Lionel Messi Oo Weli Ku Dhibtoonaya In Kooxaha Serie A Uu Ka Dhaliyo Gool Aan Rigoore Aheyn. | Laacib.net
Home » Champions League » Lionel Messi Oo Weli Ku Dhibtoonaya In Kooxaha Serie A Uu Ka Dhaliyo Gool Aan Rigoore Aheyn.

Lionel Messi Oo Weli Ku Dhibtoonaya In Kooxaha Serie A Uu Ka Dhaliyo Gool Aan Rigoore Aheyn.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 21-02-13 6:26 PM

messi-milan490ai

Ku guuldareysashadii Lionel Messi ee inuu shabaqa ka soo taabto kooxda AC Milan ayaa ka dhigeysa in rikoor aan looga baran oo dhanka gooldhalinta ah ee kooxaha Serie A ay weli u sii socoto.

Xiddiga reer Argentina ayaa ku dhibtooday inuu gabi ahaanba saameyn ku yeesho ciyaartii Blaugrana 2-0 looga badiyay ee San Siro ee lugta hore ee wareega 16ka Champions League.

Messi oo weli jabinaya rikooro ceyn walba ah islamarkaana isbuucii hore dhaafay 300 gool oo tartamada oo dhan ah, iyo isagoo sii dheereystay rikoorkiisa kulamada isku xigxiga ee La Liga ee uu shabaqa soo taabtay oo ay u mareyso 14 kulan. Hadana, marka uu wajahayo koox Talyaani ah, 25 jirkaan ayaa dhibtooda.

Kulankii shalay ee uu gool l’aanta kala soo laabtay San Siro ayaa ka dhigeysaa in Messi uu seddex gool kaliya ka dhaliyay kooxaha Serie A sagaal kulan oo tartan rasmi ah oo uu ka horyimid. Seddexdaas gool xitaa dhamaantood waa rigoore uu ka dhaliyay Milan, dhamaantoodna xilli ciyaareedkii hore, taasoo la micno ah in Messi uusan weli ciyaar furan gool ka dhalinin koox Talyaani ah.

Messi ayaa wajahay tartan rasmi ah kooxaha Milan, Inter iyo Udinese intii uu kubada cagta ciyaarayay, welina gool caadi ah oo aan aheyn rigoore kama uusan dhalin.

33 Responses to Lionel Messi Oo Weli Ku Dhibtoonaya In Kooxaha Serie A Uu Ka Dhaliyo Gool Aan Rigoore Aheyn.

  1. Adan Reply

    27-February-2013 at 11:01 pm

    Kkkkk.messi a talyani goal kadhalinayo wa habenki xalay aha oo tagay inu talyani goal kadhaliyo mesha waxaa taagan difaacyo adag marka cunigan yar oo asagabo dhadhacayo maxu wax dhaliya rer barca so xasusta gameki inter milan 3 barca 1 maxu wax udhalin waye gamekas iyo ki kale camp nou o sagalkabo gadal jose aya bes coach kuqatay viva inter.milan.juven.madrid.man united. Marka lionel calaan so barbaar

  2. Maxamed yare Reply

    26-February-2013 at 9:08 am

    Messi lagamayaabo inuu taliyani kadhaliyo gool sababto ah daafacyo adag ayey hayaan taliyani oo lafihiisa qaadaya asoo curyan ahaa viva real c.ronaldo.

  3. Hamze Oday Reply

    24-February-2013 at 5:53 pm

    Wallee missi tamartiisu ma gaadhsiisna inuu si xarago leh amse orod uu ku dhexjibaaxo KOOXALHA TALYAANIGA sabbabtoo ah waxay ay yihiin difaaca caalamka kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  4. maxamed muumin Reply

    23-February-2013 at 8:23 am

    kubada talyaaniga waa kubad xiran waana kubad khibradeed ma ahan sida spain iyo engriska waa laga yaabaa inuu ka dhaliyo lkn waa adag tahay viva inter iyo matankoda

  5. Cabdi xafiid axmad cali {fantastic} Reply

    22-February-2013 at 1:57 pm

    Missi italy maka dhalin k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k.k

  6. xamiid kaka Reply

    22-February-2013 at 12:31 pm

    forzo milaaaaaaaaaaaaaaano

  7. Muscab Reply

    22-February-2013 at 9:21 am

    Koox taliyaani kulahaa maqasab baa waad ogtihiin kooxaha inglishka ah o ka faan badan ayu dardari jiray sida arsenal & manU teda kale milan sanadki hore arsenal ayay gurigeeda 4-0 ku garaacday lkn lugti labaad waa la ogaay in 45 daqiiqo o HORROR ah lagaga dhaliyay sadax ilaahow yaa mar le iga dhameya laga kenay.
    marka maxaad umaleyne CAMP NOU wale hadaan 5-0 kubadin weyno ha i rumaysanina

  8. Ayaanle Reply

    22-February-2013 at 8:52 am

    Maba lasinaayo janis uu goolka milana kugaaro waligiis na kamadha linaayo viva real madrid and ac milana cr7 boeting

  9. c.qaadir Galeer Reply

    22-February-2013 at 8:41 am

    curyankan sadaxda gool lawo kamid sapp Balata ayaa hadiyad ahaan usiyay lugta lawaad De jong ayaa soo labanayo gool oo dhaliyo iska daye lafihisa hanaga ilashado Viva Man United

  10. C/kafi el shaarawy Reply

    22-February-2013 at 8:34 am

    Kkkk reer brca niyada ayey ben u shegen wayo waxay dhehen kamnu ayu ku dhalin dona 3 goal maxadhacay san sero 95 daqino goal uma bahnen miya hadi mesi lugahisa mawaxo uga sotagay spen waxa kaliya o kabaxsan wayay conostanti abaha mesi inyasta aya ba habenki la arki wayay iskabada hadalka xavi banoni hesasho waxba matarto asxabta waxa laraba natijo rer brca waxa ceb ugu filan xata in ey dish otaha ka ilaliyey bedro.mesi.enyasta.maksis.sapata.abata.conostanti.milan guuuuuuuul

  11. Jimcaale cr7 Reply

    22-February-2013 at 1:06 am

    Maanta oo kaliya maha waligi inta uu kubada ciyaridoono kama dhalin doono talyaani. Ma iswaydiseen sababtu waxaytahay waxa weeyaan kubad shoot ah moyee waxkale kama dhasho nasiibdaro saxiibayaal messi shootka waa laga tacsiyeeyay

  12. muuse inii Reply

    22-February-2013 at 12:32 am

    asc dhamaan laacib.net iyo bulshada kale sln kdb miise waa xidiga lamad e adunka c.ronaldo marka lagarebo elen runaldo 3gool o rigore kujurin ayo kadhaliye lkn barca niyukam marki ey milan ku qabisho aya la.oganaya in miisi waxgalo iyo inkale viiva man utd viiva jufa viiva barca

  13. mahad Reply

    21-February-2013 at 11:55 pm

    aad buu u dhib tooday in uu dhex qaado tifaac yada milan

  14. Ceynte Reply

    21-February-2013 at 11:53 pm

    Asc horta messi ama italia hakadhaliyo ama yusan kadhalin mesha natijo fcn ayalobahan yahay lkn kuban ayan kayabanahay kuhayo curyan war hadu curyanyahay ma adigow kalmo kasodontay hadi ucuryanyahay kuba cagahale madhalshano 91goal one yers wakan malin walbo scord jabinayo kuba curyanka ehen majabshano warya carur shalay cayar baratay aya tihin afkina kadaya messi wadhac dhaca kulaha nin dafacyada sida messi udhex marayo malahelayo wad aragten dadka kubada yaqan aya kaqeliyey inuu messi yahay laacibki ugu wanagsana ebid kubada cagta somara kacabso 91goal wan yers yaa yeli karo oon ehen lionel messi10 kacabso the king of Dribbling

  15. Cristiano ladesma Reply

    21-February-2013 at 11:19 pm

    kkkkkkkkkkkkkkkkkk war ni kaani waa laacibka aduunka waa maxay LACIB.NET wax ad shegeysaa kkkkkkkkkkkkkkkk waxaasi nah messi uma joojinaayo gool waa gool ha ahaato rigoore ama gool caadi ah wlhi aniga waxaan oron karaa LACIB.NET in hadal kaani ay meel ula jeedo runti

  16. asc marka hore waa idin salaamay dhamaan akhyaarta isboortiga taageerto salaan kadib sanadkaan barca hiligeega mahan champion league waa ka hartay sanadkaan championka waxaa qaadeyso juventus sama final waxaa isku imaanaayo Beyernmunch iyo juventus taasi ha la iga qoro kulanka dambe barca iyo acmilan waxaa ku dhamaaneysaa bareejo sidaas ugu baxay jaw jaw

  17. Taagane Reply

    21-February-2013 at 10:11 pm

    K.k.k war meeshan waxa la dhaha serie a ma wuxu u maleyay ciyalki u ka dhalin jiray 4ta gool k.k.k horta waligis ma maqlay katiinatto.k.k.k weydiya bal garaca

  18. C/casiis haaji Reply

    21-February-2013 at 9:32 pm

    Xaqiiqdu waxey tahay mesi waa xidiga aduunka run ahaanti waa kan lagu mashquulo garoon dhaxdiisa iyo banaankiisa mida kale talyaanigu waxey raaciyaan 3difaac marka maba helaayo fursad misane maalmahan tababare la aan ayaa jirto viv barca 4ever

  19. khibro milanaawi Reply

    21-February-2013 at 9:14 pm

    kkkkk meesha waxaa layidhaahdaa talyaaniga s/eeda waaxan kadhalinkara kubad ama goool nin adag oo digaac iyo weerarba isku darsaday sida SHACRAAWI IYO KAKA SIDOOF lakin inankan yara ee curyaanka ah ee dhacdhacaya muxuu dhaliyaaa isgaaba diidayeeeeeeeeeeeeeeeee kkkkk adeer diiniyaaa iyo aarnaynkii hore ayaa ku dalay milan eee spainiishakaagaa iska eryo hadii uu kaciyaarailaha tlayaaniga walaa waaxid muudhaliyeen ee dhaawac iyo iskabayan farabadabn ayuu ku jirilahaaaa

  20. cabdulaahi ubo Reply

    21-February-2013 at 8:56 pm

    reer barca yaa daafac ah mataqaanaan waa mafia aduunka hadii lug lalagaari waayo gacanaa joogto adigoo indhahaadaa ujeedaan ayaa lagugu sameynaaa maxaa dhihi kartaa heee gacan ayaa lagaaga celinaa waana lagaaga dhalinaa messi ayaad wadaa montillivo kasooo horeeyo adeey ku dhibee walaahi wcs laacib.net

  21. dabu pafenda Reply

    21-February-2013 at 8:44 pm

    waliiga kama dhalindoona ha iska hadlo farakh baas waa garac hoyadii wase messi garac

  22. Milito Reply

    21-February-2013 at 8:16 pm

    Sxbyal meeshan waa itali ma ahan spian waa carab mida kale talayaaniga waxa iy jacel yihiin xidhiga sida messi oo kale inter waxa oo ka horyimid 5 naadigakale ac milan 6 waxa oo dhaliyay 3 sadex regoore udenase 2 marka messi aniga aayad umahaayo horyaalka spain sanadkii kaliya waxa oo dhaliyaa 50 goals kkkkkkkkkkkkk

  23. Deqa man untd Reply

    21-February-2013 at 8:03 pm

    Kkkkkkkkkkk waxba haisdaalina ciyaarta danbe ayuu kadhalaa sedex gool waana arkidontaan ciyaalkaan naftooda been usheegaa kkkkkkkkkkk viv misee. Asilee kataageeraa barka oo dhan

  24. mubaarak Reply

    21-February-2013 at 7:49 pm

    ciyaalka xaafada hadalkeyga meel ku qorta aduunka wadanka ugu difaaca adag waa qaranka talaayiniga misna kooxaha seria eeda talyaniga ka wada ciyaaro ayaa ah kooxaha ugu difaaca adag aduunka sida milan juventus inter roma napoli undniesa iyo kooxaha all talyaniga kawada ciyaaro isma dhaafno

  25. Nuurb10 Reply

    21-February-2013 at 7:43 pm

    Messi goal xagow sidoow u dhalinaa talyaniga waxa talasinkara tifatiraha real madrid C.ronaldo kacabso viva özil

  26. nuurmilano Reply

    21-February-2013 at 7:40 pm

    vam ponbel ayaaba sheegay meesi xitaa haduu seria da joogi lahaa 30 gool xitaa kama dhaliyeen 3da rigoore 2ka mid ah been abuur ayeey aheyd maahi hal rigoore kadhiya ayuu dhalin lahaa seria da wey adagtahay difaaceeda forsa milano

  27. Majka Boy El sharawi Reply

    21-February-2013 at 7:11 pm

    Ac milan muu gool ka dhalin kara 3 mar ayay uefa rigoore been ah u dhigtay lee viva ac milano

  28. Shafka Reply

    21-February-2013 at 6:58 pm

    Taas wa shaqada loga barte talyaniga wan hoshoda dafaca qatarta ah ee italianò

  29. Mahdi blues Reply

    21-February-2013 at 6:58 pm

    Chelsea waligiis kama dhalin, waxa uuna ka hor yimi 8 jeer.

  30. Messi Reply

    21-February-2013 at 6:56 pm

    Iska suga wa dhalin doonaaye.. Viva barca guul..

  31. the magic Reply

    21-February-2013 at 6:36 pm

    muxu kani goal naga dhalin isagaba dhacdhacaye anaga levente ma nihin iyo arsenal meshu wa seria a jiljileec kama shaqeeyo BE ALWAY MILANAWI

  32. mohamud_kaka 22 Reply

    21-February-2013 at 6:35 pm

    walahay walayaab midaas lkn wudhalindona viva man blue and ac milan

  33. Podolski Reply

    21-February-2013 at 6:32 pm

    Hadana mahaysto fursad uu goal oga dhaliyo milan ciyarta camp nw ee second leg ucl

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>