Dino Zoff: Gigi Buffon Waa Goolhayihii Ugu Weynaa Ee Soo Mara Kooxda Juventus. | Laacib.net
Home » Horyaalada » Italy » Dino Zoff: Gigi Buffon Waa Goolhayihii Ugu Weynaa Ee Soo Mara Kooxda Juventus.

Dino Zoff: Gigi Buffon Waa Goolhayihii Ugu Weynaa Ee Soo Mara Kooxda Juventus.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Taariikh: 20-02-13 5:30 PM

231173hp2

Halyeeyga goolhayihii hore ee Italy Dino Zoff ayaa aaminsan in Gigi Buffon uu yahay goolhayihii ugu weynaa ee abid soo mara Juventus.

35 jirkaan ayaa Turin u dhaqaaqay 2001, wixii xilligaas ka danbeeyayna waxa uu ka qeyb ka ahaa kooxda koowaad ee Bianconeri, isagoo sidoo kale noqday kabtanka kooxda.

“Goolhayaha koowaad ee taariikhda Juventus waa Buffon” ayuu Zoff u sheegay Tuttosport.

“Giampiero Combi waxa uu ahaa goolhaye weyn xilligiisii, laakiin haatan Buffon ayaa u sareeya, waxa ugu muhimsan ayaa ah inuu qaab ciyaareedkiisa mar walba sareeyo.

Waxaana Dino Zoff la weydiiyay isaga halka uu isku qiimeeyo waxaana uu ku jawaabay:

“Zoff? waxa uu ka mid yahay goolhayayaasha sarsarre.”

Kooxda Antonio Conte ayaa haatan hogaanka u heysa horyaalka Serie A iyagoo 4 dhibcood ka sareeya kooxda kaalinta labaad ee Napoli.

6 Responses to Dino Zoff: Gigi Buffon Waa Goolhayihii Ugu Weynaa Ee Soo Mara Kooxda Juventus.

  1. Maryan haaji c/raxmaan Reply

    21-February-2013 at 12:01 pm

    Asalamu aleikum qaraabo’ dino soff runta ayu ka hadlay waayo ßuffon waa geesiga italy & juventus

  2. M DEEQ GIGIS Reply

    21-February-2013 at 8:45 am

    Buffan waa gool haye culus naadiga uu safan yahayna juventos waaaaw walle caadi maaha viva

  3. Kaahiye yusuf kaahiye Reply

    20-February-2013 at 10:04 pm

    Dino zoff waa giisa wuxuu ahaa gool haye sida buffon oo kale looga baqo juveneh way xusi doontaa raga lamidka ah ee somaray juve

  4. Sihaam juventny Reply

    20-February-2013 at 9:07 pm

    Hayaay oday culus oo miisaan leh gool hayihii ugu wanaagsanaa dadkii hore ee dino zoff juventus waxaa somaray gool hay yaal sar sare lkn buffon hadadaan la joogo isaga ayaa ku leh juve iska dhaafee aduunka oo dhan ayuu gool hayanimada u heestaa gigi graziee buffon

  5. yusuf Reply

    20-February-2013 at 7:02 pm

    Waxa ay ku badinaysa 3-2

  6. c.x.h Reply

    20-February-2013 at 5:55 pm

    soff waa runtaa jijka so marao kaliya ma ahan juvee

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>