Schalke Oo Dood Ka Keentay In Didier Drogba Uu Ogolaansho U Heystay Inuu Champions League Ciyaaro. | Laacib.net
Home » Africa » Schalke Oo Dood Ka Keentay In Didier Drogba Uu Ogolaansho U Heystay Inuu Champions League Ciyaaro.

Schalke Oo Dood Ka Keentay In Didier Drogba Uu Ogolaansho U Heystay Inuu Champions League Ciyaaro.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 21-02-13 5:51 PM

257249hp2

Schalke ayaa xaqiijiay inay qorsheynayaa inay dacwad u gudbiyaan oo la xiriirta in Galatasaray ay ciyaarsiisay Didier Drogba kulankii ay xalay barbaraha 1-1 ku galeen Turk Telecom Arena ee lugta hore ee wareega 16ka ee Champions League.

Kooxda reer Jarmal ayaa aaminsan in xiddiga reer Ivory Coast inaan si rasmi ah loogu diiwaangelin inuu ka ciyaarin tartamada Yurub ee kooxda Galatasaray.

FIFA ayaa dhawaan ansixisay heshiiskii uu ciyaaryahanka dhawaan kaga soo wareegay kooxda Shanghai Shenhua, inkastoo kooxda reer China ay ka dooday inuu ciyaaryahankooda weli yahay, laakiin waxa ay kooxda Jarmalka haatan ku doodeysaa in ciyaaryahanka uusan heysan ogolaansho uu ku ciyaaro Champions League.

“Waxaa jira shaki laga qabo saxnaanshaha ogolaanshaha uu Drogba ku ciyaaray Champions League” ayay kooxda Bundesliga ka dhisan ku sheegtay akoonkeeda Twitter.

“Schalke waxa ay ilaalineysaa xuquuqdeeda, waxaana ay fiirin doontaa arintaan.”

Maamulaha guud ee kooxda Schalke Horst Heldt ayaa sheegtay maanta: “Inay tahay mas’uuliyad darro inaysan racfaan u gudbinin UEFA oo la xiriirta arintaan.”

9 Responses to Schalke Oo Dood Ka Keentay In Didier Drogba Uu Ogolaansho U Heystay Inuu Champions League Ciyaaro.

  1. aways maxamad cusmaan Reply

    26-February-2013 at 10:08 am

    waxaan waxaa ka keenay wax qabadkiisa oo heer sare ah drogba guul

  2. muqtar Reply

    25-February-2013 at 12:44 pm

    HaWaxaan umaleynayaa en ay schalka ka baqaneyso xitiga reer afrika

  3. Cozorla Reply

    24-February-2013 at 9:35 am

    Kaka dider waaa laacib aan aad u necbaa markuu jogay england lkn hada waa ciyaar yahanka aan africa ugu taagero mida kale schalka waa ay ku qasbantahay inay ninkaan dood galiso maxaa yelay horay ayaa loo yiri hasha qal nirigta haku qusatee markaa tii bayer uu ku dhigay ayey og yihin

  4. Eid Reply

    22-February-2013 at 2:28 pm

    Waa libaaxaha aduunka markaa inla ga cabsado waydhacdaa

  5. Muscab Reply

    22-February-2013 at 9:48 am

    K.k.k.k.k.k.k.k.k wan filayay geesiga africa ahna xidigi hore ee chelsea inuu buuq iyo qeylo galin doona kooxaha reer yurub

  6. abdullahi ali Reply

    22-February-2013 at 7:36 am

    schalke waa koox haatan waxey dooneysaa iney ku dhagto xidigeyna rer afrika taasna mayeeleyno hadan nahay taagareyaasha didier drogba

  7. Asad kallaay Reply

    21-February-2013 at 9:28 pm

    kkkkkk we ka baqayan

  8. aaa Reply

    21-February-2013 at 8:31 pm

    waacaadiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiii

  9. Lii Reply

    21-February-2013 at 6:33 pm

    Waxaas ma soconayaan drogba fasax waa u haystaa inuu cayaaro Champions League germany cilkii ayeey u qabaan iyo xasuuqii uu ugu geystay allians arena hortiista ka wareega waa halyeey madoow yuusan idin jiirin viva didi.

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>