Home » Horyaalada » France » Jose Mourinho Oo Albaabka U Furay Inuu Macalin Ka Noqdo Horyaalka France.

Jose Mourinho Oo Albaabka U Furay Inuu Macalin Ka Noqdo Horyaalka France.

Waxaa Qoray:

Taariikh: 19-February-2013

mourinho-gesture490ai_1

Jose Mourinho ayaa mar kale albaabka u furay inuu mustaqbalka wadan kale shaqo ka qaban doono ka dib kulankii Real Madrid ee axadii.

Ka dib markii kooxdiisa ay 2-0 kaga badisay Rayo Vallecano, tababaraha reer Portugal ayaa lagu soo waramayaa inuu la hadlay saxaafada France, waxaana wax laga weydiiyay wararka xanta ahaa ee dhamaadkii sannadkii hore ee la xiriirinayay PSG.

“Miyaan u baqooli doonaa France? Waa macquul, laakiin ma aqaano xilliga ay tahay” ayuu yiri Mourinho sida ay baahisay Canal +

“Ma dhihi karo xilligaas, laakiin maxaa diidaya?” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Mourinho ayaa la filayaa inuu ka tago Santiago Bernabe xagaaga, ka dib xilli ciyaareed adag oo ku qaatay garoonka iyo garoonka banaankiisa ee Madrid.