
Gool hayaha kooxda QPR Julio Cesar ayaa muujiyay in uusan dooneyn in uu ka huleelo kooxdiisa marka xilli ciyaareedkaan uu dhamaado inkastoo QPR u sharaxan tahay in ay ka haraan kooxaha koowaad ee ingiriiska iyadoo ay haatan ku jiraan kaalinta ugu dambeysa ee kala horeynta kooxaha .
Gool hayahaan u dhashay dalka Brazil ayaa ku biiray QPR August-tadii la soo dhaafay waxa uuna kula joogaa hishiis gaaraya afar sano ,iyadoo in badan magaciisa lala xariirayay in uu aadi doono xagaaga dambe kooxaha waa weyn ee yurub .
” Kama fikarayo in aan ka tago QPR , aad ayaan ugu wanaagasanahay , ma jirto wax keenaya ina an ka fikiro bixitaan xilli hishiis afar sano gaaraya aan kula jiro kooxa QPR” ayuu sii raaciyay Julio Cesar
Gool hayahaan Julio Cesar ee ka yimid kooxda Inter Milan ayaa waxaa si weyn u xiiseynaya kooxo ay ku jirto Real Madrid kuwaasi oo dhawaan sheegay in uu ugu jiro qorshayaasha xagaaga dambe .
axmed suarez
01-March-2013 at 9:08 pm
CESAR WAXAAN KU ODHAN LAHAA ISKAGA TAG UMA QOLANTID INAAD KACIYAARTO SERIO B
WAXAANA TIMAADAA KOOXDA WAYN EE CAANKAA LIVER POOL REINA WAA NEEF ISKASOO CARARYA MANA NOOGUSII CIYAARI DOONO SIDAN
istaambo
23-February-2013 at 11:51 am
Cesar guuuul galabta ka yaabi reer untd