
Barcelona ayaa guul ay ka gaarto caawa kooxda Sevilla waxa ay ka saacideysaa inay hogaanka horyaalka La Liga ku sii qabtaan 15 dhibcood, madaama kooxda kaalinta labaad ee Atletico Madrid ay habeen danbe ciyaari doonto.
Kulanka: Barcelona v Sevilla
Garoonka: Camp Nou
Waqtiga: 12ka saq dhexe SGA
| LINE-UPKA MACQUULKA AH: |
|
BARCELONA
![]() Valdes Alves, Pique, Mascherano, Alba Thiago, Song, Fabregas Sanchez, Messi, Villa |
SEVILLA
![]() Beto Coke, Fazio, Botia, Navarro Maduro, Kondogbia Navas, Hervas, Manu Diawara |
Weeraryahanka kooxda Barcelona David Villa ayaa ka soo kabsaday dhagax kilyaha ka galay waxaana laga yaabaa inuu ku soo bilowdo kulanka ay Sevilla ku soo dhaweynayaan Camp Nou.
Daafaca Adriano ayaase weli shaki ku jiraa kaasoo dhaawac ahaa mudooyinkaan, halka Eric Abidal isna fasax loo siiyay markii ugu horeysay tan iyo bishii April ee sannadkii hore inuu ciyaari karo.
Caawiyaha tababaraha Jordi Roura ayaa nasasiin doona qaar ka mid ah xiddigihiisa ciyaaray kulankii 2-0 looga soo badiyay ee Champions League, madaama isbuuca soo socda ay labo kulan oo xiriir ah la ciyaarayaan Real Madrid.
Tababaraha Sevilla Unai Emery ayaa sidoo kale ay u badan tahay inuu isku shaandheyn doono kooxdiisa isagoo muhimad siinaya kulanka semi-finalka Copa del Rey ee ay habeenka arbacada la leeyihiin Atletico Madrid.
Andres Palop, Cicinho, Diego Perotti iyo Piotr Trochowski ayaa dhamaantood dhaawac ah, halka Emir Spahic uu ganaax ku maqan yahay.
| MA OGTAHAY? |

Maxamuud janaale
27-February-2013 at 7:27 pm
Barchalona waxaan leeyahay hogaanka isaga taga maxaa yeelay hadaad isdhahesan waxaanu nahay koxda ugu baaska dheer lkn runaaldo ayaa shaqadiidana yaqaano
idiris maxamed xoosh
23-February-2013 at 10:01 pm
Bercelona3-1sevilla bercelona waa kooxda aduunka ugu baaska fiican caawana way guuleesaneesaa koxda labadna wan man u
Bile xasan
23-February-2013 at 7:28 pm
Barca 4 0
Hassannur Abdirahman
23-February-2013 at 2:39 pm
Sevila dab ayaan ku shideyna
jimcaale
23-February-2013 at 5:36 pm
kama xumin inay barca horyaalkan ku guulaysato hadaan nahay real madrid laakiin isma lihi caawa way guulaysanaysaa
Omar-yare
23-February-2013 at 1:30 pm
Falanqayn male dhamaan kulamada laliga sababtoo ah Barcelona ayaa sanadkana iskale sidoo kale waxaa Barce meel u yaala koopka Dellarey-ga lkn waxaanu ka walwal sanahay koopka qaaliga ah ee Uefa champions league oo afrikaan naloo adeegsaday hadaanu nahay kooxda adduunka ee BARCELONA.
Intisaar messi
23-February-2013 at 12:55 pm
3-1 barca guuuuuuuuuul
xamse
23-February-2013 at 12:02 pm
baar sa waa xariifiin ta laliga waxba yayna mooraal jabin iyagoo heer kaas soogaadhay madaama ay yihiin barsa
C/fitax sunni
23-February-2013 at 11:58 am
Ciil aan qabno waxa kala dul dhacayna sevilla waxa ku garacidona 6-0 I am very sorry guuldaradi milan
barcelona .0728705215
23-February-2013 at 11:49 am
cawada waa in aan ka soo kabsanaa guuldaradii milano viva barcelona
abdulhamid mahamed nor
23-February-2013 at 10:15 am
waaba yaabee ciilkii milaano ayaan ku fur furanayaa sevilla. Maxaa yeelay sanad ay sanadkan ay ka dacsan tahay waligayga ma arag sevilla blanco.