
FIFA ayaa shaaca ka qaaday inay ansixisay in teknooloojiyada xariiqda goosha in loo isticmaali doono koobka adduunka 2014 ee ka dhacaya Brazil.
Ururweynaha kubacada cagta adduunka ayaa sheegay in teknooloojiyadan sidoo kale loo isticmaali doono koobka Confederations Cup ee sannadkan isna lagu qabanayo Brazil ka dib markii lagu guuleystay tijaabadii la marsiiyay teknooloojiyada xariiqda goosha koobkii Club World Cup ee ka dhacay Japan bishii December.
Labada shirkadood ee Hawkeye iyo GoalRef ayaa ilaa iyo haatan la shaqeeya FIFA kuwaasoo loo adeegsaday Club World Cup, halkaasoo ay aheyd meeshii ugu horeysay ee tartan rasmi ah loo adeegsado teknooloojiyada xariiqda goosha.
Warbixin ay FIFA soo saartay ayaa lagu yiri: “Ka dib markii lagu guuleystay dhaqan gelinta Teknooloojiyada xariiqda goolka FIFA Club World Cup bishii December 2012, FIFA waxa ay go’aansatay inay aaladaan u isticmaalo FIFA Confederations Cup Brazil 2013 iyo 2014 FIFA World Cup Brazil.”
Aaladan ayaa loogu talo galay in lagu saacido garsooraha si meesha looga saaro muranka la xiriira in kubada ay gudubtay xariiqda goolka iyo in kale.
Muhamad hassan omar
26-February-2013 at 11:10 am
Aniga fikir kyga waa qalad tegloniyada uu fifa so sare wayo dad by udaranthy sxb yal anigo kala so had layo wadanka angola muhamad hasan omar by
zaki
20-February-2013 at 12:45 pm
sir alx ayee dhibidonta garsoore kuqeeylis martambe masameyndoono meesha murug aya taalo xanjo badan waad liqi doonta sir alx hakuugu tagnaato kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk xanjada weey gadmeesa markaan sidi hore kaba daran
cabdala nuur
20-February-2013 at 9:43 am
buffon ay caqabd ku tahay aaladan markale kubad xariqda goolka gudubty socelin mayo sida ti muntari o kale kkkkkkkk .gar soorayasha ay caawinayso waxa kamid ah m.atkinson…..kkk
Zuu
20-February-2013 at 8:21 am
Warka taga mesha tiknolijeyad bele
Oscar
20-February-2013 at 1:24 am
Waa arin ad ufican waxey sacideysa garsoraya
Caaqil Cade
19-February-2013 at 7:39 pm
waa arin fiican si isqabqabsiga uu u yaraado…
Abdifatah villa
19-February-2013 at 4:10 pm
Its good idea
7i7ka
19-February-2013 at 3:41 pm
Wa ra,yi fican wxyna cawineysa garsooraha