Sulley Muntari Oo Si Aad Ah Loogu Dhaleeceeyay Magaca Allah Iyo Aayad Quraan Ah Oo Jirkiisa Ku Shaabadeeyay. | Laacib.net
Home » Africa » Sulley Muntari Oo Si Aad Ah Loogu Dhaleeceeyay Magaca Allah Iyo Aayad Quraan Ah Oo Jirkiisa Ku Shaabadeeyay.

Sulley Muntari Oo Si Aad Ah Loogu Dhaleeceeyay Magaca Allah Iyo Aayad Quraan Ah Oo Jirkiisa Ku Shaabadeeyay.

Waxaa Qoray: Osman Fantastik
Twitter: Taariikh: 23-02-13 1:00 PM

436x328_29298_267752

Xidiga kooxda Milan Sulley Muntari oo dhaliyay goolkii labaad ee Milan kulankii Barcelona ayaa dadka ka yaabiyay ka dib markii jirkiisa uu ku soo qoray shabad ka kooban aayado qur`aan ah oo ay sii dheer tahay magaca Allaah iyo waliba qoraalo ingiriis iyo sawiro.

Xidigaas ayaa la arkay waxa uu jirkiisa ku soo qoray ka dib markii ay dhamaatay ciyaarta xiligaas oo uu siibtay funaanada kuna soo wareegay garoonka xiligaas oo si rasmi ah u soo muuqatay shabadaas iyadoo magaca Allaah oo weyn ka muuqatay dhanka midig ee xabadkiisa halka aayado quraan ahna ku sharaxay xabadkiisa.

Sulley Muntari ayaa la kulmay dhaleeceyn badan oo kaga tamid muslimiinta aduunka sababo la xariira in magaca Allaah iyo aayado qur`aan ah shabad ahaan jirkiisa ugu soo sameeyo , waxa ayna ku doodeen in uu soo bandhigay hab xun oo dileysa magac ciyaaryahan muslim ah, iyadoo ay tilmaameen in diinta islaamka aysan ogaleyn in jirka shabad lagu sameeyo .

Intaas kuma ekaan ee sidoo kale sawir haween ayuu isku soo sawiray taas oo uu saaray dhanka bidix ee jirkiisa iyadoo sawirkaasna lagu sheegay in uu yahay xaaskiisa oo sanadkii 2004-ta qaaday quruxda haweenka Ghana taasi oo sanado ka hor uu la xertay.

Aayada qur`aan ee uu isku soo qoray ayaa ah aayada 11-aad ee suurata Al-tagaabun:

(مَا أَصَابَ مِنْ مُصِيبَةٍ إِلا بِإِذْنِ اللَّهِ وَمَنْ يُؤْمِنْ بِاللَّهِ يَهْدِ قَلْبَهُ وَاللَّهُ بِكُلِّ شَيْءٍ عَلِيمٌ).

Sulley Muntari ayaa la xusayaa in dhaqaaqyo bani`aadanimo uu ku leeyahay dalkiisa Ghana iyadoo uu ka qeyb qaatay dhismaha masjid iyo goobo diinta lagu barto, illaa iyo haatan laacibka fal celis kama sameyn dhaleeceynta uu la kulmay .

Osman Fantastik

Follow Me:
Facebook

52 Responses to Sulley Muntari Oo Si Aad Ah Loogu Dhaleeceeyay Magaca Allah Iyo Aayad Quraan Ah Oo Jirkiisa Ku Shaabadeeyay.

  1. Sayfullahilmasluul Reply

    02-March-2013 at 7:42 am

    Allahumma acizal islama walmuslimiin waadillashirka walmushrikiin wadammir acdaa adiini yaa rabbal caalamiin aamin aamiin

  2. fuad Reply

    01-March-2013 at 1:58 am

    Diina maqabto inaad jirkaga aad shabad saartit hadana magaca alle waa danbi weyn

  3. Maxamed Reply

    28-February-2013 at 6:36 am

    Maasha allaah muslim nimada waa wax wanaagsan lkn ma ahan in aa shaabad isku qortid wax walbaba ha ahaatee sababtoo ah kitaabka qur’aanka musqul lama gali karti marka jirkaaga oo qur’aan ku qoron yahay sidee musqul ugali kartaa sulay waa in uu alle ulaabtaa dambi dhaaf weydiistaa shaabadana iska tiraa wax walba haku qaadatee

  4. Captain kafi yare Reply

    27-February-2013 at 3:36 am

    Waxan layabanahay aniga qofka red devil kadhigtey magaca oo hadana leh allaha hununsho suley muntari war adaa hanun ubahan ee dib iskugulabo.

  5. Khadar Reply

    26-February-2013 at 10:40 pm

    Allexaqa hayna fahansiiyo waxaan leeyahay aad baan uga faraxsanahay inuu muslinyahay muntari laakiin magaca lle waa waxawyn lamana ogala in aad jidhkaaga xataa kuqortid qalin sababtoo ah waa karaahiya isha dib ayuu kafahmi doonaa

  6. aways maxamad cusmaan Reply

    26-February-2013 at 10:17 am

    subxaanalaah Allaah soo hanuuniyo.

  7. Ahmed quuqaazi Reply

    25-February-2013 at 1:06 pm

    Ilaahow xaga na fahamsii

  8. Jabra ajaay Reply

    25-February-2013 at 9:19 am

    Asc udama islamka qasatan somalida anigu waxan aqon uleyahay afrika marka dadka madowga ahi waxay xoga saran mamoyinka ka le ma ba xiseyan madada diniga marka qafka si siduu ku fahma sharecada islamka alaow soo hanuni umadada

  9. Ceyna Reply

    24-February-2013 at 11:14 pm

    Wax kale madhahayo ee horta ILLAH Hanawafajiyo xaqa Asagana hahanuniyo lkn waina laogada sawabta uu usubiyay falkan

  10. khaalid Reply

    24-February-2013 at 9:46 pm

    asc dhamaan waa salaamantihiin meel kasta oo aad joogtaan waxaan ku salaamayaa 114 intaa ka din waxaan qabaa aniga arinkaas jaahil nimo kaweeyn tusaale wiilkaan waxaa la leeyahay masjid bu dhisay in masjid la dhisaana ma sahlana dhinac walba hadii ay dhaqaala tahay iyo hadii ay fikir iyo wixii la mida waayo ujeedka masjidka uu u dhisay 1 waa inoow yahay muslim wiilkaan 2 waa inoow ajir allaah uga helaa 3 waa in dad muslim masaakiina uu ku saacidaa ok ma waxaa leedihiin marka wilkaan magaca allah ma fahansana ee jaahilnimaa ugeeysay? aniga waxaan qabaa arintaas arinbaa ku hoos duugan ee dib haloogu laabto

  11. cikrame cabdiraxmaan Reply

    24-February-2013 at 1:10 am

    ilaahay ha hanuunsho

  12. Boban ac mln Reply

    23-February-2013 at 9:54 pm

    Allahu akbar !! Hadu jahil kayahayna alaha udambi dhafo ohafahamsiyo xaqqa iyo wanaga dhaman musliminta hadanahay alaha nahanuniyo

  13. xusto Reply

    23-February-2013 at 5:05 pm

    walaahi waa wax laga naxo in maca alle wayniddisa qof muslimii garan waayo oo ku dheelo qur aanka kariimkaa waxaan filayaa inuu magaca islaamka uun uu haysto ee aanu garanayba silaamku wuxuu ka dhigan yahay ma wuxuu garan waayay magaca ilaahay adiga oo qaawan inaan ku galmooto oo aad waliba musqusha la gasho alaahu akbar somalida cid diinta ka fahmi og waa yar tahay aloow noo siyaadi isagana haday jahli katahay fahan sii hadii aanay ka ahayna isagaa ka shalayni

  14. Caaqil Cade Reply

    23-February-2013 at 5:03 pm

    horta marka hore waa nin fiican haduuba dhisay masjid alle lagu caabudo iyo meelo diinta islaamka lagu barto. marka waa nin aqoon leh, laakiin markeey weeyka xumaatay qofka muslimka ahna wuu qaldamaa marka inuu ka toobad keeno waaye. maahan in diinta laga dhigto ciyaar ciyaar..

  15. Aruush yare Reply

    23-February-2013 at 4:46 pm

    Subxanalaah.wlhi wa fal xun in nin masjid dhisay oo isku garab qoro aayado qu’ran ah.iyo magaca alle.oo u hadana sii garab dhigo nag xun oo. Waxan dhaheynaa ha sheko sababta.wa wax laga xumado….suley muntari wa qaldan tahay

  16. Muse cali Reply

    23-February-2013 at 4:30 pm

    Waxan filaya jahilno ma ah lkn ninkan masajid ayu dhisaye aya ladhahey markas jahilnmo kadheer ee dib ha lugu noqdo arinkan wa waxadag

  17. muuse inii Reply

    23-February-2013 at 3:57 pm

    kuma saxno arinkaas jahilnima ugeyse e allaha sohanuniyo

  18. naciim Reply

    23-February-2013 at 3:54 pm

    asc dhamaan muslamiinta oo idil waan salaamayaa asc warax matulaahi wabarakaad salaan kadib waxaa dad soo mali yeed oo dagan milaano ka c odsaneenayaa in ay u nasteexaayaa qaasatan waxaan lafdad daarmayaa culomada in ay iska xil saaraan in ay usheegaan in ay banaanee in jirka ayado quraan lagu qorikarin maka culumada somali ha iska xilsaaraan arintaas in liaahay uu ayagana uu ajar kasiiyo amiin asc

  19. Yasin c/raxman mecad Reply

    23-February-2013 at 3:44 pm

    Danbidhaf alle hakadalbo

  20. red devills Reply

    23-February-2013 at 3:42 pm

    subxaanalaah , waxa laga yabaa inanu fahansanayn diinta islamka laakiin uu aad u jecelyahay .. marka waa in a fahansiiyaa inaan diinta islaamku ogolayn TATTOO iyo wax ruqaan ah oo jidh lagu shabadeeyo !!!

    viva manufc

  21. saalimiin Reply

    23-February-2013 at 3:32 pm

    scww laacibkan muslimka ah waxuu u baahan yahay in la fahansiiyo waxay diinta islaamka ka qabto ficildaas uu ku sameeyey jirkiisa in la gaalaysiiyo looma baahno sida daka qaarkiis

  22. Cabdi qaadir saami Reply

    23-February-2013 at 3:30 pm

    Wuxu sameyay wax aaynay diinta islamku ogalayn wxuuna galay khalad lkn toobada alle markasta wey banan tahay alle hanoo dambi dhaafo hana ina soo hanuniyo ameen ya allah

  23. bandarbayla Reply

    23-February-2013 at 3:30 pm

    scww laacibkaan waxuu u baahan yahay in wax la fahansiiyo diinta waxa ay ka qabto ficilkaas in la gaalaysiiyo looma baahna waa muslim sidaan la socdo iyo waliba waxuu dalkiisa ka dhisay

  24. Xasan xujo Reply

    23-February-2013 at 3:28 pm

    Sulley muntari wu ku qaldana inu ku qoro jirkisa ayado qur’aan hadii ay farinteda gareso waxa dhihi laha isaga qoro xita maliyada ad gashan tahay

  25. Asad kallaay Reply

    23-February-2013 at 3:25 pm

    waanka xumahay walalken wax fcn mu samen lkn waxa macqul ah inu is laha wax fcn same si kastaba Allaha u dambi dhafo wa Arin xun in magaca Ebe iyo hadalkisa musqusha iyo melo an munasab ahayn lala gala hadan islam nahay waxan le nahay SUBXANALLAAH

  26. abdallah izi Reply

    23-February-2013 at 3:15 pm

    ASC/OK WAXA LAGA YABAA JAHLINIMO INEE U GEESAY WAX

    HALOO SHEEGO HALA FAHNSIIYO WAXEEY TIINTA KA QABTO

    WAX YABAHN OO KALE IN EY DIINTA ISLAAMKA AYSAN QABIN

    WALALKEEN MULIMKA AH ALAHA SO HADEEYO WAXAN QABAA

    ANIGA INLAFAHMSIN KARO EE WA NIN DIINTA JACEL INOO

    WAXYAABO BADAN WUU U QABATAY SDAQO BU BAXSADAY MASJID

    DHISMAHA KACAWIYAY ALOO KII SO HANUUNO KA DHIG AMIIN

  27. Mr cbdi rxman siyame Reply

    23-February-2013 at 2:47 pm

    Ilahay wu danbi dhaf badan yhy walakeynan jahil nimo aya ugeystay koley inu famo ayan u rajeynayaaaaaaaa muntari

  28. TELKOM GSM Reply

    23-February-2013 at 2:39 pm

    Jiji adigana allah haku so hanuniyo labadinaba ma banan ayad quran in ad ku qorta jirkada rabbiga ka baq kuma saxna arinkase

  29. Tigerka Reply

    23-February-2013 at 2:37 pm

    Wlhi waa qalad lkn waa in si tartiib ah loo fahansiiyaa maxa yelay dinta ayu si fcn u jecelyahay

  30. jack rodwell Reply

    23-February-2013 at 2:27 pm

    inaa lilaahi wa ina ilaahh raaji cuun ilahow dintada ugar gaar*…. #walahay walayaab arintan

  31. Abdul karim Reply

    23-February-2013 at 2:26 pm

    Subxaanallaah kolley waxey umuuqataa aqoon yari iney ugeysay dadka la jooga ee musliminta ah ama la dgan magaalada milano waa iney u naseexeeyaan una sheegaan ineysan banaaneyn kadib ayaa la ogaan doonaa sababta uu usameyay iney jahli aheyd & inkale. { Gafarllahu lahu walanaa min kulli danbi}

  32. shakuur Reply

    23-February-2013 at 2:16 pm

    waxaan dhihikarnaa waxaa u geeysay aqoonla aan waana arkidoonaa waxuu dhaho xidiga maadaama uu yahay muslim

  33. nuur milano Reply

    23-February-2013 at 2:01 pm

    ala yahdi waxa laga yabaa xumanta waxas ay ledahay inu waxbadan ka ogeen wa inu badalaa

  34. Firstkisser Reply

    23-February-2013 at 1:56 pm

    Wan ka xu mahy aron have any more kuma dambabi karo

  35. jahaweyn Reply

    23-February-2013 at 1:53 pm

    asm dhamaan muslimiinta waan isin salaamay meel kastood joogtaan marka hore ayadaha qur aanka iyo magac allaba mabanaano in lagu qoro ankee meela aan munaasab ku aheen lkn waxaad ogaataan marnaba waxaan banaaneyn in aad jirkaada wax ku sawirtaa lkn waxaa laga yaabaa in ey aqoon yari ugeysay dhibna malahan wax kaweyn ayaa lageystaa muntari wow jecel yahay diinta islaamka wax badan ayuuna uqabtay mida uusameeyane ma ahan wax diinta looga baxo waxuu miijiyay oo kaliya wixii qalbigiisa kujiray ayuu muujiyay

  36. hadhagale-abdo Reply

    23-February-2013 at 1:50 pm

    ma fahansane allaha ka jaahil tiro hasona hadeyo

  37. Nuurb10 Reply

    23-February-2013 at 1:45 pm

    Wa inow katiraa allane ow katowba dalbaa

  38. a/rahim Reply

    23-February-2013 at 1:44 pm

    diinta islaammka ma qabto in shaabad jirka lgu samaysto ha iska tirtiro

  39. Nuurb10 Reply

    23-February-2013 at 1:43 pm

    Aad ayoow u qaldamay laacibkaasi kadaran qof sameye muslinimana kudhashte ayasa badan

  40. Dhiidhoco88 Reply

    23-February-2013 at 1:37 pm

    Wlh waa la yaab mana garanayo waxaan ku sifeeyo waa nin muslim ah laakiin falkaan ma diin jaceyl baa ugeysey mise cilmi la’aan waa inaan la dhihin wuu xad-gudbey waayo qofka wuu gafi karaa mana ahan macsuum marka ra’yi ahaanteyda waxaan dhihi lahaa ha iska masaxo ALLAAHna ha u noqdo hana ka dhigo mid soo hanuuna asaga iyo dhamaan inta jecel iney ku soo biiraan diinta islaamka

  41. Roble Reply

    23-February-2013 at 1:35 pm

    aqoon dari in ey ugeysya ayaa la’arkaa ee Ilaahay hana hanuuniyo!!!

  42. Bulabazi Reply

    23-February-2013 at 1:30 pm

    waa fal aad iyo aad u xun walhi magaca ilaah in u jirkisa ku qorto waa ka mamnuuc.

  43. keamalchlgy Reply

    23-February-2013 at 1:27 pm

    camo ayaad tahay sawdiga ku jiraba laacibka cesh alah jahil

  44. keamalchlgy Reply

    23-February-2013 at 1:25 pm

    waa fal aad xun waa inuu iska masaxo waayo waa fal xun kana xun yihin walaladisa muslimka ah

  45. Maslax;hazzard Reply

    23-February-2013 at 1:20 pm

    Ma aqaam waxaa dhaho waa cajiib

  46. yarisow Reply

    23-February-2013 at 1:19 pm

    wow waa dhaqan xun aY ku dayan karan dadka islamka waxa loga bahan yahay inu iska dhaqo hadi islamnimadisa sax tahay waa dhaqan xun

  47. Jiji milanist Reply

    23-February-2013 at 1:17 pm

    runti laacibkani muslimka ahi waxne waa ku saxsan yahay waxne waa lagu dhalili karaa qoralka allah & ayadahaba hadeysan shabad gudaha ah aheyn waa ok oo waa tabliqin gaalada kheyrki ah kuwa soo hanuuni karan lkn dhanka sawirka naagti waa lagu dhalili karaa coz sawir dintena ma banenin anyway Go Go Go Muntari FORZA GRANDE MUNTARI.

  48. shuceeyb baldoos Reply

    23-February-2013 at 1:12 pm

    inaa lilaahi waina ileehi larajicuun

  49. aliiiiiiiii lucky Reply

    23-February-2013 at 1:12 pm

    W A C horto aad baan ugu faraxsanahay madaama oo yahya nin masjid dhisay oo diinta aslaamka heesto lakin waxaan ka xumahay erayga qaaliga ah ee allah maanta imaam shabad ahaan loo isticmaalo taas ayaan aad oogu xumaaday

  50. kagawa Reply

    23-February-2013 at 1:11 pm

    Waa run diinta islamka maqabto in shabad jirka lagu samesto waxankulatalinlahay inuuu iska tirtiro

  51. cabdikariim Reply

    23-February-2013 at 1:09 pm

    Inaa li laah wa inaa lilaahi raajicuun wax xun ayuu sameeyay maxuu sameen rabaa markuu zuuli ama musqul ubaahdo ama galmada xaaskiisa waa qatar

  52. Axmed siciid shire gaambis (sawaxili) Reply

    23-February-2013 at 1:09 pm

    Wa arin layableh mana aqan waxan irahdo

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>