Home » Horyaalada » England » Edin Dzeko: Waan Jeclahay Horyaalka Bundesliga, Waana Ku Laaban Doonaa.

Edin Dzeko: Waan Jeclahay Horyaalka Bundesliga, Waana Ku Laaban Doonaa.

Waxaa Qoray:

Taariikh: 25-February-2013

252151hp2

Weeraryahanka Manchester City Edin Dzeko ayaa shaaca ka qaaday jaceylka uu u qabo inuu ku laabto Bundesliga, inkastoo uu qirtay inuusan hubin xilliga uu awoodi doono inuu laabto.

Xiddiga reer Bosnia ayaa City kaga soo biiray Wolfsburg 2011, inkastoo uu xilli ciyaareedkan 13 gool u dhaliyay City, hadana waxa uu ka hadlay sida uusan u jecleysan inta badan inuu kursiga keydka fadhiyo.

Tababaraha Borussia Dortmund Jurgen Klopp ayaa dhawaac ku tilmaamay Dzeko ciyaaryahan aan caadi aheyn, laakiin waxa uu ka digay in hadii kooxdiisa ay dooneyso ciyaaryahanka la soo wareegto in dhaqaale ahaan uu aqbalo isaga.

Isagoo u hadlay majalada isboortiga ee Jarmalka Kicker, Dzeko ayaa yiri: “Waan jeclahay Bundesliga, waana ku laaban doonaa Bundesliga. Kaliya ma dhihi karo xilliga aan laabanayo.

“Weli labo sanno ayaa iigaga hartay qandaraaskeyga. Waan arki doonaa waxa dhaca.”

City ayaa wajahday Dortmund wareegii group-yada ee Champions League xilli ciyaareedkan, Dzeko ayaana amaanay kooxda Jarmalka ah isagoo sheegay inay gaari karaan finalka koobka.

“Waan hubaa inay gaari doonaan finalka, waana u rajeynayaa inay gaaraan” ayuu hadalkiisa raaciyay.

“Koox si wacan u ciyaartay iyadoo group kula jirta Real Madrid iyo anaga, waxa ay garaaci kartaa koox kasta.”

Si kastaba, Dzeko ayaa durbadiiba beeniyay warar sheegaya inuu qarka u saaran yahay Dortmund isagoo sheegay inaysan run aheyn in wadahadalo heshiiskiisa ku saabsan uu dhexmaray labada kooxood.