
Chelsea ayaa dooneysa in Luke Shaw uu u bedelo mustaqbalka daafaca bidix Ashley Cole iyagoo u dhaqaaqi doona da’ yarkaan xagaaga, sida ay ku warameyso Daily Mail.
Daily Mail ayaa sheegeysa in Blues 10 milyan ginni oo ay ku dalbatay xiddigan ku jira juunyeerka England ay ka soo diiday Southampton bishii Janaayo.
Si kastaba, wadahadalo ku aadan lacag qaali ah oo ay kula soo wareegaan Shaw ayaa socda, iyadoo Chelsea ay kalsooni ku qabto inay gacanta ku soo dhigi doonaan 17 jirkaan mustaqbalka leh.
Inkastoo aan weli la hubin cidii macalin ka noqon laheyd Stamford Bridge xilli ciyaareedka soo socda, hadana Shaw ayaa u ah Chelsea dooqooda koowaad ee ay doonayaan inay la soo wareegaan xagaaga.
Iyadoo uu heshiis cusub oo 12 bilood ah uu saxiixay Ashley Cole oo Chelsea ku sii heynaya ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda, Chelsea ayaa dooneysa ciyaaryahankii bedeli lahaa markaas ka dib.
Waxa ay doonayaan inay Shaw la soo wareegaan xagaaga islamarkaana dib amaah ugu siiyaan Southampton xili ciyaareedka soo socda.
Bashiir ceerigaabo
28-February-2013 at 1:16 pm
Waxan jeclan laha in uu baqi ku si ahado chelsea ashley cole inta ka dhiman mustaqbalkisa
i love chelsea
C/nuur ismael diged
26-February-2013 at 2:13 pm
Waxa mu him ah in lakeno difacyo da yar iyo werar da yar si ay mustaqbalka dhow uga dhex muqdan jamahirta blue chelsea
Shaktiiii
26-February-2013 at 11:35 am
Show wa ciyaryahan mustaqbal leh wana ninka kaliya ee badali kara cole fadlan halagu dadalo san ku heli lehen viva azpilicueta
oday
26-February-2013 at 9:54 am
fadlan hanaloo keeno fellaini banies falcao iyo david moyes.viva chelsea
Frank lampard
25-February-2013 at 8:41 pm
Fadlan waxan ka codsanaya kooxda waayo cole waa dafaca aduunka no3 waxanan hubaa inaan laheleyn daafac bedela cole aaway d.drogba d.mateo fadlan inad ciyaaryahankale aad soo iibisan mooye ha iibinina viva cole viva chelsea
Xamse
25-February-2013 at 6:21 pm
war drogbaad badashay wax mahaysaan di metto ayaad
badashay wax mahaysaan fadlan hanaga badalina
cole waa difaac muhiim u ah kooxda viva cole.terry liuz en evonavic
Qoor kaa he
25-February-2013 at 5:52 pm
Qoor the best difaaca ugu wanagsan adunka
kaka
25-February-2013 at 5:46 pm
a cole one of the beast difender in the world positon nu 3