Falanqeynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Lugta Wareega 16ka Champions League Ee Galatasaray v Schalke. | Laacib.net
Home » Champions League » Falanqeynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Lugta Wareega 16ka Champions League Ee Galatasaray v Schalke.

Falanqeynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Lugta Wareega 16ka Champions League Ee Galatasaray v Schalke.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 20-02-13 9:16 AM

255660hp2

Didier Drogba iyo Wesley Sneijder ayaa caawa ku soo laaban doona kubada cagta Yurub marka Galatasaray ay lugta hore ee wareega 16ka Champions Leageu ku martigeliso Istanbul kooxda Jarmalka ee Schalke.

LINE-UPKA MACQUULKA AH:

 

GALATASARAY

Muslera
Eboue, Nounkeu, Semih, Riera
Hamit, Felipe Melo, Selcuk
Sneijder
Drogba, Burak
SCHALKE

Unnerstall
Hoger, Howedes, Matip, Fuchs
Jones, Neustadter
Farfan, Draxler, Bastos
Huntelaar

Galatasaray ayaa la filayaa inay Didier Drogba siiyaan kulankiisii ugu horeysay ee uu ku soo bilowdo, iyadoo xiddiga reer Ivory Coast uu kulankiisii ugu horeysay ee kooxda gool kula dabaaldegay isagoo kursiga keydka ka soo kacay jimcihii.

 

Si kastaba, Tomas Ujfalusi iyo Johan Elmander ayaa dhaawac kaga maqnaan doona, halka Emmanuel Eboue laga yaaboo inuu ku soo laabto daafaca midig, iyadoo Sabri Sarioglu kursiga keydka loo dhaadhicinayo,

Dhanka kale Schalke ayaa la filayaa inay soo dhaweyso Klaas-Jan Huntelaar, iyadoo weeraryahanka reer Holland uu la maqnaa dhaawac isha ah kulamadii ugu danbeysay.

Si kastaba, waxaa ka maqnaan doona ciyaartoydooda magaca weyn sida Kyriakos Papadopoulos, Atsuto Uchida, Ibrahim Afellay iyo Ciprian Marica.

MA OGTAHAY?
  • Galatasaray xiddigeeda Drogba ayaa dhaliyay gool shan daqiiqo markii uu ciyaarayay kulankiisii ugu horeysay ee Super Lig jimcihii. Kubadiisii ugu danbeysay ee Champions League ee uu taabto waxaa koobka ku qaaday Chelsea.
  • Hamit Altintop ayaa mustaqbalkiisa ciyaareed ka bilaabay Schalke, waxaana waqti la soo qaatay Bayern Munich iyo Real Madrid ka hor inta uusan u dhaqaaqin Istanbul.
  • Burak Yilmaz ayaa dhaliyay lix gool 7 kulan oo kooxdiisa ay ciyaartay Champions League.
  • Schalke lagama badinin kulan Champions League ah tan iyo semi-finalkii Old Trafford ee xilli ciyaareedkii 2010-11.
  • Kooxda Veltins Arena ayaa badisay kaliya hal jeer sannadkan 2013, waa 5-4 kulan ay kaga badiyeen Hannover 18kii Janaayo.
  • Michel Bastos ayaa dhaliyay seddex gool seddex kulan oo uu u saftay kooxda tan iyo markii bishii Janaayo uga soo biiray Lyon.

15 Responses to Falanqeynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Lugta Wareega 16ka Champions League Ee Galatasaray v Schalke.

  1. cabdi casiis maxamed axmed Reply

    21-February-2013 at 10:54 am

    galastray way badin 3

    galastray way badin 3.0

  2. mohamud Reply

    20-February-2013 at 8:49 pm

    caawa waxa ku guuleysandoona galatasaray insha allah
    Pi

  3. cunaaaye Reply

    20-February-2013 at 8:01 pm

    cawa KALASATARY AYAA BADİNAYSA En büyük galastaray çünkü dorgba var veya burak yılmaz

  4. Burak yilmaz Reply

    20-February-2013 at 7:16 pm

    En büyüksun galatasaray viiiiiiiiiiiiiiiiiva

  5. mr.man Reply

    20-February-2013 at 5:52 pm

    Hi level galatasaray way kacsan tahay rag culus ayaa iskugu tagay yesan kula fududaan

  6. ymx Reply

    20-February-2013 at 5:38 pm

    Xayawankan maxamed hi level wato layabanahay adi ciyaar maba taqanid maa iska amustid dhadhan waxid !!!!!!!!!!!!!!!! Cawa galestry guuuuuuuuul ayaan leyahay

  7. ymx Reply

    20-February-2013 at 5:31 pm

    Asc marka hore maxamed hi level kan wato waba dabal wax mucarad ayuu iskaga so qoora hadan aqon ciyaraha ka amus doqon yahow cawa galastaray ayaa badineyso

  8. liban seef Reply

    20-February-2013 at 3:44 pm

    vay vaay waa cawa iyo türk telekon arena ciyaartu waa badin waxanay guushu racaysaa libaaxyada turkıga sarı kırmızı vıva galatasaray(umarım galatasaray bu gece kasanacak inşasllah)

  9. deeq yare Reply

    20-February-2013 at 3:24 pm

    wxaa badin doonto Galatasaray wxeya ku badineysaa3-1 wxana u kala dhalinaya wareeryahanka cusub ee libaaxyada drogba halka burak na dhalin doono 2 ka mid ah goolasha lagu garaacayo kooxda ka dhisan german ka

  10. nuurmilano Reply

    20-February-2013 at 2:50 pm

    viiva turkish team guul insha alaah

  11. dini Reply

    20-February-2013 at 10:44 am

    Viva galasatary waxaan taageersnahay kooxda ka soo jeeda türkische ka aniga waxaan ku noolahay germany lkn waxaa tadeero u ahay cawa glsty forza

  12. noradin Reply

    20-February-2013 at 10:15 am

    Chalke ayaa isleeyahay waa ay badin doontaa

  13. Hassan werar Reply

    20-February-2013 at 10:03 am

    Ac milano weybdine se ay ahed umbeyna ahani el sharawe ayaner two goals ka dhalini barcelona

  14. Kaafi yare Reply

    20-February-2013 at 9:47 am

    Caawa waxa badinayo galatasaray 3 shalka 1 waxana dhalinayo drogba 1 Sneijdar 1altintop 1 shalka huntelaar 1 viva man untd

  15. maxamed hi level Reply

    20-February-2013 at 9:25 am

    galastaraay way ku daysayyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyy walaa dorogba ma jiro

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>