Wakiilka Sergio Aguero Oo Ku Adkeysanaya In Laacibka Uu Ku Laabanayo Horyaalka Spain . | Laacib.net
Home » Horyaalada » England » Wakiilka Sergio Aguero Oo Ku Adkeysanaya In Laacibka Uu Ku Laabanayo Horyaalka Spain .

Wakiilka Sergio Aguero Oo Ku Adkeysanaya In Laacibka Uu Ku Laabanayo Horyaalka Spain .

Waxaa Qoray: Osman Fantastik
Twitter: Taariikh: 23-02-13 5:22 PM

242886hp2Wakiilka weeraryahanka kooxda Man City Sergio Aguero ayaa shaaca ka qaaday in ay suura gal tahay in laacibkaasi uu ku laabto horyaalka Spain uuna ka galo daaqada kooxda Real Madrid oo dhankooda si weyn u xiiseynaya .

Sergio Aguero ayaa hishiiskii uu laba sano ka hor u saxiixay City waxaa ku jiray qodob u ogalaanaya in uu ku laaban karo horyaalka Spain marka la gaaro sanadkiisa labaad , iyadoo tani ay fursad u tahay Jose Mourinho iyo madax Real Florentino Perez kuwaasi oo ku qanacsaneyn heer ciyaareedka haatan ee Karim Benzema iyo Gonzalo Higuain.

Ilo wareedyo kale ayaa sheegaya in Sergio uusan qiyaaneyn kooxdiisa hore ee Atletico Madrid ugana soo horjeesaneyn cadawgooda Real balse laga yaabo in uu ku biiro Barcelona marka la eego saaxibtinimada kala dhaxeeysa xidiga Barcelona Messi xilli kooxdaas dhanka weerarka haatan uusan sal u laheyn sababo la xariira maqnaashaha joogta ah ee Villa iyo heer ciyaareeka Alexis Sanchez oo hoos u dhacay .

Waxaa dhanka kale lala leeyahay madaxda Man City oo horay uga soo goostay Barcelona labadii sano ee la soo dhaafay waxa ay dileysaa rajada Vilanova ee ku aadan in uu helo saxiixa Sergio Aguero taasi oo mar kale fursad siineysa madaxa Real Madrid Florentino Perez .

Osman Fantastik

Follow Me:
Facebook

4 Responses to Wakiilka Sergio Aguero Oo Ku Adkeysanaya In Laacibka Uu Ku Laabanayo Horyaalka Spain .

  1. Fany fans Reply

    23-February-2013 at 11:03 pm

    Nayma iyo aquara waxa fcn aguara nayma aaaaaaa nayma horta yurub ha imado markas aya la arki donaye

  2. Nasri Barcelona Reply

    23-February-2013 at 5:51 pm

    Neymar aya ino so socdo Aguero Athletico iskaga laabo.

  3. maxamed axmed jaamac {lionel messi} Reply

    23-February-2013 at 5:49 pm

    fikirkaygu waa in barcelona laga iibiyo segio aguero maadaama uuyahay laacib aadi iyo aad u ciyaar wanagsan waxan leeyahau rial madrid waa ay dilaysaa laacibkan sidaa darteed barceona halaga iibiyo

  4. mahad_casri aguero Reply

    23-February-2013 at 5:36 pm

    haa mcn ahaa barcelona lee xagaha dhulka u dhig viva manchester city

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>