Fiorentina Oo Dooneysa Inay Weerarkeeda Ku Xoojiso Borini Iyo Osvaldo | Laacib.net
Home » Horyaalada » Italy » Fiorentina Oo Dooneysa Inay Weerarkeeda Ku Xoojiso Borini Iyo Osvaldo

Fiorentina Oo Dooneysa Inay Weerarkeeda Ku Xoojiso Borini Iyo Osvaldo

Waxaa Qoray: Mohamed Aseyr
Twitter: Taariikh: 19-02-13 11:05 PM

furi

Agaasimaha ciyaaraha Fiorentina Daniele Prade ayaa sheegay inay doonayaan in kooxda ku soo daraan weeraryahanka Liverpool Fabio Borini iyo weeraryahanka kale ee Roma Pablo Osvaldo.

Inkastoo ay kooxda Fiorentina ay bishii Janaayo la soo wareegtay Giuseppe Rossi  ayay kooxda Fiorentina waxa ay weli doonaysaa in ay xoojiso weerarkeeda.

Borini iyo Osvaldo ayaa waxa ay hore uga wada tirsanaayeen kooxda Roma kahor inta uusan Borini u wareegin xaggaagii la soo dhaafay  Anfield, inkastoo uu Prade sheegay xiisaha ay u qabaan weeraryahanadan ayaa waxa uu qiray in aysan fududeyn in kooxaha ay ka tirsan yihiin  fasaxaan.

“Waxaan raadinaynaa weeraryahan baahi u qaba inuu goolal dhaliyo,weeraryahan u nool gaal dhalin,”ayuu u sheegay Radio Toscana.

“Waxaan jecel nahay Borini, laakiin waa mid adag in ay Liverpool ay fasaxdo Osvaldo? Uma malaynayo in Rome ay dooneyso in ay xoojiso koox ay xafiiltamaan balse wax walba waa ay dhici karaan.”

Kooxda Vincenzo Montella ayaa waxa ay ku jirtaa kaalinta lixaad ee Serie A, 13 dhibcood ayayna ka dambaysaa kooxda hogaanka hayso ee  Juventus, waxayna kooxdu dhalisay 45 gool xilli ciyaareedkan iyadoo ah kooxda afaraad ee ugu goolal dhalinbadan xilli ciyaareedkan.

 

 

6 Responses to Fiorentina Oo Dooneysa Inay Weerarkeeda Ku Xoojiso Borini Iyo Osvaldo

  1. axmed amiir Reply

    22-February-2013 at 11:22 am

    waxaan idin odhan lahaa hadaan nahay taageerayaasha kooxda liver pool iska iibiya boorini oosoo iibsada 9 kalee wacan iyo goolhaye wacan oobadala reina

  2. sumaya Reply

    20-February-2013 at 4:01 pm

    xudayfa inte uwada arya suares meel umasocdo
    ee haa baxo borino qasaro never danbena ciyaartoy
    talyaani yeena liverpool imaan fiiri dossena..aqualani
    now borina all flop baxa dheh ka xamasha talyaani
    mafia anfield ka socon waysene llz ynwa lfc

  3. xudeyfa syl Reply

    20-February-2013 at 1:00 am

    Sln sare asxbta reds borini wa xidig lkn xoga dhwacyo hareyey ayaa caqabad ku noqdy lkn waxn rajeynyaa inu so labto mida kale viola ha iska ilowdo xidigan wana bedelka suarez viva liverpool brca and juvnts

  4. Sadiiq yare Reply

    20-February-2013 at 12:25 am

    Borini hadey rawan hala imadan 15 milyan viva captian gerrard by laacib.net

  5. Sadiiq yare Reply

    20-February-2013 at 12:24 am

    Borini hadey rawan hala imadan 15 milyan viva captian gerrard

  6. Caaqil Cade Reply

    19-February-2013 at 11:48 pm

    asc dhamaan asxaabta gaar ahaan fanska resdka, salaan kadib fiorentina hadeey qaadan laheeyd borini liver fursad weeyn beey u tahay. borini markuu joogay roma xidig buu ahaa laakiin waxaan layaabay markuu ingiriiska imaaday liver flop ayuu ka noqday qasaariye weeyn ayuu noqday waxeeyna ilatahy ineey liver iska iibin doonaan dhamaadka xili ciyaareedkaan hadeeyba ku heleyaan qarash ileeyn waala arkay qasaaradiisii imisa gool ayuu ka qasaariyay liver, marka waa lacag qasaartay. badel fiican hadeeyba hesho liver, ineey iska iibin doonaan ayaan hubaa.viva liverpool and barca. guul liverpool for ever..

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>