Marouane Fellaini Oo Dareesan In Garsoorayaal Ka Cabsanaya Muuqaalkiisa Ay Bartilmaameedsadaan Isaga. | Laacib.net
Home » Horyaalada » England » Marouane Fellaini Oo Dareesan In Garsoorayaal Ka Cabsanaya Muuqaalkiisa Ay Bartilmaameedsadaan Isaga.

Marouane Fellaini Oo Dareesan In Garsoorayaal Ka Cabsanaya Muuqaalkiisa Ay Bartilmaameedsadaan Isaga.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 20-02-13 1:13 PM

Fellaini2_2899156

Xiddiga kooxda Everton Marouane Fellaini ayaa sheegay inuusan bedeli doonin ciyaartiisa inkastoo uu sheegtay inay garsoorayaasha ay bartilmaameedsanayaan madaama ay ka baqanayaan isaga.

Ciyaaryahanka reer Belgium ayaa ganaax seddex ciyaar ah dusha loo saariyay bishii December ka dib markii uu herdiyay ciyaaryahanka Stoke City Ryan Shawcross.

Fellaini ayaana dareensan in garsoorayaasha uusan ka helin wax ilaalin ah ka hor inta uusan falkaas ku kicin, waxaana uu qirtay inay tahay wax isaga lagu bartilmaameedsanayo, iyadoo ganaaxaasi ka dib uu qaatay labo jaale.

“Ma ogolaanayo in daafacyada ay cagteyda ama madaxeyga ku dul socdaan.

“Hadii garsoorihii ciyaarta Stoke uu shaqadiisa si fiican u qabsan lahaa, la iima ganaaxeen.

“Mana aanan u jawaab celiyeen sidii aan sameeyay, madaama garsoorayaasha aysan seeriga yeerin karin qalad kasta oo ciyaarta ka dhaca.

“Taas marka laga soo tago, kooxda waxa ay aheyd Stoke, waana ogeyn inay ciyaaraan kubad xoog ah. Maaliyadaha ayay naga jiidayeen ciyaarta inta ay socotay oo dhan. Ugu danbeyn casaan ayaa la iisiiyay, ma ana aheyn in la siiyo. Qaladka anigaa lahaa.

“Kama xanaaqsani Shawcross. Waxa uu iska dayay inuu i celiyo, waxa uu sameeynayay kaliya shaqadiisa.

“Laakiin gacmihiisa waxa ay ku hareersanaayeen jirkeyga waqtiga oo dhan. Si kastaba, cid arintaas wax ka tiri ma jirin. Waa Ingariis, sidaasi darteed wax dhibaato ah ma lahan.”

Waxa uu hadalkiisa raaciyay in garsoorayaasha ay bartilmaameedsadaan isaga: “Waan arkaa inay ilgaar ah igu hayaan, waa ay iga baqanayaan.” ayuu yiri.

Fellaini ayaana qirtay inuu dareensan yahay in garsoorayaasha ay u bartilmaameedsadaan madaama uu dheer yahay, xoog badan yahay islamarkaana uu leeyahay timo afro ah, inay sababtay in garsoorayaasha ay mar walba isha ku dhuftaan.

“Xilli ciyaareedkeygii iigu horeeyay ee Everton waxaan qaatay 12 jaale.

“Dhamaadkii xilli ciyaareedka waxaa yimid wafuud garsoorayaal ah oo soo booqday kooxda si ay u sharaxaan sababta la ii siiyay intaas oo jaale ah.

“Laakiin waxa ay ugu danbeyn qirteen in qaar ka mid ah caalamadahaas lagu degdegay. Waxaan isweydiiyay sababta ay caalamo ii siiyaan.

“Shaki kuma jiro sababtoo ah ma ahi qof la iska agmari karo iyadoo aan la arkin. Waan dheerahay, qaabka timaheyga waa mid si sahal ah loo aqoonsan karo, tan kalena waxaan dhibaato ku ahay daafacyada.”

18 Responses to Marouane Fellaini Oo Dareesan In Garsoorayaal Ka Cabsanaya Muuqaalkiisa Ay Bartilmaameedsadaan Isaga.

  1. maxamed Reply

    21-February-2013 at 2:12 pm

    Waxaa wax socnaya ma aha

  2. FARADAR Reply

    21-February-2013 at 1:14 pm

    ala maxa sawir kasto man u ka maseraa .k.k f.a idinka idinma siyoo 3 da champion ne uefa aya sisay anu malaynaa .k.k.k.k.k hadi at cup rabtin man u iska so raaca ama xagxagashada hala jojiyo .k.k.k.k.k.k f.a aa yelay iyo waxba tarimayso sxbyal viiiva man uniteeed

  3. kaskeey Reply

    21-February-2013 at 1:12 am

    waa runtii waa marookan sidaas darteed ayey u fiiriyan african meel gaaraty ahaan

  4. Fuck man shity Reply

    20-February-2013 at 8:37 pm

    Kkkkk war ninkan wuu waalanyahay kulahaa timahaygaa laga cabsadaa

  5. Caaqil Cade Reply

    20-February-2013 at 8:33 pm

    kkkkkkkkkkkk

  6. red devills Reply

    20-February-2013 at 8:07 pm

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    just for laughs gags

  7. Xusni Reply

    20-February-2013 at 6:10 pm

    Asc england garsoorayaa sheeda calad kuma shaqeeyaan waxayna ushaqeeyaan kuligood man united haday horyaal kale kaciyaari lahaayeen kooxaha ugu hoo seeyay kamid noqon lahayd wali ma ufiirsateen inta laad xora iyo gool ku laad loo dhigo sanad kasta ama inta jaalayaal iyo casaan lasiiyo kooxahay laciyaarayaan waxan aad ulayaabay mar rvp oo maalin dafac ladagaa lamay xitaa jaale lamasiin wax kale iska daa waxay kaloo bartil maa meedsadaan ciyaaryahanadda xirfadda sare leh ee aan ingiriis ka ahayn si ay sharafta uga qaadan

  8. Mahad Guliye Reply

    20-February-2013 at 4:02 pm

    K k k k k k xoog looma pahnaa teda kale capsidana maxey ahayd waa yaap

  9. xudeyfa syl Reply

    20-February-2013 at 3:36 pm

    Hhhhh falini keligaa ma ahan waxa la iska daba dhigty sido kale anaga hadan nahy rer liverpool ciyarksta penelty nalaga didaa gar ahaan suarez markaa garsorka england. Wa kuwo aad u liita viva liverpool brca and juvnts

  10. Fany fans Reply

    20-February-2013 at 2:57 pm

    Ugaas farah maxa ku dhacay mise lcb aya qalad kasameyey anaga lcb.net hadeysan dadka xumeyneyn anaga dhan aya ka tageyno weeb ayaga kaliya mahan wey fara badan yihiin

  11. Fany fans Reply

    20-February-2013 at 2:51 pm

    Bentiis mahan

  12. Chelsea Reply

    20-February-2013 at 2:46 pm

    Fallini waa laacib jiraa ku soo dhawow chelsea and hazard

  13. mohamud_kaka 22 Reply

    20-February-2013 at 2:34 pm

    timihisa laga baqaya xogna wu leyahay viva dzeko neymar aguero tevez all citizens

  14. Farah Reply

    20-February-2013 at 2:33 pm

    Lacib.net wan idiinka tagay weebkiina maca salamo wana waxad sameyseen dadkana waxas o kale hakula dhaqminaha malintad furteen iyo hada inta ka dhaxeyso adinka ayan idn tagerayey lkn

  15. Farah Reply

    20-February-2013 at 2:29 pm

    Wa runtiis ingriis ciyartoyda ka xamalato dhib iyo cunshiri nimo aya lagu haya ingriis ciyaro matalo garsorana majogo ee saxafad bes ayey mesha ku hayan

  16. hiiraash Reply

    20-February-2013 at 1:34 pm

    Kkk war waa nin xariifa malaha waaba runtii, macal garsooraha afka kaga candhuuf aabahood lagub adiga iyo surez bayba shaqo idinka dhigteene.

  17. hasuuu Reply

    20-February-2013 at 1:30 pm

    Caadi mahan ninka wamaxa waxa ushegayanayo cabsida

  18. Fabregas Reply

    20-February-2013 at 1:29 pm

    Viva felleiyni

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>