Diego Maradona: Messi Waa Ciyaaryahan Weyn, Laakiin Aniga Ayaa Ah Xiddigii Abid Ugu Fiicanaa Caalamka. | Laacib.net
Home » Latin America » Diego Maradona: Messi Waa Ciyaaryahan Weyn, Laakiin Aniga Ayaa Ah Xiddigii Abid Ugu Fiicanaa Caalamka.

Diego Maradona: Messi Waa Ciyaaryahan Weyn, Laakiin Aniga Ayaa Ah Xiddigii Abid Ugu Fiicanaa Caalamka.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 26-02-13 7:42 PM

maradona-messi490ai_1

Diego Maradona ayaa shaaca ka qaaday inuu weli yahay ciyaaryahanka abid ugu fiican adduunka oo uu ka horeeyo xiddiga Barcelona Lionel Messi.

Maradona oo tababare u noqday Messi 2010kii koobkii adduunka ee South Afrika ayaa inta badan loo texgeliyaa xiddigaha ugu waa weyn ee caalamka soo maraya isaga iyo Pele.

Isagoo isbuucaan ku soo laabtay Italy si uu u xaliyo arimo canshuur oo looga heystay Naples, xiddigii hore ee Napoli iyo Barca ayaa la weydiiyay hadii Messi oo rikooro badan jabiyay loo texgelin karo xiddig abid ugu fician oo uu ka horeeya Pele iyo Maradona.

“Aniga ahaan Messi waa ciyaaryahan weyn, laakiin waxaan rumeysanahay inaan ahay weli ciyaaryahanka abid ugu fiicnaa.” ayuu Maradona ku jawaabay.

“Waxaan rajeynayaa in Messi uu Argentina u qaado koob adduun, laakiin ma ahan wax sahlan sababtoo ah waa la yaqaana. Kulankii ugu danbeeyay ee Milan, waxa ay geliyeen shabaq.”

“Pele? Isaga weli waxyaabo doqonimo ah ayuu ku hadlaa.”

12 Responses to Diego Maradona: Messi Waa Ciyaaryahan Weyn, Laakiin Aniga Ayaa Ah Xiddigii Abid Ugu Fiicanaa Caalamka.

  1. Taaraaa Reply

    27-February-2013 at 7:31 am

    Messi waa laacib laakin ma gaaro maardona iyo pele iyo zidane iyo ronaldo

  2. Caaqil Cade Reply

    26-February-2013 at 10:23 pm

    marwalba matihid xidigga garoomada ka dhex muuqda marmar weeykaa xumaan kartaa kubadda laakiin waxaan aaminsanahay in messi uu gaari doono uuna dhaafi doono pele iyo maradona haduu kusocdo sida uu hadda ku socdo score farabadan ayuu dhigay welina wuusii wataa. messi score jabin ma dhibto viva messi

  3. Milito Reply

    26-February-2013 at 10:22 pm

    Messi abihiis waa mara waxba yaa lais dhibin aqiyaarta

  4. C/casiis haaji Reply

    26-February-2013 at 9:50 pm

    Maradoono ayaa wali ah lkn messi wuu gaari doona marku koobka aduunka la qaado argantiina 2014ka viv argantiina

  5. matiri wan iri Reply

    26-February-2013 at 9:43 pm

    kkkkkkkkkkkkkkk
    kkkkkkkkķkkkkkk
    kkkkkkkkkkkkkkk
    mara nin walan
    iga dheh

  6. LAMIIZ Reply

    26-February-2013 at 9:39 pm

    kkkk MAARA waa nin saqraansan ama nin cabsan wuxuu doonanah buu iska sheegaa hada kalhor ba sidaan oo kale buu yiri imikanah deee wuu soo laba celiyay messi MARA iyo PELE wuu kahoreeyaa viva leo

  7. Mazacar Reply

    26-February-2013 at 9:11 pm

    Messi si the pest all time

  8. Aruus Reply

    26-February-2013 at 9:01 pm

    Maradona yaan lala meel dhigin mesi sababtu maradona napole laba champion ayuu la qaaday ,, qaranka arjintiin koob aduun ayuu u qaaday 1986 ,,final keenay 1990 messi wali 45% boqolkiba ma soo gaarin heerka oo diego maradona gaarsiisan yhay sxb yaal massei aniga waxaan aaminsanahay ina ziden yahay laacibka ku soo xigga maradona ws wr

  9. ismaaciil ganey Reply

    26-February-2013 at 8:52 pm

    Asxaabta isbortiga aniga hadaan ra yigeega ka hadlo messi waa laacib laakiin hortiis ayaa aduunyada soo mareen laacibiin uu isaga gaareen sidey ila tahay 1 bele 2maradona 3 luis nazario ronaldo 4 zinedene zidane 5 messi waa aniga sidey tahay

  10. Honest cadde caawiye Reply

    26-February-2013 at 8:13 pm

    Shukri yare benta daa adiga hadii aadan ogeen ha iska hadlin waa run messi inuu qaadin cop aduun lkn waxa uu qaaday cop ka olompikada aduunka 2008 marka wax fahan thanks

  11. salman Reply

    26-February-2013 at 8:02 pm

    messi waa ciyaaryahanki ugu ficnaa ee caalamka soomara lkn maara&pele waa in latixgaliyaaa

  12. shukri yare Reply

    26-February-2013 at 7:59 pm

    missi ma noqon karo ciyarihanka abid ugu fican adunka sawabto ah wali wadankisa kob lamusan qadin marka sidu ku noqanaya? Mida kala barca markan adno waxaa garab siyo oo asagaba ka lacibsan xavi inesta adunka waxa kunol ragii wadan iyo kalab kobab uso qaday waxaa ka mid ah zinadin zidane/farance ronaldo/barziil missi waxan aqonsan inu lacib yahay markan arko asago wadanka kob u qaday zizuu

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>