Home » Horyaalada » Spain » Fabregas : Waan Ku Laabanayaa Arsenal Haddii Aan Ku Qasbanaado In Barca Ka Huleelo.

Fabregas : Waan Ku Laabanayaa Arsenal Haddii Aan Ku Qasbanaado In Barca Ka Huleelo.

Waxaa Qoray:

Taariikh: 22-February-2013

256634hp2Xidiga qadka dhexe kubada uga qaabeeya kooxda Barcelona Fabregas ayaa xaqiijiyay in uu ku laabanayo kooxda Arsenal hadii uu go`aansado in uu ka huleelo Barcelona , iyadoo laacibnkaan Arsenal uu soo joogay inta u dhaxeeysay sanadihii 2003-da illaa iyo 2011-ka .

Warbixino horay u soo baxay ayaa ku doodayay in Fabregas xaqiijiyay in uusan ku laabaneyn Arsenal ka dib markii fariin ka soo baxday Wenger uu ku sheegay in Fabregas weli yahay nin Arsenal ah , balse Fabregas ayaa haatan sheegaya in uu sugayo ku laabashada Arsenal .

Isaga oo u waramayay shabakada Sky Sports News ayuu Fabregas yiri ” lama hadlin Wenger balse waa war ii farxad ah in uu iga sheego arintaas , waan murugeysnaa markii aan ka tagayay Arsenal” .

” Aad ayaan uga faraxsanahay waayo si wacan ayay ii soo xasuustaan , ma aqaan in mustaqbalka aan ku laabanayo Arsenal , hadii aan ku qasbanaado in aan Barcelona ka tago ,hubaal waxaan ku laabanayaa Arsenal” ayuu sii raaciyay kabtankii hore ee Arsenal Fabregas .