Edin Dzeko Oo Doonaya Inuu Ku Laabto Jarmalka Xitaa Hadii Mushaharkiisa Qiimo Dhimis Lagu Sameynayo. | Laacib.net
Home » Horyaalada » England » Edin Dzeko Oo Doonaya Inuu Ku Laabto Jarmalka Xitaa Hadii Mushaharkiisa Qiimo Dhimis Lagu Sameynayo.

Edin Dzeko Oo Doonaya Inuu Ku Laabto Jarmalka Xitaa Hadii Mushaharkiisa Qiimo Dhimis Lagu Sameynayo.

Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti
Twitter: Taariikh: 19-02-13 12:27 PM

Capture

Edin Dzeko ayaa doonaya inuu aqbalo in mushaharkiisa uu dhimo si uu 20 milyan ginni xagaaga ugu dhaqaaqo kooxda Borussia Dortmund, sida ay ku warameyso jariirada The Sun.

Dzeko oo 26 jir ah ayaa waxa uu haatan isbuucii ka qaataa Manchester City 120 kun ginni, laakiin weeraryahanka ayaa ku jahwareersan Sky Blues madaama uusan boos joogta ah ka heysan kooxda.

Kooxda horyaalka Jarmalka ayaana lagu soo waramayaa inuu ku biiri doono hadii fursad uu u helo, halkaasoo uu ka heli karo boos joogta ah.

26 jirkaan ayaa City kaga soo biiray Wolfsburg labo sanno ka hor iyagoo ku soo iibsaday 27 milyan ginni.

Waxa uu dhaliyay 16 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, laakiin waxa uu tartan adag kala kulmayaa Carlos Tevez iyo Sergio Aguero.

Dortmund ayaa dooneysa Dzeko iyagoo u arka bedelka Robert Lewandowski kaasoo la filayo inuu xagaaga ka tago Dortmund islamakraana ku biiro Bayern Munich.

Kooxda Jarmalka ayaa dooneysa inay Lewandowski ka iibiso koox ajnabi ah sida Man United laakiin ciyaaryahanka reer Poland ayaa shakhsi ahaan xiiseynaya Bayern.

7 Responses to Edin Dzeko Oo Doonaya Inuu Ku Laabto Jarmalka Xitaa Hadii Mushaharkiisa Qiimo Dhimis Lagu Sameynayo.

  1. lilmuu_the ciitizens Reply

    19-February-2013 at 8:19 pm

    haha edin meel uma socda……….
    viva muslim players in city

  2. Bushaale Reply

    19-February-2013 at 4:29 pm

    Laacibkan wuxuu kufiicnaan lahaa kooxaha ingiriiska oo aado koobka labaat oo championka kuxigo sida evrton totonham newcastl utd iyo swensea

  3. xaqaani@man blue Reply

    19-February-2013 at 4:28 pm

    Dizeko waankamaaranaa waxaan haysanaa argentin stars daafacyada dhiig kagakeena qaarkalana waan keenaynaa sida kafani iyo falco marka iskabax sxb boos joogta ah raadso

  4. mohamud_milner 7 Reply

    19-February-2013 at 1:57 pm

    wa runti waayo mancity marka ladhaho waxay haysata sadex werar yahan golashoda horyalkana wa sidan dzeko 12 aguero 10 tevez 7 wadar ahan wa 39goal marka dzeco iska dulqado inta odaygan muslinka neceb la burinayo viva dzeko aguero tevez

  5. man city boy geedi yare Reply

    19-February-2013 at 1:48 pm

    sxb d.zeko mel u ma socdo wayo waxa lasinaya boos joogta ah viva man city

  6. c/raxman wilshere Reply

    19-February-2013 at 1:17 pm

    wxn ku racsanhy katagitanka man cit wnku racsahy wxn kula talin laha inu yimado arsenal dezk welcome to arsenal

  7. osman xarago Reply

    19-February-2013 at 12:46 pm

    Runti. Hadi. An. Fikirkeyga ka dhibto wa u ku saxanyahay dezko in u ku biro brushia. maxayelay wax fursada kumahaysto. City v.v arsenal

Aragti Ka Dhiibo Maqaalkaan

Digniin: Fekerkaaga ka ilaali ereryada Aflagaada, cunsurinamada iyo xumaanta ah *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>