Home » Horyaalada » France » Carlo Anceloti Oo Beeniyay In Is Af Garad Wada Gaareen Madaxda Real Madrid Si Jose Uu U Badelo.

Carlo Anceloti Oo Beeniyay In Is Af Garad Wada Gaareen Madaxda Real Madrid Si Jose Uu U Badelo.

Waxaa Qoray:

Taariikh: 25-February-2013

959827-15753818-640-360

Tababaraha kooxda PSG ee dalka Faransiiska Carlo Ancelotti ayaa beeniyay wararka la xariirinaya in xagaaga dambe uu badalayo dhigiisa Real Madrid ee Jose Mourinho iyadoo uu ku tilmaamay wararkaas kuwo yimid ka hor waqtigooda.

Wargeyska Le Parisien ee ka soo baxa Faransiiska ayaa qoray in uu jiro hishiis dhanka afka ah oo ay wada gaareen Carlo Ancelotti iyo madaxa Real Madrod Florentino Perez oo ku aadan in xagaaga dambe qabto hogaanka Real , iyadoo wararka sii xogeysanayaan maadaama Jose laga yaabo in Real ka huleelo iyo mulkiilayaasha PSG oo doonaya iyana in ay casilaan Carlo Ancelotti.

Kulan wareed uu qabtay ayuu ku shaaciyay in uusan jirin hishiis ay isla gaareen madaxa Real Madrid isaga oo tilmaamay in uu doonayo in uu in muddo ah baaqi ku sii ahaado kooxda PSG balse uusan weli ogeyn go`aanka maamulka kooxda PSG .

PSG ayaa si weyn u xiiseyneysa tababare Jose Mourinho oo la xusayo in laga yaabo in Real ka huleelo , waxa ayna sidoo kale doonayaan oo ay isha ku hayaan macalinka kooxda Arsenal ee Wenger.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.