
Bogga kooxda Real Madrid ayaa shaaciyay in daafaca da`da yar ee kooxda Varane uu ka maqnaanayo ciyaarta caawa ee ay Real la leedahay Deportivo La Coruna sababo la xariira xanuun dhanka muruqa ah oo uu daremayo taas oo keentay in laga saaro xiisaabaadka ciyaartooya ka qeyb galeysa kulanka maanta.
Jose Mourinho ayay tani dharbaaxo ku tahay maadaama sidoo kale Sergio Ramos uu ka maqan yahay kooxda kaasi oo kulankii hore ee Rayo Vallecano qaatay kaarka casaanka , waxaana kooxdaan sugaya kulamo adag oo ay ku jirto Barcelona oo talaadada ay leeyihiin kulan qeyb ka ah lugta labaad ee koobka Cope Del Rey .
Waxa xusid mudan in Varane oo da`diisa 20-ka dhawan buuxinaya in boos ka xirtay dhismaha tababare Jose Mourinho maadaama uu soo bandhigayo ciyaaro heerkoodu uu sareeyo , welina si rasmi ah looma xaqiijin in kulanka Barcelona uu seegayo laacibkaas .
Maxamed Baliil
24-February-2013 at 8:34 am
Wa difaac culus oo muhim u ah Real kulanka ay la kulmeyso Barca, waxana rajeynaya inu ciyaro.
barkhad
23-February-2013 at 7:05 pm
good night c.ronaldo
farah
23-February-2013 at 6:51 pm
hhhh
Mahamed kalajare
23-February-2013 at 5:35 pm
Waa fikrad fcnyahay varene wuxu raba barca inu ka horyimado oo ku adkeyo guul wacan varene waad kala dhantaalin ilmaha barca insha allah waliba si fcn cml
C/fitax sunni
23-February-2013 at 5:09 pm
Wa daafac culus waxan rajayna inuu so koco kulanka barca iyo real viva cr7 iyo real