Maradona Oo Sheegay Inuu Soo Xaadiri Doono Kulanka Napoli Iyo Juve Xilli Laga Yaabo In La Xiro Hadii Italy Uu Tago. | Laacib.net
Home » Horyaalada » Italy » Maradona Oo Sheegay Inuu Soo Xaadiri Doono Kulanka Napoli Iyo Juve Xilli Laga Yaabo In La Xiro Hadii Italy Uu Tago.

Maradona Oo Sheegay Inuu Soo Xaadiri Doono Kulanka Napoli Iyo Juve Xilli Laga Yaabo In La Xiro Hadii Italy Uu Tago.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 21-02-13 8:23 PM

maradona-kiss-490ai_0

Diego Armando Maradona ayaa weli la dagaalamaya xafiiska canshuuraha ee Italy, laakiin waxa uu shaaca ka qaaday in laga yaabo inuu tago Stadio San Paolo kulanka Napoli iyo Juventus halkaas ku dhexmari doona 1da bisha March.

El Pibe de Oro ayaa warqad furan u qoray taageerayaasha Napoli, isagoo weli laga yaabo inuu xarig wajaho hadii uu cagta soo dhigay Italy madaama lagu heysto canshuuraad uusan bixinin xilligii uu Italy ka xamaalan jiray.

“Waxaan rajeynayaa inaan ku soo laabto Naples sida ugu dhaqsiyaha badan, weliba kulan Juventus si aan u arko kooxda aan jecelahay ee Napoli iyo taageeriyaasha aan ilaawi karin ee Neapolitan” ayuu qoray Maradona.

“Sannadkan Napoli waa ay ku guuleysan kartaa Scudetto.”

5 Responses to Maradona Oo Sheegay Inuu Soo Xaadiri Doono Kulanka Napoli Iyo Juve Xilli Laga Yaabo In La Xiro Hadii Italy Uu Tago.

  1. Axmed maxamed Reply

    23-February-2013 at 12:28 pm

    Napoli waxba yay isku waalin inay guul kagaadho kooxda juventus balse hakufekerto sidii ay goolal badan looga dhalin lahay

  2. Mukhtaar Ali Reply

    22-February-2013 at 12:55 am

    Odaygu waxaan filayaa inuu xabsiga ka dhexdaawandoono ciyaarta

  3. Sihaam juventiny Reply

    21-February-2013 at 11:29 pm

    Mara mucjisadii kubada cagta waa lagagu soo dhaweynayaa italy mana lagu xeraayo balse guul daro ayaa la kulmeysaa forza juve

  4. Mahad Guliye Reply

    21-February-2013 at 10:23 pm

    K k k k k k k k Talyaniga wey ka sortowdaa iney ku xiraaan hayey

  5. xudeyfa syl Reply

    21-February-2013 at 9:28 pm

    Hhhh diego mucjisadi kubda cagta adunka lkn ha isku imaan xasuqa an nadigadi hore u geysan doono marka aan kulano bisha so socota viva juvnts brca and liverpool

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>