Higuain Oo Goolkiisii 100aad Ee La Liga Guul Gacmaha U Geliyay Real Madrid Oo Garaacday Deportivo. | Laacib.net
Home » Horyaalada » Spain » Higuain Oo Goolkiisii 100aad Ee La Liga Guul Gacmaha U Geliyay Real Madrid Oo Garaacday Deportivo.

Higuain Oo Goolkiisii 100aad Ee La Liga Guul Gacmaha U Geliyay Real Madrid Oo Garaacday Deportivo.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 23-02-13 11:53 PM

247283hp2

Gool soo daahay oo uu dhaliyay Gonzalo Higuain ayaa ka caawiyay Real Madrid inay 2-1 kaga talaabsato kooxda Deportivo La Coruna oo marti loo ahaa. Halka Di Maria uu casaan ka qaatay kooxda Los Blancos.

Real Madrid ayaa ku soo gashay koox aad uga bedelan line-upkooda caadiga ah iyagoo hal il ku haya kulanka lugta labaad ee semi-finalka Copa del Rey ee ay talaadada la ciyaarayaan Barcelona, waxaana kursiga keydka ku soo bilowday Ronaldo, Ozil, Coentrao iyo Khedira.

Deportivo ayaana fursadii ugu qaalisaneyd ee ugu horeysay ciyaarta heshay daqiiqadii 32aad markii goolhaye Diego Lopez uu fursad lugaha uga beeniyay Aguilar ka dib markii uu kubad qatar ah ka helay Valeron.

Labo daqiiqo ka dib Deportivo ayaa hogaanka ciyaarta u qabatay markii darbo fantastik ah oo uu lugta la helay Riki ay dib martay goolhaye Lopez.

Kaka iyo Di Maria ayaana jawaab ka bixiyay durbadiiba goolkaas, iyagoo u soo dhawaaday inay goolka soo taabtaan laakiin fursadahooda ma aysan noqon kuwa miro dhal leh.

Daqiiqadii 41aad ayaana Marcelo uu ka badbaadiyay Real gool labaad markii uu madax xariiqda goosha kaga bixiyay ka dib qatar ah oo ka timid Riki kaasoo meel si qurux badan ku soo dhaafay Pepe iyo Arbeloa.

Labo daqiiqo ka dib Riki ayaa si fantastik ah uga soo galay dhanka midig, isagoo mar kale maray Arbeloa, ka hor inta uusan kubada la haweysan goolka laakiin banaanka ayay ugaga baxday.

Ciyaar madadaalo laheyd ka dib waxaa qeybtii hore lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku heysay kooxda Deportivo La Coruna.

Qeybtii labaad ayaana tababare Jose Mourinho uu hal mar soo wada geliyay Ronaldo, Ozil iyo Khedira.

Waxaana ay goolka barbaraha Los Blancos heshay daqiiqadii 73aad markii Kaka uu kubad sida gantaalkii oo kale ah islamarkaana qurux badan shabaqa ku hubsaday isagoo fursad u diiday goolhaye Aranzubia!

Real Madrid ayaana u dhawaatay inay hogaanka u qabato ciyaarta daqiiqadii 78aad markii Cristiano Ronaldo si cajiib ah looga badbaadiyay kubada uu goolhaye u saaray kooner taasoo halis aheyd.

Daqiiqad ka dib mar kale Ronaldo ayaa hanjabaad ku noqday Deportivo markaan karoos uu keenay Ozil ayaa Ronaldo uu madaxa la helay taasoo si ciriiri ah ku agmartay goolka halka goolhaye Aranzubia uu ka ahaa daawade.

Real Madrid ayaana hogaan ay u qalantay ciyaarta u qabatay daqiiqadii 88aad markii Ronaldo uu kala dhantaalay Deportivo ka hor inta uusan ka caawinin inuu Higuain shabaqa soo taabto.

Goolkaas ayaana ahaa goolkii 100aad ee Gonzalo Higuain uu ka dhaliyo La Liga intii uu u ciyaarayay Real Madrid 179 kulan oo uu u saftay.

Laakiin waxaa kooxda Los Blancos dhabarjab weyn ku noqday casaan uu qaatay Di Maria oo labo jaale oo isku xiga qaatay, waxaana uu haatan seegi doonaa kulanka El Clasico.

Goolka xiddiga reer Argentina ayaana ugu filnaa Real Madrid inay guul 2-1 ah ay ka gaarto Deportivo, waxaana ay haatan isku diyaarin doonaa semi-finalka Copa del Rey oo ay habeenka talaadada la ciyaari doonaan Barcelona.

Kulamada kale kooxda Getafe ayaa 3-1 kaga talaabsatay Mallorca, halka Valencia ay barbar 2-2 ah ku qabatay Zaragoza oo ciyaarta ku dhameysatay 10 ciyaaryahan.

Apono iyo Postiga ayaa hogaanka u dhiibay Zaragoza, iyadoo Jonas uu labada gool ee barbaraha u dhaliyay kooxda Los Che ka hor inta uusan goolhaye Franco casaan ka qaadan Zaragoza.

 

16 Responses to Higuain Oo Goolkiisii 100aad Ee La Liga Guul Gacmaha U Geliyay Real Madrid Oo Garaacday Deportivo.

  1. Haliye Reply

    24-February-2013 at 6:16 pm

    Asc Hala real xalay C.Ronaldo aduunka waxaa uu dusay inuu yahay xidig aan laga maarmayn,Mourinho waxaan dhihi lahaa fadlan ciyaarta Kaka line up ha ahaado hadii aad doonayasid inaynu guul gaadhno.hala madri

  2. Madridsta Reply

    24-February-2013 at 8:09 am

    Sxb kaka wa lacib wayn cidi iskuma hayso taa lknuran waxa uu ka taagan yahay booska uu kaciyaari lahaa kaka waxa uu ka ciyara dhex hore ama bal midig ah labada bosishan waxa ka kala ciyaara oZil iyo ronaldo mushkiladu wata

  3. Ceynte Reply

    24-February-2013 at 5:01 am

    Asc ciyarka real tagero habadiso barca ayakadambeyso taladada aya inobalama iyo camp neu stadam real bolo weye kubad madhesho kulan kasto casan lelaqadanaya cawa afar aya jale kaqadatay iyo dia maria waxan ciil den mayo intey Barcelona jogto viva mucjisada gaban lionel messi

  4. Caaqil Cade Reply

    24-February-2013 at 3:43 am

    isbuucii hore pepe ayaa qaatay rooso ama casaan hadda weakaan dimaria meey joogtaa, isbuuciiba qof camal, badiska real waxba sooma kordhinaayo ileeyn barca ayaa badisee, horyaalkanana gacanta barca ayuu galay ka sabra, kanna copa delrey waa inoo talaadada iyo camp nou inshaa allaah. viva barcelona

  5. Cabdishafi Reply

    24-February-2013 at 2:26 am

    Real markasta haday ciyarsinlahayen xidiga ay xaqiren e RECARDO KAKA guul ayey gari lahayd markasta marka waxan dhihi laha ciyaraha wawayn kaka hakusobilawdo wa igatalo

  6. fc ridwan Reply

    24-February-2013 at 2:13 am

    realmadrid is the worst team in the world akhyarey habenkasta ay ciyarayso real ma red ayay qadanayan war xishod waxani team ma ahane byy

  7. abdisalaan Reply

    24-February-2013 at 1:33 am

    hala madrid best team in the world

  8. Alqadir sh,kagawa Reply

    24-February-2013 at 1:27 am

    Guuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuul

  9. istaambo Reply

    24-February-2013 at 12:57 am

    Guul wacan real madrid

  10. Kaka best palayer waye munirnho a xaqirayo moye hapenki lasafa gol ama wu dhiba kaka fifa

  11. Rashka Reply

    24-February-2013 at 12:27 am

    Hala madrid walee special one guuuuuuuuul uu qalmuu helay, KAKA ayaana caawa ciyaarta iyo Guushaba u dagaalamay

  12. Magacaygu waa aways c/laahi cali Reply

    24-February-2013 at 12:18 am

    Kulankan so socda ee u dhaxeye real madrid iyo barcilone kulankan dhicidoona talaadada ayaa quul u rajeyneyaa inay qaadato real madrid 3_0 real 3 barka 0 insha.alah

  13. cabdilaahi Reply

    24-February-2013 at 12:13 am

    Aniga waxaan qabaa haadii jos morin…. uu safo kuanka EL CLASSICO r.kaka in uu ka badin karo waayo waa xidig leh waayo arag tinimo ku filan inta laacib weyni leyeana waa uu leeyahay waayo waad ar kaysay sida uu uciyaarayey caawaba waan hubaa in uu kaka ka cabsiin doono barca waayo waxa uu yaqaan sida loola ciyaaro ciyaaraha degan amaba kuwa kontarataaga leh waayo for his mind ayaana siineysa sidaas ayaan ku soo gaba gabeynayaa mahadsanidiin bye

  14. Nine eleven attack Reply

    24-February-2013 at 12:04 am

    Salan qalbiga ka soo goday iga gudooma all tagerayaasha madrid ilove u all imeaan somalida viva madrid 4ever

  15. Nine eleven attack Reply

    24-February-2013 at 12:03 am

    Naaadi laba maaha wa madrid iyo waxan jirinba hala madrid 4ever lkn adbaan uga xumahay casaanka dimaria o barca cadaabi laha sorry sorry viva madrid viva ozil ronaldo benzema nd casillas

  16. abdi kadir cadde Reply

    24-February-2013 at 12:01 am

    Asc waa warey c.ronaldo wuxuu sameeye caawa siduu ugalay difaacyada Deportivo anaa kayaabay wlhi waa xidig viiiva kaka cadde and c.ronaldo

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>