
Wararka laga helayo gudaha kooxda QPR ayaa sheegaya in weeraryahanka kooxda ee Loic Remy in uusan ka qeyb galeyn kulanka sabtida ay ku marti gilinayaan kooxda Man United sababo la xariira iyadoo uusan si wacan uga soo kabsan dhaawacii dhanka bowdada ee horay u gaaray .
Inkastoo tababare Harry Redknapp marar badan ku celiyay in xidgaan cusub ee ka yimid koonfurta Faransiiska uu diyaar ahaanayo ka hor kulankaas hadana wargeyska The Sun ayaa qoraya in laacibkaas banaanka ka ahaanayo dhimsha Redknapp iyadoo uu ka baqayo in dhaawaca laacibkaasi uu soii xoogeysto xilli sedex todobaad ka dib uu ku soo laabtay tababarka kooxda.
Dhanka kale weeraryahanka da`da yar ee Junior Hoilett ayaa ka soo caafimaaday dhaawacii garoomada ka fogeeyay mudada dhowrka todobaad ah , iyadoo ka qeyb galkiisa kulankaan Man United ee sabtida yahay mid ku xeran tababaraha .
Waxaaa xusid mudan in kooxda QPR a haatan ku jiraan kaalinta ugu hoseysa kala horeynta kooxaha iyaga oo leh 17 dhibic waxaana laga baqayo in horyaalka sanadkaan ka haraan.
.
Deqa man untd
21-February-2013 at 5:44 pm
Kkkkkkkkkkkkkkkkk maqnow ama jog anaga waxaan rabnaa sedexda dhibic bis waa in aan 15 dhibic kuqabanaa horyaalka markaas ayey isdhiibayaan deriska qeelada badan kkkkkkkkkkkk viv sirka iyo naaani iyo inta taagerta
c.qaadir Galeer
21-February-2013 at 5:33 pm
Qpr hais dhibina sadaxda dhibic si nadiif nogu siiya idinko isdhibin qpr 0 man united 2 Viva Tom Cleverley And Danny Welbeck
Suldan nuur
21-February-2013 at 5:04 pm
Maqnow dheh ama joog man united 3pionts oo nadiif ah ayan doneyna xisaab aya qabyo naga ah marka wana xushmeyneena qpr sida koox weyn lkn 3pionts si nadiif ah noogu so wareegjiya viva sir alex wa in ciyaartas luis nani line upka ku bilaawda wad aragten wuxuu reading ku dhigaye viva the united manchester
omar goley
21-February-2013 at 4:42 pm
loic remy manutd wax oo kaqadayo haba yarate majirto hadu dhelayo iyo hadu maqan yahay waa iskumid ayee u tahay man utd vivi vaaan goooool and rooney