
Xiddiga kooxda Galatasaray Didier Drogba ayaa cusbital ku booqday ciyaaryahan uu si kama ah madaxa ku herdiyay David Barral isniintii.
Ciyaaryahanka kooxda Orduspor Barral ayaa madaxa dhaawac uu ka soo gaaray markii uu si kama ah herdi ugala kulmay weeraryahanka Galatasaray iyagoo ku dagaalmayay kubad kooner aheyd.
Barral ayaana bukaan la roor lagu qaaday oo la dhigay cusbital ka dib markii ay xerada ganaaxa dhexdeeda iskula dhaceen Drogba, laakiin xiddiga reer Ivory Coast ayaa ku booqday cusbitalka ciyaarta ka dib.
Galatasaray ayaana ka soo kabsaday labo gool oo looga hormaray iyagoo 4-2 kaga badiyay Orduspor, waxaana ay lix dhibcood hogaanka horyaalka kaga hayaan Fenerbahce.
Selcuk Inan ayaa gool uu iska dhaliyay hogaanka u dhiibay Orduspor, waxaana rigoore ugu labeeyay Bogdan Stancu.
Laakiin goolal ka yimid xiddigii hore ee Inter Milan Wesley Sneijder, labo gool oo uu dhaliyay Burak Yilmaz iyo gool kale kale oo uu dhaliyay Inan ayaa guusha siiyay Galatasaray.
Barakat
09-March-2013 at 12:41 pm
Messi walaka qatar sayahay
Axmad kaafi
07-March-2013 at 5:56 am
Drogba waa ciyariyahan afrika ugu fican waana nin qatar ah kobadana marku ciyaarayo waa lagu raaxeysta hordana is ma aragtaan.
Yuu barre
02-March-2013 at 9:43 am
Drogba wa ciyaariyahan fcn waxa uuna furay wado ay raaci doonaan ciyriyahano badan drogba is the best
A.khabir
28-February-2013 at 11:00 am
Madax weyna blayadu
A.khabir
28-February-2013 at 10:59 am
Madaxweynaa byadu se wax ogu dhawacey
aways taakoow
27-February-2013 at 11:51 am
waa arin fiican drogba waa halyeyga africa.
Eng-carab
26-February-2013 at 7:08 pm
Xushmad darada waa miduu uga cararey ree Chelsea waayo waa ciyaaryahan edeb leh oo yaqaano bini aadamnimada viva Van Persie and Luis Nani viva Didier Drogba
Sadaliye
26-February-2013 at 6:25 pm
Wey wanagsantahay arintas
LIi
26-February-2013 at 6:03 pm
Didi waa ciyaar yahan xushmad badan viva didi
Mazacar
26-February-2013 at 5:32 pm
Farxad ayey u tahay in drogba so boqdo