay kusi dhace ninka k0oxda iska leh lkn arsenal hadi cup qaadi weyso captanka aya la iibina faa’ida ayeybo haysata hadana hadi qasaaro timaado k0xda hal nin maleh waxa laku wada yahay share marka qasaar0 wax an badneyn aya kaso gaareyso milkiilayasha arsenal lkn waxa mar walbo qasaarayo wa tagerayasha evry time 300gini ku bixiya emirates e tikidhada iibsada hal ka k0xaha kale ay faaidaan tagerayash0da lcg yar ayey ku galaan gar0madoda sida stamford bridge anfield etihad iyo oldtraford dhibatadana waxa qaato milkilayasha

  24. Wiilo Reply

    26-February-2013 at 2:12 pm

    Wa sharaf timkaga ad tagerto hadi u lito iyo hadi kaleba inan jeclato aniga waxan tagera arsenal wax walbo aytahayna waku jeclahay mana laga yabo inan hado tim kale i love u 4 eva arsenal

  25. Ceynte Reply

    26-February-2013 at 2:08 pm

    Asc salan sare aqayarta laacib iyo tagerayasha fanis arsenal wana kuracsanahay ururka(AST)baqoda kuadan inlacagta faidada 123m ceyaryahano tayo leh lagusoibiyo sida falcao villa okale iyo dafaca dhexe olagu badalo bary sagna viva welshare welcot cazorla podloski arteta groud chanperlan vermalin sagna gbbis szzocy kacabso yaryarka

  26. Najiib mcne Reply

    26-February-2013 at 1:59 pm

    Wilo wanka qadney salanta sharafta badan oo ad hawada noso marisey viva arsenal guuul

  27. Cismaan Reply

    26-February-2013 at 1:49 pm

    Arsenal waligeed meelkadhi mayso

  28. Nuurb10 Reply

    26-February-2013 at 1:31 pm

    Meshey arsenal faido kasogashay chalsea qasara kasogashay maxey nadhaman meqa ciyar yahan ayey sogadan anaga wa iska gadnaa kaliya laba dhibcod iney dhertaha arsenal ma wax lagu qancaa man city qasaro man u kadalika arsenal faa iido fara badan viva Theo walcott

  29. Siyat Reply

    26-February-2013 at 1:28 pm

    Wale man ka qusanin hoganka aya haso reef chester

  30. Moha Reply

    26-February-2013 at 1:24 pm

    waa go’aan fiican in laxoojiyo tayada kooxda viva Arsenal iyo tageraheda

  31. Daud karash Reply

    26-February-2013 at 1:22 pm

    Asc bahda lcb.net hadan fekerkeyga kadhibto waxaan dhihlaha lacagtas suqa geliya o kuso gata ciyartoy nuxur leh sida falcao

  32. DJ Abtiyo Reply

    26-February-2013 at 1:18 pm

    Saasa laydinka raba hadaad tihin tagerayasha gunners mar walba dhiig yeesha viva jack wilshere

  33. Wiilo Reply

    26-February-2013 at 1:16 pm

    Wasalaman tihiin lacib net waxan kalon salan qali ha udiraya tagerayasha sharaftale e tagera arsenal melwalbo ayjogan timkina ad jeceshihiin o ad tagertan waxan filaya inad mardhaw arkiidontan guul asago garay marka wa in aan adkaysana hadan nahay tageraha arsenal viva arsenal kayd kana cayarto ayan kuso gadantona o marakas wax har istagiikar male arsenal wayo hada ayaba laga baqa e markay cayarto kensato maxad u malayne viva wisher

  34. Abdirahman Reply

    26-February-2013 at 1:04 pm

    Chelsea ayaa meel gaari laheyd hadey lacag wax tareyso kooxi waa taariikh hada ayey dumayaan chelsea man city markii sharciga dhaqaalaha la soo rogo marka taageerasha xagey aadayaan arsenal iska taageera ama manure

  35. m.deeq oyaaye Reply

    26-February-2013 at 12:56 pm

    Kkkkkkkkkk arsenal iga dheh tageerayasha arsenal iga dheh

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>