Barcelona Oo Camp Nou Kaga Takhalustay Sevilla Islamarkaana 15 Dhibcood Ku Qabatay Hogaanka La Liga. | Laacib.net
Home » Horyaalada » Spain » Barcelona Oo Camp Nou Kaga Takhalustay Sevilla Islamarkaana 15 Dhibcood Ku Qabatay Hogaanka La Liga.

Barcelona Oo Camp Nou Kaga Takhalustay Sevilla Islamarkaana 15 Dhibcood Ku Qabatay Hogaanka La Liga.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 24-02-13 1:51 AM

257907hp2

Barcelona ayaa 2-1 ku khuusisay kooxda Sevilla oo marti ugu aheyd Camp Nou iyagoo 15 dhibcood oo nadiif ah ku qabtay hogaanka horyaalka Premier League.

Barcelona ayaa qeybtii hore ku bilaabatay fursado fiican iyadoo Iniesta, David Villa iyo Lionel Messi ay intaba u soo dhawaadeen inay shabaqa ka soo taabtaan kooxda Sevilla.

Laakiin kooxda martida ku aheyd Camp Nou ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta dhamaadkii qeybtii hore daqiiqadii 42aad Botía ayaana madax ku dhaliyay kubad ku soo bilaabatay markii hore laad xor ah oo uu soo tuuray Rakitic.

Waxaana qeybtii hore lagu kala maray 1-0 oo ay hogaanka ku heysay kooxda Sevilla, laakiin 7 daqiiqo markii ay socotay qeybtii labaad ayay kooxda Blaugrana heshay goolkii barbaraha.

Karoos uu keenay daafaca reer Brazil Dani Alves ayaa waxaa madaxa la helay David Villa oo ciyaarta ka dhigay barbaro 1-1 ah.

David Vill ayaa goolkiisii 30aad u dhaliyay Barcelona, goolkiisii ugu horeysay ee Barcelona ayaa sidoo kale ahaa mid madax uu ku dhaliyay waxaana caawiye ka ahaa isla Daniel Alves.

60 daqiiqo markii ay socotay ciyaarta waxaa Barcelona hogaanka u dhiibay xiddiga sannadka adduunka Lionel Messi oo ka faa’ideystay baas uu ka helay Cristain Tello, waana kulankii 15aad ee isku xiga ee La Liga oo uu shabaqa soo taabto Messi isagoo sii dheereysanaya rikoorkiisaan.

Lionel Messi ayaana shabaqa ka soo taabtay 18 ka mid ah 19ka kooxood ee uu ka horimaanayo xilli ciyaareedkan La Liga, kaliya Celta Vigo ayaa u hartay inuu gool ka dhaliyo.

Messi ayaana labo jeer kale u soo dhawaaday inuu goolal kale ku darsado halka kubada uu Navas u dhigay Rakitic uu banaanka marsiiyay, islamarkaana Valdes uu kubad ka bixi Manu.

Rakitic ayaa isna kubad uu u dhex bixiyay Negredo waxa uu kooxdiisa ka qasaariyay fursad fantastik ah, iyadoo ay u dhineyd kaliya inuu qaabilo Valdes ayuu kubada dusha sarre mariyay.

Blaugrana ayaana ku badisay 2-1 iyagoo guushaan ay ka saacideysa inay hogaanka ku qabato 68 dhibcood, waxaana ay 15 dhibcood ka sareeyaan Atletico Madrid oo kulan uu u harsan yahay marka Barca loo fiiriyo.

Barcelona ayaana haatan isku diyaarin doonta kulanka lugta labaad ee semi-finalka Copa del Rey ee ay talaadada la ciyaari doonaan kooxda Real Madrid.

 

16 Responses to Barcelona Oo Camp Nou Kaga Takhalustay Sevilla Islamarkaana 15 Dhibcood Ku Qabatay Hogaanka La Liga.

  1. zaki Reply

    24-February-2013 at 12:51 pm

    rikoorkan iska socda aanan la joojineen yaa jabin doona waaba yaabe messi waxi rikoor ah dhan waa uu jabiyay mid aanan lajibinkarinna waa dhigooya ilaa hada marka dhocisha cr7 ayada shaqadeeda mawaxeetahay in keedka lagiliyo ama ineey rikoorada messi dhigaayo iska daawato waa yaab kkkkkkkkkkkkkkkk
    Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk messi waligaa iskasiiwado rilorkaga viva messi10mata10robin10isjer10

    • mankal Reply

      24-February-2013 at 1:52 pm

      asc asxabey waba yaabe barca shabaqeeda ma ilaasho karta miyaa?
      ani waxey ilatahay inaan iska iloowno janbiyoonka madama aan aan
      shabaqaba ilaashan karin milan hadey hal gool gurigeena nooga dhiliso mecnaheeda waa kasabar janbiyoonka viva Baaaaaarca

  2. Ahmet hajji yusuf dicanio Reply

    24-February-2013 at 9:36 am

    Viva messi lacibka aduunka. barca waxan hubaa inay coba del rey qaadayso tasina waa hubaal

  3. Sadiiq yare Reply

    24-February-2013 at 8:20 am

    Viva ineista pedro messi

  4. Ramos Reply

    24-February-2013 at 7:44 am

    Asc bahda laaacib.net iyo dhaman asxabta
    hadan u guda galo gulaha barcelona
    waa mid iska iisiya iney ku dhibton kox spain ah marka laga rebo hooyada yurub
    ee real mida kale barca sanadkan wax koba u ma hayo an laliga aheyn
    marka rer barca wey idin daayen wixii hada ka danbeya waxey noqonee fc madax xanun taladada ayan ku bilaabeynaa
    viva real viva cr7

  5. Hodan Reply

    24-February-2013 at 7:18 am

    Waaaaaaw barca wa cadadeda in ay ku riiqdo nou copm koxdi timado marka wa wax iska cadi ah xalay dhocishi wax gola ah ma dalin ninka gaban walaga celin layahay shabaqa viva i barcelona vs somalia inti barca tagerto wan din salamay

  6. C/raxin zacíimka Reply

    24-February-2013 at 7:08 am

    Viva messe goal ma gafe leo messi

  7. Ceynte Reply

    24-February-2013 at 4:42 am

    Asc salan sare aqayarta laacib iyo taagerayasha barcelona wane kufaraxsanahay guusha aygartay koxda lionel messi 15geme xirir shabaqa ayalaga celin layahay kacabso laacibka adunka messi10 and jek welshare10

  8. Yahyevich from mudug Reply

    24-February-2013 at 3:39 am

    Horyaalka laliga ku badala meesha aad ka dhigteen premier league mahadsanidiiiin

  9. Caaqil Cade Reply

    24-February-2013 at 3:24 am

    asc dhamaan bahda laacib.net iyo asxaabta kale. wallee barca iyo guul madhibto messi iyo score jabin madhibto, hana sii dheereeysto scorekiisa waqti fiican ayuu ku jiraayee. horyaalka sida ay iimuuqato barca ayaa gacanta kuheeysa 90%. hadana kulanka talaadada ayaa inoo muhiim ah si real aan uga reebno koobka delrey si labada koob ay u qaaddo barca. viva messi xavi and iniesta..

  10. Ismaciil xusen cali Reply

    24-February-2013 at 2:18 am

    Waw lio messi goal ma gafe iga dheh kulan kasta shabaqa ayu daris layahay viva barcelona for ever

  11. Yasirdinho Reply

    24-February-2013 at 2:13 am

    Fc barcelona Awood Weyn ayey kUleedahy Camp NOU .Guushaney Awood waaye
    Ac Milan ayaan Kusugyaa Myshan Visc La Barcelona.
    Dream Team waaye Guul All Fc Barcelona Fans…thnaks

  12. abdi Reply

    24-February-2013 at 2:13 am

    Horyaalka premia league aaa??

  13. abdi Reply

    24-February-2013 at 2:02 am

    Horyaalka premia league???

  14. guulayste Reply

    24-February-2013 at 2:01 am

    VIVA MESSI WALIGAA XADHIGAN HAY WALIGIISNA KUSOO GAADHI MAAYO INANKII DHEERAA EE IS DAAWAN JIRAY VIVA MESSI KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK

  15. Demba Ba Reply

    24-February-2013 at 1:58 am

    Waaaw viva a.iniesta 8 !! kacabso barca

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>