John Carew Oo Qarka U Saaran Inuu Si Xor Ah Ugu Biiro Kooxda Inter Milan. | Laacib.net
Home » Horyaalada » Italy » John Carew Oo Qarka U Saaran Inuu Si Xor Ah Ugu Biiro Kooxda Inter Milan.

John Carew Oo Qarka U Saaran Inuu Si Xor Ah Ugu Biiro Kooxda Inter Milan.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 26-02-13 12:54 PM

carew490ai_0

John Carew ayaa lagu soo waramayaa inuu maanta caga dhigan doono Milan ka hor heshiiska la filayo inuu ugu biiro Inter.

Kooxda ayaa raadineysa weeraryahan cusub ka dib markii Diego Milito uu soo gaaray dhaawac ilaa iyo inta xilli ciyaareedkan ka dhiman garoonka ka saaraya, waxaana ay doonayaa inay si xor ah kula soo wareegaan ciyaaryahanka reer Norway.

Carew, oo 33 jir ah ayaan ka ciyaarin kubada heerka sarre tan iyo markii qandaraaskiisa West Ham uu dhacay xagaagii 2012.

Carew oo 24 gool u dhaliyay 91 kulan uu u saftay xulkiisa ayaa kula jira wadahadal kooxda Nerazzurri oo ku aadan heshiis afar bilood ah oo uu ku qaadanayo 300 kun euro.

Xaalada caafimaad ee gooldhaliyahan ayaa la qiimeyn doonaa ka hor inta uusan heshiis u saxiixin Inter Milan.

Carew, oo hore ugu soo ciyaaray kooxo ay ka mid yihiin Rosenborg, Valencia iyo Lyon ayaa xilli ciyaareedkii 2003-04 waxa uu amaah ugu joogay Roma.

Waxa uu u dhaliyay 6 gool 20 kulan oo Serie A oo uu u saftay Giallorossi.

5 Responses to John Carew Oo Qarka U Saaran Inuu Si Xor Ah Ugu Biiro Kooxda Inter Milan.

  1. dini Reply

    26-February-2013 at 9:46 pm

    waaa uu soo wareegay manta forza inter

  2. hanada Reply

    26-February-2013 at 5:18 pm

    kadarn odagan maxay ku fali

  3. axmed ronaldo Reply

    26-February-2013 at 4:57 pm

    waa player aad ufiican una baahan koox wayn sida liver pool ookale
    waayo markuu usoo kaco diego malito wuxuu kadaawan doonaa kursiga kaydka

  4. Mahad Reply

    26-February-2013 at 1:51 pm

    Waa ciyaryahan wanagsan

  5. Welcott Reply

    26-February-2013 at 1:35 pm

    Waaaaa

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>