Ferguson: Waxaan Dooneynaa Inaan Ceshano Nani, Inkastoo Uu Doonayo In Boos Joogta Ah Loo Balan Qaado. | Laacib.net
Home » Horyaalada » England » Ferguson: Waxaan Dooneynaa Inaan Ceshano Nani, Inkastoo Uu Doonayo In Boos Joogta Ah Loo Balan Qaado.

Ferguson: Waxaan Dooneynaa Inaan Ceshano Nani, Inkastoo Uu Doonayo In Boos Joogta Ah Loo Balan Qaado.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 22-02-13 12:24 PM

255036hp2

Tababaraha Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa sheegay inay socdaan wadahadalo heshiiska loogu kardhinayo Nani, si uu u sii joogo Old Trafford.

26 jirkaan ayaa 18 bilood ay uga hartay qandaraaskiisa haatan, waxaana uu ku dhibtoonayaa inuu boos joogta ah ka helo kooxda, laakiin tababarihiisa ayaa aaminsan inay tahay inuu kooxda sii joogo oo booskiisa u dagaalamo.

“Waxaan dooneynaa inaan ceshano, taasoo shaki kuma jirto.” ayuu Sir Alex Ferguson u sheegay website-ka kooxdiisa.

“Waxa uu awoodaa inuu goolal cajiib ah ku dhaliyo. Goolkiisii Everton waxa uu ahaa cajiib. Iyadoo goolkiisii sannad ka hor ee Tottenham.

“Wiilka waxa uu leeyahay tayo sareysa oo ciyaaraha ku badineysa. Waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican ee ciyaaraha kuu badin kara, waxaana ka hadlayaa Yurub oo dhan.

“David Gill ayaa la hadlayay wakiilkiisa isbuucyadii u danbeysay. Isaga ayayna ku xiran tahay, qandaraaskiisa haatan hal sanno iyo bar ayaa ka hartay. Waxaan u maleynayaa inuu doonayo in loo balanqaado boos joogta ah, laakiin isaga ayaa isku balanqaadi kara taas. Qaab ciyaareed sida habeenkii dhaweyd ah ayaa u balanqaadi kara boos joogta ah.”

16 Responses to Ferguson: Waxaan Dooneynaa Inaan Ceshano Nani, Inkastoo Uu Doonayo In Boos Joogta Ah Loo Balan Qaado.

  1. luis nani Reply

    26-February-2013 at 12:58 am

    asc all aqyaarta waxa salamayaa man uinted yaan igu raacsaneen in uu yahay nani ninka ugu fiican man united wlhi rooney iyo vgoal waa la iska dhahaa man united sidii ugu tagay ronaldo waxa waday nani nin 7 ka dheelo oo ka fiican ma jiro waa laacib aqlaaq leh ashly iyo antonio meesha wax kuma haayaan nani wlhi ciyaaltii real haduu dheeli lahaa waxa aan qabaa in laga badin lahaa real waayo iskama celin karaan ama red card ey ku qaadan lahaayeen marka nani waa in la celinaa young iyo antonio maba muuqdaan bes nani difaaca weynooga mashquulaaan waana ninka ugu dheereeyo man united man united marka ey dheelayaan rooney iyo naani waa laga cabsadaa tan kale 2009-2010-2011- goolasha inta badan asaa dhiibay viva nani

  2. boy Reply

    23-February-2013 at 3:33 am

    asc salan sare dhaman all tagerayasha united salan ka dib nani yan la qasbin ee tabare ferguson wa inoo ka fakaraa sidii uu kooxda u keeni laha badalka nani waxana badal noo noqon kara oo kaliya BELE wa fikirkryga

  3. Omar amoore Reply

    23-February-2013 at 1:14 am

    Asc dhamaan asxaabta oo dhan iyo laacib salan ka dib aniga waxan tageera man united marka hore nani waa laacib waqtigan lajogana lagam marmo marka waxa lagu qasban yahay in laga saxixo waa haduu yeelo waa inoo muhim bye bye man united guul

  4. Leo Ali Reply

    22-February-2013 at 6:06 pm

    anigu waxaan qabaa wilasha ku dagalamaya garbaha nani , valencia, young , dhamaan in eey gadaal ka mari doonaan zaha marka uu sanadka soo socda soo caga dhigto old traford teeda kale dadka isku si uma arkan kubada cagta aniga maba arko sabab loo celiyo nani sababtoo ah wax hormar ah ma sameynayo tan ugu darana waxa eey tahay banooni isku dhajiska iyo shuudka aan natiijada laheen waxaan qabaa in milano ama zenit laga gado

  5. Suldan nuur Reply

    22-February-2013 at 5:38 pm

    Nani wuu si joogaya kooxda waana in boos joogta ah la siiyo mida kale sir alex indhaha ha is tirine valencia sidi hore ma ahan ee nani ku dagaaalan

  6. red devills Reply

    22-February-2013 at 4:54 pm

    nan waa noo joogayaa .. meel uma socdo ,, sir alex waa ku sax sanyahay inani dirin NANI waanan ku faraxnasanahy inu joogo kooxda !!

    viva manufc

  7. Abdirizak yare Reply

    22-February-2013 at 3:29 pm

    Marka hore waxan salamaya tagerayasha man united iyo shaqalaha laacib.net hadan kahadlo fikirkayga nani waa laacib kamid ah laacibinta ugu wanagsan manchester united wuxuna so bandhiga gemamka usafto ciyar fantastic ah marka nani lagama marmo wuna heli dona line up jogta viva nani & roney & rvp & funs man united

  8. sadiqos Reply

    22-February-2013 at 3:01 pm

    runti nani wa ciyariyahan sare lakn bos an lodagalamin lami sin kar wayo waxa jogo mesha wa ashley young iyo antoni valencia marka nikan wa inu lolan adag u gala boskis viva rooney chacherito rvn gol kagaaw young valencia nani vidig and sir alex farguson guul

  9. abdifatah loved man Reply

    22-February-2013 at 2:48 pm

    nani waa cajiib wana jogidonaa. old t wana best midified nani. garab kafiican majogo England

  10. Kabtanka Reply

    22-February-2013 at 1:52 pm

    Nani wu jogaya maxa yelay wa lacib tayo leh wana arki karta kulanki ugu dambeyay

  11. Taageerayasha man u ninka ug Foosha xun Reply

    22-February-2013 at 1:33 pm

    Haa waa sidaas nani kama tageyo man u waa ciyaar yahanka ugu fiican yurub viiiiva nani,van,rooney,chicha,vidic,wellback,

  12. Xasan Reply

    22-February-2013 at 1:11 pm

    Haa waasax in oojogo nani waayo wookuqas banyahay

  13. MVP Reply

    22-February-2013 at 12:59 pm

    Nani wo jooga meel na uma socdo choachka ninkan line up hasiiyo wo ka wada fiicanyahay garbaheena dhamaan inkasto young bahal o yahay valencia hala ordo kaliya o yaqaana bt nani is a talent player and we all knw that and i thing he deserv to hv line up

  14. Ahmed mohamed aden Reply

    22-February-2013 at 12:51 pm

    Kkkkkkk asc aniga waxey ilatahay nani inuu jogo clabka maxa yeley nani waa cayariyahan tayo iyo qibradleh waa cayariyahan ugu fiican yurub nani waa baqorka garabka man united waxan dihilaha in ay rebtan nani. Nani is the best thangs kkk man united

  15. Bile Reply

    22-February-2013 at 12:43 pm

    Waxan kahadlaya fikirkeyga hadan ahay taagero man utd waxan leyahay wan qaadi donaa horyalka

  16. Adan Reply

    22-February-2013 at 12:39 pm

    Laacib nani wu sijogi manchester united xita anaga wan jecelnahay in nani uu helo boos jogta ah viv nani and chacharito

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>