Jürgen Klopp: Waan Awoodnaa In Berrito Ka Badino Kooxda Bayern Munich. | Laacib.net
Home » Horyaalada » Germany » Jürgen Klopp: Waan Awoodnaa In Berrito Ka Badino Kooxda Bayern Munich.

Jürgen Klopp: Waan Awoodnaa In Berrito Ka Badino Kooxda Bayern Munich.

Waxaa Qoray: Osman Fantastik
Twitter: Taariikh: 26-02-13 1:52 PM

k

Tababaraha kooxda Borussia Dortmund Jürgen Klopp ayaa xaqiijiyay in si weyn uu ugu kalsoon yahay in kooxdiisa ay awoodo in ay ka guuleystaan dhigooda Bayern Munich kulanka ay berito martida ugu yihiin ee qeybta ka ah quarter-final  German Cup-ka , waxa uuna ciyaartooydiisa ku booriyay in aysan wax reeban.

Klopp ayaa yiri: “Ma jiraan wax kooxda  Bayern Munich haatan ku qasabaya  in ay wel welaan, waxa ay awoodaan in  wax waliba ka jawaabaan xilli ciyaareedkaan”.

Tababarahaan 45-sano jirka ah  ayaa intaas ku daray: “Waxaan doonayaa in aan iraahdo in xilli ciyaareedkaan uu aad ugu wanaagsan yahay Bayern Munich sidaas oo ay tahay waxa ay rajadeena tahay in aan koobkaan qaadno, marka aan eegno heer ciyaareedkeena todobaadyadii ugu dambeeyay waan awoodnaa in aan ka badino Bayern Munich”.

Klopp ayaa dhanka kale rajo ka muujiyay in ciyaartooydiisa Mats Hummels iyo Jakub Błaszczykowski ay diyaar noqonayaan kulankaas oo ay safanayaan berito.

Osman Fantastik

Follow Me:
Facebook

10 Responses to Jürgen Klopp: Waan Awoodnaa In Berrito Ka Badino Kooxda Bayern Munich.

  1. axmed suarez Reply

    26-February-2013 at 5:10 pm

    hadii aan qiyaaso waxaa badinaysa bayern_munich
    waata labaad akhristayaasha laacib.net waxba mafahmayaan waayo waxaa laga hadlayaa germain misay wixiba ninqaldamay bay uwada jawaabeen
    markaa waxaan odhan lahaa iska hubsada waxaydin kajawaabaysaan
    mahadsanid xuseen waan kaariday ragee maalin danbe isjir

  2. c.x.h Reply

    26-February-2013 at 4:24 pm

    dhalinta hadda jirto waxadba umaleeaa in ay kubada shalay barteen FC HOLLYWOOD AMA BAYREYN ayaa laga hadlaa asey CHELSEA mesha ku keenayaan war isku xishooda dadki kuada wax la yaqanay waa kuwa ila ahadda xushmeeyo italy iyo germany

  3. Abdifatah villa Reply

    26-February-2013 at 3:49 pm

    Asc dhaman aqyarta sharafta leh runti kubadu wa cad iyo madow inkasto Bayern e sanadkan awood fcn ledahay hadana Brussia Dortmund we awoda iney ka badiso bayern. REMEMBER THE BALL IS WHITE AND BLACK

  4. C/Raxman ifka Reply

    26-February-2013 at 3:49 pm

    Xusen macalin mowducan chelsea kuma baxoyo waa halkaa iyo grmany se wax kayihin

  5. Abdifatah villa Reply

    26-February-2013 at 3:47 pm

    Wara xuseen miyad riyoonesa adeer wa maxay chelsea iyo waxa ad mesha keentay fadlan news ka si fcn u aqri kdib fikrkaga ka dhiibo chelsea ku la,haa waba mid maalin cadey riyoonaya

  6. xudeyfa syl Reply

    26-February-2013 at 3:11 pm

    Hhhhh war anaga yaab aragny ciyalkan rugby ku qafify yaa inaga dhiciya mesha waxa loga hadlayo ka hadla plz mida kale yes way dhici krtaa wanala lagareba munich cup kan insha allah viva liverpool brca and juvnts

  7. wiilka shidN Reply

    26-February-2013 at 2:55 pm

    asc aqayarta runtii bayren munich botussia dortmund wan ka badonena wayo bayren indhaha ayeey shidatay

  8. C/nuur ismael diged Reply

    26-February-2013 at 2:25 pm

    Kkkk sxb xusen chelsea ayad ku qarwaysa qoralka mesha ku qoran fikir kadhibo aya lagu dhahay adna chelsea bad kentay mesha

  9. xuseen Reply

    26-February-2013 at 2:17 pm

    fikirkaygu waa inaan ka ciyaaro chelsea mustaqbalka

  10. xuseen Reply

    26-February-2013 at 2:14 pm

    chelsea waxan odhan lahaa guul gaadha waligiinba

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>