Weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain Zlatan Ibrahimovi ayaa sheegay in uu xiisaynayo in uu ku biiro kooxda ka dhisan dalka Jarmalka ee Bayern Munich.
Tababare Pep Guardiola ayaa la wareegi doona kooxda ku ciyaarta Allianz Arena dhammaadka xilli ciyaareedka waxana uu Ibrahimovic ku biiray kooxda Barcelona xilli uu tababare u ahaa Guardiola hase yeeshee waxa uu sheegay Ibrahimovic inuu diyaar uyahay in uu ku biiro Bavarian haddii la soo dalbado.
“Bundesliga waa horyaal dhabtii i soo jiitay maalin uun waan tegi doonaa,”ayuu u sheegay 11Freunde.
“Waqti kooban ayaa ii haray mustaqbalkeyga ciyaarista, haddii aan doorto inaan aado Jarmalka, waxaan dooran lahaa Bayern Munich.
“Aniga fikirgeyga waxa ay ka mid yihiin shanta koox ee ugu waaweyn caalamka.”
Ciyaaryahanka reer Sweden ayaa dhowaan la sheegayay in uusan daacad u ahayn kooxdiisa waxana warkan uu sii shidayaa eedeyntaas loo soo jeediyay.
Si kasta ha ahaatee weeraryahankan ayaa rumeysan in u wareegitaanka wadamo kala duwan inay tahay miduu ku soo caan baxay.
“Waxaan ka soo ciyaaray shan wadan – Sweden, Netherlands, Italy, Spain iyo hadda oo aan joogo France.Waxaan bartay dad badan iyo dhaqano kala duwan,”ayuu yiri Ibrahimovic.
“Dhabtii waxa ay iga dhigtay arrintaas qof taam ah.”
Guray.milano
20-February-2013 at 8:35 am
Zlatan hadaan la xaqirin waa ciyaaryahanka ugu wanagsan calamka marka laga reebo messi meel walbana wuu ka cayaari karaa bayer ayadaaba u baahan xidig wayn wlh
Mohammed
20-February-2013 at 12:41 am
Bayern ku yee meesha Ligue 1 muu mooday mida kale maa ogoo miyaa in Bayern ciyaar ciyaar lagu soo gali karin